Beledweyn Media

Beledweyn Media Kusoo Dhawoow Beledweyn Media

15/12/2025

Qofkii Aad Tiraahdo Hirshabelle Ayaa Kasoo Jeedaa Waaba Kugu Qoslayaa, Sabatoo ah Waxay Noqotay Meel Seero Ah 💔

Xageey Ku Dambeeyeen Wadooyinkaas Mayar Nadar Tabaax Ay Horay Isheegtay In Laga Dhisaayo Beledweyne?Afka Baarkiisa Iyo I...
15/12/2025

Xageey Ku Dambeeyeen Wadooyinkaas Mayar Nadar Tabaax Ay Horay Isheegtay In Laga Dhisaayo Beledweyne?

Afka Baarkiisa Iyo Ileen Been Beey Aheeyd ? Waxaa Xusid Mudan In Nadar Tabaax Mayarka Beledweyne ay Sidoo Kale Sheegtay In Bishaan 12 Aad ee Sanadkaan 2025 ay Bilaabin Doonana 8 Wado Oo Muhiim ah Walina Lama Hayo !!!!!

Beledweyne Ayaa Horay Qortay Warbixin Maalintii ay Ku Dhaqaaqay Nadar Dhismaha Wadooyinkaas Inay Tahay Igu Sawir iyo Sidii Lagu Lunsan Lahaa Lacagtii Loogu Tala Galay.

Kooxda Hirshabelle Ee Hada Joogtaa Wacaa Caadi U Ah Inay Lunsadaan Mashaariicda Loogu Tala Galay Labada Gobal Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Waana Sababta ay U Burbursan Yihiin Ilaa Hada Magaalooyinkaas. !!

Shacabka Reer Hiiraan Waxaa Laga Qaadaa Canshuur Xad Dhaaf ah Hadana Ma Helaan Badalkeedii oo Jeebka ayaa Lagu Shubtaa Lacagtaa.

Allaha Ka Saaro Reer Hiiraan Dhibaatada ay Ku Jiraan.

Labo Qaawan Isma Qaado 👈Cali Fadhiid Fadhigiis   Waxaa Caawa Laga Aqrisan Karaa Niyad Jab Iyo Quus Madaama Uusan Gacan K...
14/12/2025

Labo Qaawan Isma Qaado 👈Cali Fadhiid Fadhigiis Waxaa Caawa Laga Aqrisan Karaa Niyad Jab Iyo Quus Madaama Uusan Gacan Ku Heeyn Wax Uu Markale Bulshada La Horyimaado.Sidoo Kalana Uusan Heeysan Taageerada Madaxweyne Xasan Shiiq Ama Awood Asagu Uu Leeyahay SI uu Usii Joogo Xafiiska Hirshabelle Ee Xamar.

Shariif ayuu Nafka Raadiyay Shariif asaaba Yaaban Oo Meel uu Talo Ka Bilaabo La Marna Ka Raadiyay Daahir Jeesoow 😁

MASHRUUC DHIIG  KA GANACSIGI AH OO KASOCDA DEGMADA MATABAAN EE GOBALKA HIIRAAN 👀👈Deegaanada hoos yimaada degmada Matabaa...
14/12/2025

MASHRUUC DHIIG KA GANACSIGI AH OO KASOCDA DEGMADA MATABAAN EE GOBALKA HIIRAAN 👀👈

Deegaanada hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa haatan ka socda mashruuc halis ah Kaasoo ah ka ganacsiga dhiigga shacabka walaalaha ah ee dariska iyo Ood wadaagta ah. Mashruucan ayaa mid ay dabada ka riixayaan kooxda Hirshabelle, iyadoo horjooge Cali Guudlaawe uu yahay maskaxda Ka Dmabeeya Gaancsigaan Foosha Xun.

Ujeedka mashruucan ayaa lagu sheegay in lagu huriyo colaadaha u dhexeeya beelaha oodwadaaga ah si loogu abuuro xaalad aan degganeyn, taas oo ay kooxda Hirshabelle ku helaan qandaraasyo iyo taageero dhaqaale oo ay Ku hekayaan magaca “dib u heshiisiin.”
Kooxda Hirshabelle Kadib marka la huriyaan colaadda Dadka Shacabka ahina isdilo waxaa halkaas u diraan dad sheeganaya in ay yihiin dhexdhexaadiyeyaal sameeynahaan dib u Heshiisiin Aan hoosta Ka ah macaash raadis !!! sawiro ayaa lagusoo Galaa insta afar O'Day La Isku Keeno Kadibna waxaa loo gudbiyaa Sawiradaas hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya nabadda gudaha Soomaaliya, si mashruucaasi u sii socdo Loona Helo macaashii ay raadinayeen Markii Horaba.
Waxa ay Sameeynahaan Kooxda Waqtigu Ka Dhamaaday ee Hirshabelle Ugu na Horeeyo Horjooge Cali Guudlaawe Waxaa ay Sameeynahaan Waa Ceeb, Foolxumo, Aaqara Iyo Aduun Seeg.
Tan iyo intii Cali Guudlaawe Uu Noqday Madaxweynaha Maamulka Lagu Muransan Yahay ee Hirshabelle, Waxaa batay isku dhacyada iyo is-dilka beelaha gobolka Hiiraan si gaar ana Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Matabaan Ayeey Ku Fideen.
Bil kahor, guddoomiyihii h**e ee maamulka Lagu Muransan Yahay ee Hirshabelle Ugu magacaawnaa Gobolka Hiiraan Salaad Wehliye, ayaa booqday deegaannadaas isagoo ku jiray howlaha la sheegay inay ahaayeen “dib u heshiisiin”, balse maalmo kadib ayaa markale dagaallo iyo dilal ka dhacay isla deegaannadaas Maadaama Aan SI Dhab ah Loo Wajihin Nabadeeynta Deegaanadaas.

Hadda waxaa Deegaanka Gunrayjif kusugan guddoomiyaha cusub ee Maamulka Fadhiidka ah Ee Hirshabelle u magacaaban gobolka Hiiraan Maxamed Carab iyo kooxo kale oo Wakiil Ka ah Cali Guudlaawe kuwaas oo sheegaya in ay wadaan dib u heshiisiin. haddana waxaa is Weeydiin Mudan sidee dadka shalay colaadda hurinayay maanta heshiis uga shaqeyn karaan?

Waxaa la xusuustaa in gobolka Shabeellaha Dhexe in ah laba beelood isbaabi’iyeen, taasoo ugu dambeyn keentay in Markii Dambe Kooxda Danleeyda ah ee Horjooge Cali Guudlaawe ay Tagi Waayaan Deegaanadii Gobalka Shabeelaha Dhexe Ee ay Colaada Ka hurin jireen Sababtoo Amni awfeed, Sidaasna Waxaa Ku Dhamaaday mashruucii Cali Guudlaawe ee ahaa ka macaashidda Dhiiga Shacabka iyo Colaadaha Beelaha Balse Qandaraaskii Waxa ayuu u Wareegay Gobalka Hiiraan Iyo Deegaanada Matabaan Hos Yimaada.
Hadii Aan Xal Deg deg ah loo Helin Meeshaan Lagu saarin Kooxdaan Qawleeysatada ah Una Muuqdo Kaliyah Shilinka Kasoo galaayo Dhibaatada Gaaeta Shacabka Joogaan Meeyso yaanan Lagu Kadsoonin.

Shacabka Deegaanadaas Waa Inay Sida Kooxda Argagixisada AS ula dagaalamaan Kooxda Hirshabelle Ee Macaash doonka ah.

Beledweyn Media ✍️👈

Xukuno kala duwan oo ku dhacay koox Dil, Dhaawac iyo Dhac ka gaeysatay Caasimada.1- Dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed...
14/12/2025

Xukuno kala duwan oo ku dhacay koox Dil, Dhaawac iyo Dhac ka gaeysatay Caasimada.

1- Dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) ayaa lagu xukumay.

- Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Dalxiiska Degmadda Dayniile, Falkaas oo ka dhacay Dayniile Todobadii Bishii Juun ee sanadkaan.

- In uu Bixiyo Mobile Iphone Mini ah iyo Bistoolad Biljim ah oo uu ka dhacay Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim.

2- Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ayaa lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Clidan ah.

3- Dable Xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake) 4- Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) 5- Dable Xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) ayey Maxkamaddu ku wada xukuntay Min Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

6- Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) ayaa isna lagu xukumay seddex Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxay Maxkamaddu ku kala Xukuntay In ay wada bixiyaan Moobeeladii iyo hantidii ay ka dhaceen Dhibaneyaasha.

Maxkamadda, ayaa Sidoo kale Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) lyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) si gaar ah ugu xukuntay In ay wada bixiyaan magta iyo Qarashka ku baxay dhibaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.

7- Dable Xoogga Cabdishakuur Eelaay oo (Maqane) ah iyo 8- Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga) oo (Maqane) ah ,ayaa lagu Xukumay Min Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

9- Dable Xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) ayey Maxkamaddu ku Xukuntay Hal Sano oo Xabsi Ciidan ah.

10- Halka Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ay maxkamaddu siisay xorriyadiisa.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xigasho Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة

14/12/2025

Gudoomiye Muungaab Oo Saakay Buufiyay Danleeydii Siyaasadda.

Dr Ku Mid Wasiir Hirshabelle Ku Magacaaban Oo Kulankii Maanta Markii La Iskugu Yimid Been  Afuufay ayuuLa Yaabay Kadibna...
13/12/2025

Dr Ku Mid Wasiir Hirshabelle Ku Magacaaban Oo Kulankii Maanta Markii La Iskugu Yimid Been Afuufay ayuuLa Yaabay Kadibna Sidaas U Fiiriyay 👀 !!!!!

13/12/2025

Madaxweynaha Qaranka Mudane Dr Hassan Sheikh Mohamud Oo Qaatay Kaarka Codbixinta 💯

13/12/2025

Reer Hiiraan Inta ay Wadaa Sheekada ah Ina Adeer Nimo Wali good Hadafkoodu Higali Maayo ☝️

Kooxda Qandaraasla Yaasha ah Ee Hirshabelle Waxay Dadaal Ku Bixiyaan Hurinta Colaadaha Beelaha Dariska Ah.Kadibna Marka ...
13/12/2025

Kooxda Qandaraasla Yaasha ah Ee Hirshabelle Waxay Dadaal Ku Bixiyaan Hurinta Colaadaha Beelaha Dariska Ah.

Kadibna Marka ay Is Gacan Saarana Oo Qasaare Yimaado Ayeey Hay'addaha Deeq Bixiyayaal ah Uga Qaataan Lacago Ay Ku Sheegayaan Dib u Heshiisiin ayaan Waxbaa 💔

Xaalada Sidaas ah Ayeey Soomalaida Leedahay Maxaa Isku Diray Beeoahaan Cidkale Maahan Waa Kooxda Hirshabelle Ee Horjooge Cali Guudlaawe.

13/12/2025

Wax Kasoo Baxayaa Ma Jiraan Heshiis Beenaadka Kasocda Deegaanka Gunrayjiif Ee Hoos Tagay Degmada Matabaan.

Waxaa Lasheegay In Halkaan Lagu Heshiisiinaayon Beelaha Agoon Iyo Ceyr, Kuwaasoo Ay Ka Dhaceeyso Colaad Iyo Aanooyin Qabiil.

Colaadaha Ka Taagan Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Waxaa Huriya Maamulka Lagu Muransan Yahay ee Hirshabelle, Ujeedkiisa ayaa ah Inuu Kusoo Qaato Qandaeaas Dib u Heshiisiin ah Sidaasna ay Lacagta Ku Helaan.

Waxay Ka Macaashaa Dhiiga Shacabka sidii Kalana Waxay Isku Diraa Beelaha Walaalaha ah ee Dariskana Ah Waan Nasiib Daro Heeystay Labadaas Gobol oo aysan La Qabin Gobalada Kale Ee Dlaka.
Sanadkaan Dhamaadka ah Ee 2025 Kooxo Kala Duwan oo Kasocda Maamulka Fadhiidka Noqday Ee Hirshabelle Ayaa Tagay Matabaan Iyo Deegaanadaas SI Ay Deeq Bixiyayaaysha U Tusaan Inay Wadaa Shaqa Fiican Oo ah Dib U Heshiisiin Balse Dawaesi ah.

Hada Tani Waa Tii Oo kale Wax Kasoo Kordhaayo Malahan Shacabkaasna Ma Anfacaayo Siyaasi Dhanka Dhex Raadinaayo Waa Inay Ayagu Danahooda Gartaan.

Beledweyn Media

12/12/2025

Magaalooyinka Gobalka Hiiraan Majirto Hal Magaalo oo Ishu Qabaneeyso Marka Aad Gudaha Ugasho, Waa Nasiib Saaro Heeystay Hiiraan !!

Address

Jeddah

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Beledweyn Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Beledweyn Media:

Share

Category