20/06/2026
11-Sano kahor iyo Maanta oo kale.
Guud ahaan Dalka maanta waxaa si rasmi ah uga daahfurmay imtixaanka ugu dambeeyo Dugsiga sare ee Sanad dugsiyeedka 2025-2026.
11-Sano kahor waxan kamid ahaa Ardaydii ufariisatay imtixaankii Qaran Sanad dugsiyeedka 2014-2015, waxana Nasiib uyeelanay in aa noqono dafcaddii ugu horeysay ee imtixaan Dowli ah ufariisata burburkii kadib, aniga oo kamid aha ardayda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Alfajri.
Kooxda Shbb ayaa xiligaas soo saartay Digniin culus oo ahayd in ardaygii ufariista imtixanka aysan dhaafi doonin taas oo dhaman waalidkii iyo ardaydii ku abuurtay cabsi.
Hanjbaad, cagajugleyn iyo cabsi xoogan ayaa jirtay oo waalidiinta qaar kuqasabtay in ardayda qaar ay kaceliyaan in ay ufariistaan laakin aniga iyo Arday kale oo badan waxaan qaadanay go’aan geesinimo leh oo waan galnay imtixaanka anagoo fikirkii imtixaanka iyo cabsida Qaraxyo ama dilal kooxda ay ina heystaan.
Maanta waa Alle mahadiis ayadoo aysan jirin digniin, hanjabaad iyo cabsi, amni buuxa uu jiro in ay ardaydii ufariisteen imtixaanka Qaran oo ay inta ugu badan Dalka ay kuwada mideysanyihiin.
Waxaa Alle uweydiinayaa in uu ufududeeyo, qalbiyadda uqaboojiyo, rajaddii iyo dadaalkii Sanado badan ay so wadeen uu si nabad ah ugu dhameeyo, ardayda nabad iyo Caafimaadna ugu dhameeyo dhamaan maadooyinka, kana dhigo kuwo hela natiijooyin ay kuwada farxaan.
Sanado kale oo kasii Qurux badan Insha Allah.