xaysimo.com

xaysimo.com Warar/News Warar Cusub

Rabshadihii iyo khasaarihii maanta Laascaanood ka dhacay waxaa Masuuliyadeeda leh taliyaha Booliiska SSC KHAATUMO Siyaad...
17/06/2025

Rabshadihii iyo khasaarihii maanta Laascaanood ka dhacay waxaa Masuuliyadeeda leh taliyaha Booliiska SSC KHAATUMO Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan iyo masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada oo ogolaaday in qaar la mid ah dembiileyaasha kufsiga geystay ay Imtixaanka ka qaybgalaan, taasoo gef ku ah gabdhihii tacadiga loo geystay iyo shacabka SSC.

Madaxweyne Firdhiye waxaa shacabka SSC uga fadhiyaa inuu xilka ka xayuubiyo. Gabdhihiina cadaalad helaan.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN, ALLE HAW NAXARIISTO MARXUUM AXMED SALEEBAAN CABDALLE, WAXAAN MARXUUM ILLAAHAY UGA...
11/04/2025

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN, ALLE HAW NAXARIISTO MARXUUM AXMED SALEEBAAN CABDALLE,

WAXAAN MARXUUM ILLAAHAY UGA BARYAYAA INUU NAXARIISTII JANO KA WARAABIYO, UMADDA SOOMAALIYEED, HELADIISII IYO QARAABADIISA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO.

AAMIIN

OSMAN IBRAHIM WARSAMEE

Wasiirka Arrimaha Gudaha JFS Ahmed Moalim Fiqi oo dharka ka dhigay Cunsurigii weynaa ee Faysal Cali Waraabe.
09/03/2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha JFS Ahmed Moalim Fiqi oo dharka ka dhigay Cunsurigii weynaa ee Faysal Cali Waraabe.

07/03/2024
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MADASHA DIBLUMAASIYADDA ANTALYA EE DALKA TURKIGAAntalya, Maarso 01, 2024; Madax...
02/03/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MADASHA DIBLUMAASIYADDA ANTALYA EE DALKA TURKIGA

Antalya, Maarso 01, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyad...
28/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO UU BAARLAMA...
22/02/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO UU BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA ANSIXIYEY

“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Deg deg Eng Maxamed Bulale oo iska casilay Golaha Dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha is casilaadi...
20/02/2024

Deg deg Eng Maxamed Bulale oo iska casilay Golaha Dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha is casilaadiisa.

Dawladda Soomaaliya oo ku hanjabtay in ay tallaabooyin adag qaadayso, hadii Maamulka Somaliland sii wado khalkhal gelint...
19/02/2024

Dawladda Soomaaliya oo ku hanjabtay in ay tallaabooyin adag qaadayso, hadii Maamulka Somaliland sii wado khalkhal gelinta nidaamka hawada sare ee Soomaaliya, Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in Dowlado shisheeye ka cawinayaan Khalkhal galinta Hawada Soomaaliya.

15/02/2024

Khudbadda Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo uu ka jeediyey Munaasibadda Xilwareejinta Taliska Ciidanka Daraawiishta

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA MAGACAABAY HOGGAANADA CIIDANKA DARAAWIISHTA SSC-KHAATUMO.Laascaanood, 10 Februar...
10/02/2024

HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA MAGACAABAY HOGGAANADA CIIDANKA DARAAWIISHTA SSC-KHAATUMO.

Laascaanood, 10 February 2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir A. Aw-Cali ayaa u Magacaabay Hoggaanada Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo saraakiishan:-

1. G/Sare Maxamed Saleebaan Caabbi
Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

2. G/Sare Cabdirashiid Axmed Nuur
Hoggaanka Taakulaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

3. G/Sare Bacayees Aadan Nuur
Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

4. G/Sare Baaruud Muuse Maxamed
Hoggaanka Maamulka Maaliyadda Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan oo leh khibrad sare oo ciidan islamarkaana shacabkooda si weyn ugu adeegay Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

Address


Telephone

+4796998546

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when xaysimo.com posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to xaysimo.com:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share