Talenta TV News

  • Home
  • Talenta TV News

Talenta TV News Welcome to Talenta TV official page handle.

We are NEP top leading 24 hours online TV news channel that focus on reporting local news as they happen from NEP region and entire ASAL counties

25/07/2025

: Xaflada Furitaanka Kobciye College ee degmada Dhobley ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, waalidiin, arday, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay qiimaha ay waxbarashadu u leedahay bulshada, gaar ahaan xilligan ay baahida aqooneed sii kordhayso.

 : Machadka Al-Irshaad ee ku yaalla degmada Dhoobley ayaa si rasmi ah u qabtay imtixaan gaar ah oo laga qaaday 9 arday o...
23/07/2025

: Machadka Al-Irshaad ee ku yaalla degmada Dhoobley ayaa si rasmi ah u qabtay imtixaan gaar ah oo laga qaaday 9 arday oo dhameystay xifdiga Qur’aanka Kariimka, gaar ahaan 30-ka Juz. Imtixaankan ayaa qayb ka ah dadaallada machadku ku xoojinayo tayada xifdiga iyo fahamka ardayda baratay Quraanka.

Munaasabadda imtixaanka oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay macallimiin, Ardayda iyo culumada deegaanka ka tirsan iyo marti sharaf kale. Ardayda ayaa si toos ah loga qaaday imtixaan hortooda, iyagoo lagu eegayey saxnaanta, akhriska, iyo xifdiga buuxa ee Kitaabka Alle.

Maamulka Machadka Al-Irshaad ayaa sheegay in imtixaanka uu yahay mid lagu ogaanayo heerka ardaydu ka taaganyihiin xifdiga Qur’aanka, si markaa loogu diyaariyo shahaadooyin iyo kobcin hor leh oo dhinaca barashada diinta ah.

Waalidiinta iyo bulshada deegaanka ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka Machadka iyo guusha ay gaareen ardayda. Waxay sheegeen in barashada Qur’aanka ay tahay tiir muhiim u ah kobcinta Jiilka cusub ee Muslimiinta.

Machadka Al-Irshaad ayaa ka mid ah goobaha waxbarasho ee hormuudka ka ah fidinta cilmiga diinta Islaamka ee gobolka, gaar ahaan degmada Dhoobley, iyadoo sanad walba ay kasoo baxaan arday hufan oo kitaabka Alle ku xifdiyay xirfad iyo akhlaaq.

 : Waxaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, taasoo lagu caleema-saarayay maamulka cusub ee hogaanka dhalinyarada ...
21/07/2025

: Waxaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, taasoo lagu caleema-saarayay maamulka cusub ee hogaanka dhalinyarada degmada dhobley, isla markaana lagu daah-furayay xarunta cusub ee dhalinyarada iyo ciyaaraha degmada dhobley.

Munaasabadda oo ay ka qeybgaleen madaxda maamulka degmada, ururrada dhalinyarada iyo qeybaha bulshada, ayaa ahayd mid si weyn loo soo dhoweeyay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Dhoobley ayaa madasha ka sheegay in xaruntan ay tahay mid dhalinyarada u horseedaysa horumar, shaqo abuur iyo isdhexgal bulsho. Waxa uu ku booriyay dhalinyarada in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadaha ay xaruntu bixineyso.

Waxuu intaas ku daray in dawladda Jubbaland ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso dhalinyarada ku nool degmooyinka xuduudaha

Taliyaha Amniga degmada dhobley ayaa sidoo kale sheegay in xaruntani tahay bilow wanaagsan oo loogu talagalay kobcinta maskaxda dhalinyarada.

Xarunta cusub ayaa leh hool lagu qabto kulamada iyo tababarada, iyo goobo lagu barto xirfadaha gacanta taasoo qeyb ka ah mashruuca kobcinta dhallinyarada ee deegaanka.

Qaar ka mid ah dhalinyarada degmada Dhoobley ayaa si weyn u muujiyay dareenkooda farxadeed, iyagoo sheegay in xaruntani ay fure u noqon doonto fursado horumarineed oo ay muddo sugayeen.

Munaasabadda ayaa ku soo dhamaatay jawi farxad leh iyadoo martidii kala duwan ay bogaadiyeen dadaalka maamulka degmada iyo iskaashiga hay’adaha taageeraya horumarka dhalinyarada.

 : Xaflada Furitanka Kobciye College degmada Dhoobley Goboolka Jubada hoose somalia
20/07/2025

: Xaflada Furitanka Kobciye College degmada Dhoobley Goboolka Jubada hoose somalia

 : Agasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Faaa...
15/07/2025

: Agasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Faaarax Cali Aways ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay iskuul cusub oo laga hirgelinayo Tuula Barwaaqo ee Degmada Dhoobley.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Dhoobley, Mudane Xasan Cabdi Xashi, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada, odayaal dhaqameed, iyo bulshada deegaanka oo si diiran u soo dhaweeyay mashruucan waxbarasho.

12/07/2025

: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Abdirashid Abdirahman Caamiir oo Safar shaqo uu Joogay Degmada Dhobley ee Gobolka Jubada hoose aya loo sameyey Kulank ciyaareed oo sagootin ah labada Kooxod ee kala ah Milano FC iyo Hero FC

 : Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Abdirashid Abdirahman Caamiir oo ...
11/07/2025

: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Abdirashid Abdirahman Caamiir oo Safar shaqo uu Joogay Degmada Dhobley ee Gobolka Jubada hoose aya galabta loo sameyey Kulank sagootin ah labada Kooxod ee kala ah Milano FC iyo Hero FC

Kulankan sagootinta ah ayaa lagu muujiyey dhiirrigelin iyo garab istaag dhan kasta ah. Wasiirka aya sidoo kale xusay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka bulshada, kobcinta dhalinyarada, iyo horumarinta magaca Jubaland.

 : Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Abdirashid Abdirahman Camiir aya...
09/07/2025

: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Abdirashid Abdirahman Camiir ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Dhoobley Fuad Mohamed Sheikh iyo Guddoomiyaha Ciyaaraha Deegaanka Dhoobley Abdifatah Abdullahi Hajir si kor loogu qaado horumarka dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dagmada Dhoobley.

Magacaabistan oo qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo ka qaybgalka dhalinyarada iyo kobcinta isboortiga heer degmo ayaa la filayaa inay horseed u noqoto isbeddel muuqda oo lagu hormarinayo howlaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee degmada Dhoobley

 : Xaflada Furitaanka Xarunta cusub Shirkada Dauus Company ee Degmada Dhobley Gobolka Jubada hoose Somalia
09/07/2025

: Xaflada Furitaanka Xarunta cusub Shirkada Dauus Company ee Degmada Dhobley Gobolka Jubada hoose Somalia

Sanadguuradii 15aad Ee Ururka OYSU oo Dhoobley Laga Xusay. Waxaa Dagmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay m...
05/07/2025

Sanadguuradii 15aad Ee Ururka OYSU oo Dhoobley Laga Xusay.

Waxaa Dagmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay munaasabad balaadhan oo lagu xusayay Sanadguuradii 15aad ee kasoo wareegtay Aas'aaskii Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU).

Xaflada ayaa lagusoo bandhigay taariikhdii Ururka OYSU iyo waxqabadkii mudadii uu jiray, waxaana hoosta laga xariiqay in ay Dhalinyaradu yihiin tiir muhiim ah oo bulshada kujira.

28/06/2025

: Xaflada Furitaanka Sanad Dugsiyedka cusub ee Machadka Al Risaala Degmada Dhobley Gobolka Jubada hoose Somalia

 : Xaflada Furitaanka Sanad Dugsiyedka cusub ee Machadka Al Risaala Degmada Dhobley Gobolka Jubada hoose Somalia
27/06/2025

: Xaflada Furitaanka Sanad Dugsiyedka cusub ee Machadka Al Risaala Degmada Dhobley Gobolka Jubada hoose Somalia

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Talenta TV News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Talenta TV News:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share