10/08/2026
Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo Kulan la qaatay Beesha Caalamka.
Gudoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay weheliyaan Komishanar Cabdi Cadow, Komishanar Maxamed Amiin Xasan, iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, Xuseen Nuunow Cali, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha caalamka.
Kulankan xogsiinta ah waxaa goobjoog ka ahaa safiirada wadamada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan, iyo Masar. Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, iyada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka.
Gudoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ugu horrayn khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Waxaa ugu muhiimsanaa Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyo waliba doorashooyinka isku-sidkan ee qorsheysan inay ka qabsoomaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in geedi-socodka doorashada qof iyo cod uu si wanaagsan dalka uga hirgalay, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay fursad u heleen in ku dhow muddo 57 sano ah kadib ay doortaan wakiiladooda ku matalaya siyaasadda heerarkeda kala duwan.
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka oo iyaguna dhankooda su’aalo iyo hadallo ka jeediyay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod. Waxay kaloo xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiga ah ee awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan, oo lagu kalsoonaan karo.