
30/07/2025
Ciidamadii uu janan hogaaaminaayay ayaaa qabsaday beledxaawo
Dagaal Kale oo Markale Ka Qarxay Baladxaawo
Markale dagaal ayaa saaka ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameeyay horumar la taaban karo, iyagoo ballaariyay aagga dagaalku ka socdo.
Wararka saaka soo baxay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee ku sugan xerada UK ay fureen waddo muhiim ah oo ay biyaha iyo sahayda kale ee saadka ku heli karaan. Tani waxay kaalin weyn ka ciyaari doontaa dardar-gelinta howlgalka milatari ee halkaas ka socda.
Ilaa hadda faahfaahin buuxda oo ku saabsan khasaaraha dagaalka lama helin, balse ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa in ay sii wadaan dhaqdhaqaaqyo milatari oo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka.
Faahfaahin dheeraad saacadaha soo socdo naga sug