MO Vision

MO Vision Official page of My Mohamed Bakar Aden

17/03/2026

Sidee 300 oo Gabdho Agoon ah looga farxiyay Maalinta Ciidda?

08/12/2025

ARBACA RUKUN: THE MOSQUE THAT STOOD 1,000 YEARS IN SOMALIA DOCUMENTRY.

08/11/2025

MOGADISHU’S TRAFFIC CHAOS: THE HIDDEN COST OF EVERY MINUTE! DOCUMENTRY

13/10/2025

Why Foreigners Are Visiting Mogadishu’s Old City

07/08/2025

Ubaxa Dalka: Voices of Tomorrow.

27/07/2025

THE REAL MOGADISHU THAT MEDIA WILL NEVER SHOW YOU

Gobol dhan oo wada Cagaar ah, Gobolka Bay Konfur-Galbeed Somalia. 📸 Cawaale koronto
21/05/2025

Gobol dhan oo wada Cagaar ah, Gobolka Bay Konfur-Galbeed Somalia.

📸 Cawaale koronto

Laftagareen wuxuu qorsheynayaa in uu weeraro wasiir Xasan Eelaay oo Baydhabo ku sugan, shalay buu mar isku dayey se wali...
18/05/2025

Laftagareen wuxuu qorsheynayaa in uu weeraro wasiir Xasan Eelaay oo Baydhabo ku sugan, shalay buu mar isku dayey se wali uma hagaagin sida uu wax u rabay. Xasan iyo Laftagareen dagaalkooda kan billaw uma aha, maamulka Laftagareen billawgiisa bey mar isku dhaceen, kolkaas arrintu maysan gaarin heer la isku qoryo qaato, xalkuna wuxuu ku soo dhammaaday in Xasan la raalligeliyey.

Hadda dagaalka Laftagareen wado wuxuu salka ku hayaa in Xasan qorsheystay u tartamida kursiga Laftagareen ku fadhiyo, taasi oo Laftagareen u arkay mid culeyska ku sii kordhinaysa.

Laftagareen wuxuu go'aan ka dhigtay qof waliba oo mucaarad ku ah ama uu ugu shakisan yahay damaca kursiga madaxweynenimo ee KG in uu dagaal la galo, waa tan keentay maanta guddoomiye Mursal in uusan Baydhabo ka deggi karin, sabab ka xiriirta musharraxnimadiisa.

Xasan wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta kaadiriinta ah oo billawgii dhismaha maamulka KG illaa iyo hadda saaxadda siyaasaddeed kaalintiisa ka qaata, isla Laftagareen buu gacan wayn u fidiyey waagiisii ay Farmaajo iyo Fahad KG xoog ku geynayeen.

Xasan maanta hoygiisa Baydhabo waxaa buuxa sakaariil, askar, odayaal, dhallinyaro iyo cid waliba oo tabasho ka ah maamulka qoyseed ee Baydhabo ka jira.

Dib-u-doorashadii Mw. Xasan waxay filashadu ahayd in isbeddel maamul ka dhaco KG si bulshadu ay u nafisto maaddaama uu Laftagareen xarrig iyo caburin isugu daray qof waliba oo ka aragti duwanaada, taas oo keentay in bulshadii ay karahsatay maamul qoysaadka Laftagareen.

Dagaalka Xasan iyo Laftagareen hadda waxaa ku dhax jira Gud. Aadan Madoobe oo isku dayaya in uu kala dhaxdhaxaadiyo, si aysan u dhicin khasaaro naf iyo maalba leh.

Waxaan codkayga ku biirinayaa in garab iyo gaashaan loo noqdo wasiir Xasan Eelaay, Laftagareen iyo maamulkiisa qoyseedna runta loo sheego, dulmiga iyo caburinta uu shacabka iyo waxgarata ku hayana wax laga qabto, lana dardargeliyo sidii uu u dhici lahaa isbeddel maamul.

Koonfurgalbeed intaan ka badan ma xamili karto kaligiitaliye maamulkii ka dhigay mid qoyseed.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MO Vision posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MO Vision:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share