BLM

BLM Borderline Media | Content. Culture. Connection || Capturing the space between the mainstream and the misunderstood || DM for collaborations.

03/06/2026

Dagaal xoogan ayaa markale ka qarxay agagaarka guriga uu muqdisho ka dagan yahay R/wasaare h**e Xasan Cali kheyre kaasi oo ku yaal wadad dabka dhinaca saydika xigta daryanka rasaasta iyo hub si xoogan u dhacaya ayaa la maqlayaa kuwaasi aan kala joosi lahayn.

Waxii ku soo kordha BLM ayaa kala socon doontaan.

03/06/2026

Muqdisho — Iska-hor-imaad ayaa mar kale ka socda xaafadaha mucaaridka ay degeeen.

  Dowladda Federaalka oo ku adkaysatay in ay la dagaallamayso ciidanka hubaysan ee ka soo horjeeda: "Marnaba ma aqlayno ...
03/06/2026

Dowladda Federaalka oo ku adkaysatay in ay la dagaallamayso ciidanka hubaysan ee ka soo horjeeda: "Marnaba ma aqlayno ciidan hubaysan oo maleeshiyaad ah."

Ugu yaraan 6 qof oo Soomaali ah ayaa la aaminsanyahay inay ka mid ahaayeen 21 qof oo maanta ku geeriyootay hoteelka Flou...
03/06/2026

Ugu yaraan 6 qof oo Soomaali ah ayaa la aaminsanyahay inay ka mid ahaayeen 21 qof oo maanta ku geeriyootay hoteelka Flourish Stay B&B, oo ku yaalla xaafadda ciriiriga ah ee Hauz Rani ee koonfurta caasimadda Hindiya ee Delhi. Waxaana dadkan la sheegay inay howlo caafimaad u joogeen Hindiya.

Booliiska Delhi ayaa waxyar ka hor shaaciyay in lasoo qabtay milkiilaha hoteelka uu dabka qabsaday oo magaciisa lagu sheegay Lavkesh Bajaj, kaasoo la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado. Dabkan waxaa sidoo kale laga soo badbaadiyay 58 qof oo inta badan isbitaallada loo dhigay dhaawacyo soo gaaray.

Fiiro gaar ah;

Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujiyay hoteelkan inuusan lahayn wax nidaam dab damis ah, sidoo kalena goobta cariiriga ah ee uu ku yaal ay ka dhalatay si dhaqso ah inaysan kooxaha dab damiska u gaarin.

Bulshada Soomaaliyeed ee caafimaadka u tagaya Hindiya , waxaa mudnaan leh inay hubiyaan goobaha ay deggayaan oo ay ka fogaadaan xaafadaha cariiriga ah iyo kuwa isku raranka ah ee aan lahayd adeegyo bulsho.

DEG DEG: Iska hor Imaad kooban oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda MW h**e Sheekh Shariif ka dhacay Degmadd...
03/06/2026

DEG DEG: Iska hor Imaad kooban oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda MW h**e Sheekh Shariif ka dhacay Degmadda C/Casi

03/06/2026

DEG DEG : DFS oo sheegay in dagaalka ay bilaabeen
kooxo maleeshiyaad ah, Jawaab adagna ka bixiyeen.

SHAACINTA LIISKA MUSHARRIXIINTA GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD-GOBOLEEDKA KOONFUR-GALBEED SOOMAALIYABaydhabo, Soomaa...
03/06/2026

SHAACINTA LIISKA MUSHARRIXIINTA GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD-GOBOLEEDKA KOONFUR-GALBEED SOOMAALIYA
Baydhabo, Soomaaliya – Guddiga qabanqaabada doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey liiska musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Wakiillada.
Shaacinta liiska musharraxiinta ayaa qayb ka ah habraaca doorashada hoggaanka Golaha Wakiillada, iyadoo musharraxiinta la xaqiijiyey inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ka qaybgalka tartanka.

  Garoonka diyaaradaha ugu weyn Kuwait, ayaa la arkay burbur weyn oo gaaray , inta ay socotay kormeer uu garoonkan waxya...
03/06/2026

Garoonka diyaaradaha ugu weyn Kuwait, ayaa la arkay burbur weyn oo gaaray , inta ay socotay kormeer uu garoonkan waxyar ka hor ku tagay wasiirka arrimaha gudaha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka Kuwait, Sheekh Fahad Al-Sabah, isagoo goobta ka sheegay in weerarkan xalay dhacay uu yahay mid si ku talagal ah ay Iiraan u fulisay si ay u curyaamiso kaabayaasha Kuwait.

Madaxweynihii h**e ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaalkii galabta ka dhacay Guriga Ra'iisulwasaarihii h*...
03/06/2026

Madaxweynihii h**e ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaalkii galabta ka dhacay Guriga Ra'iisulwasaarihii h**e ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Isagoo ka hadlaya dagaalka dhacay waxaa uu yiri"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka Madaxweyne h**e Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaaday Raiisul Wasaarihii h**e ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre xilli uu shir kula jiray ugaaska beesha Murusade Ugaasi cabdirisaaq Ugaas cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo waxgarad kale.

Weerarkan wuxuu qayb ka yahay ficillada Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu dhiig badan ku daadiyo isagoo aan haysan muddo xileed rasmi ah, wakhtigiisuna uu dhammaaday.

Weerarkan ma baajin doono bannaabaxyada bulshada caasimadda ay ku diidanyihiin dulmiga , barakicinta iyo ku tak-rifalka awoodda dowladda, waxaana ciidanka ammaanka ugu yeerayaa inaysan qaadan amarada gurracan ee Madaxweynihii h**e Xasan Sheekh Maxamuud.

  Waxaa dib u bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan R/wasaare h**e Kheyre iyadoo dhawaqa r...
03/06/2026

Waxaa dib u bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan R/wasaare h**e Kheyre iyadoo dhawaqa rasaas iyo hub culus laga maqlayo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

dagaalka ayaa ka socda xaafo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee gobolka Benaadir iyadoo xiisad kacsanaan ah laga dareemo xaafadaha ku teedsan goobta dagaalka.

Shacabka degan xaafadaha lagu dagaalamayo ayaa bilaabay inay isaga barakacaan Guryahooda iyagoo ka cabsi inay saameyso xiisadda dagaal.

wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Address

Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when BLM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share