04/12/2025
Deg-Deg: "Mid ka mid ah Wiilasheyda oo hada Xaasle 4 Caruur ah dhalay ah ayaa Qadar anagoo joogna xanuunsaday oo Caloosha laga qabtay, ilaa uu sariir la koray oo Oxygen lagu xiray koomana uu la galay, Dowladda Qadar ayaa igu tiri Wiilka waxaan u diraynaa Dhakhtar Arimaha Caloosha takhasus ku eh oo England jooga, wixi qarash ahna anagaa qabna"
"Marki Safarki 4 Maalin ka harsan tahay ayaa waxaa la ogaaday in dhakharki fasax galay, waxaana nalagu wargalshay in Safarkii uu dib u dhacay, Wiilka dhakhtarka lagama saari karo Oxygen tu joogto ayeey ugu xiran tahay walaacu waa intii la doono, anagoo Isbitaalka ku yaal Qadar ee Wiilka aan ku haynay joogna ayaa dhakhtar Bakistaani ah igu yiri inta gaar iila baxay Wiilkaan Isbitaalka ka saaro oo qur'aan saar wax kale uma baahna, Hana isheegin hadii kale shaqada ayaa kayga burinayaa ayuu igu yiri"
"Markiba go'aankiisa ayaan qaatay waxaana dhaqaatiirti ku iri Wiilkeyga waa la baxayaa, waa layga diiday waxaana laygu yiri ma dhici karto Ninkaan xaaladiisa ma sahlana, waa ku madax adeegay oo waxaan ku iri sow aniga Aabbihii maahi ilaa marki dambe laygu yiri Saxiix wixi ka yimaada inaad adiga Masuul ka tahay, waan saxiixay Wiilkeygi ayaan soo kaxaystay Guriga ayaan keenay"
"Ardaydi iyo macalimiinti ayaan isugu yeeray waxaana ku heshiinay in aan 7 Maalin oo isku xigta Maalin Walba qur'aanka ku dhameeno dushiisa oo aan qaybsanno, Maalinki koobaad aan bilownay ilaa Maalinki Sadaxaad Ninki Faleembada ay Cunada u ahayd wuxuu bilaabay in uu wax liqo, miirkiisu usoo laabto, Maalinki Lixaad markaan mareenay wuxuu bilaabay inuu soo fariisto socod bilaabo aadna u caafimaado, kadibna uuba na weydiiyo aaway Xaaskeygi oo markaas Xaasle ayuu ahaa"
"Alle mahadii Wiilki oo noo fiicnaaday ayaan isbitaalki ku celinay dhakhaatiirti hawshiisi gacanta ku heesay waaba yaabeen war Ninkan sow maaha kii Gaari in la saaro mooyee aan kici karin, maxaad ku sameyseen, waxaan u sheegnay un in aan qur'aan ku akhrinay allena inoo caafiyey.