30/09/2025
Dhimmo adigoo xaqa ku taagan.
Waxaa jirto sheeko caan ah oo la yiraa sheekadiii Diiqa.
Diiqu sida caadada ah, aroor kasta ayuu qayliyaa xilliga salaadda subax.
Ninkii Diiqa lahaa ayaa dhibsaday Qayladii Diiqa.
Diiqii ayuu la hadlay asagoo ku leh
'' haddaad mar danbo qayliso ogow waa ku qalayaa''
Diiqii wuxuu ku fikiray inuu naftiisa bad baadiyo, asagoo leh kaligaa Dunida diiiq k**a joogtid, lama waynaayo Diiqaq kale oo oo aroortii qayliya dadka toosiya.
Sidii buu sameeyay Wuuna iska aamusay.
Todobaad kadib waxaa u yimid ninkii oo dalab kale wata'' Waa inaad sidoo doorada /digaagadda u qaylisaa wixii hadda ka danbeeya ,,
Diiqii mar kale wuxuu qaatay go 'aan ah inuu naftiisa bad baadiyo amarka la siiyayna fuliyo , wuxuu iska dhex galay Doorooyinkii asagoo sidoodii u qaylinaa.
Mar kale ninkii ayaa ku soo laabtay asagoo dalab kale wata '' waa inaad ukun ii dhashaa maalin kasta sida doorada /digaagadda oo kale ,,
Halkaan markii arrimtu soo gaartay ayuu diiqiii billaabay inuu iska oooyo , asagoo ku calaa calaa '' ii wacnaan lahaydaa inaad iska dhinto anigoo xaqa ku addimaa, halkii aan noolaan lahaa anigoo isku dayaa inaan ukun dhalo anigoo naftayda u baqaa,,
Maxay tahay Xikmadda ku jurto sheekadaan?
Xaqa ku taagnoow, xataa haddii uu kugu kacaa halis.
Diiqii markii h**e wuxuu lahaa shaqo iyo kaalintiisa dabiiciga ah: qaylinta aroorta oo dadka baraarujisa.
Markii uu cabsi darteed iska aamusey, wuxuu lumiyay qiimihiisa iyo macnaha jiritaankiisa.
2. Mar kasta tanaasulku wuu sii fidaa
Diiqii markii uu aamusay, wuxuu filayay inuu badbaado ku heli doono.
Laakiin dalabyo kale ayaa daba socday: inuu sida doorada u qayliyo, ugu dambeyna inuu ukun dhalo.
Taasi waxay muujinaysaa in qofka marka uu ka tago hal mabda’ oo xaq ah, cadaadiska iyo dulmigu mar walba sii badanayaan.
3. Noloshu qiimo ma leh haddii aad naftaada ku xadgudubto.
Ugu dambeyntii diiqii wuxuu gar waaqsaday in ay wanaagsanaan lahayd inuu dhinto isagoo xaqa ku taagan, halkii uu noolaan lahaa nolol sharaf iyo macne ka madhan.