09/11/2025
Magaciisu waa Saalax waxaase loo garan ogyahay King Ujaawa, 5 Sano ayeey kiliyuhu ka fadhiyeen Kaadiduna jirka ka galeesay sidaas darteedna Isbuucii 3jeer ayaa Keliyaha laga dhaqayey, Soomaali Maxamed ayuu u gacan haatiyey wuxuuna ka codsaday in ay caawiyaan si uu kalli u gato...
Waxaa dhacday mucjiso, wax ka yar 4saac oo Live Tiktok uu kaga jiray ayna gooob joog ahaayeen Dad 50k ku dhow waxaa loo aruurshay $124,200 (Boqol afar iyo labaatan kun iyo laba boqol), taas ooi u goysa Killi iyo ka badanba, wuxuuna qorshihiisu yahay in 5 sano kadib uu caadi u istijoodo, suuliga u aado, nooshiisa u dhisto, mustaqbal u yeesho aabbe u noqdo oo u guursado ,,waxaana caawiyey Dhalinyaro caan ka ah Tiktok-ga Giftaro iyo Dad qorsheynayeyba in caawintiisa ay qayb ka noqdaan oo dal iyo dibadba kala joogay.
Tira badnaanta Lacagta iyo waqtiga yar ee lagu aruurshay ayaa ku tusinaysa sida Soomaalidu isku caawin karaan iyadoon wax qabiil ah ama qabyaalad la eegin, waxay kaloo muujinaysaa tani, in qof kasta oo dhiban sidan oo kale loo caawin karo iyadoon la eegin cida uu ka dhashay qofkaasi dhiban.
Waligay Live Tiktok ka socda uma dhafrin danna k**a gelin Ibraahim ahaantayda balse kani wuxuu ahaa Live ki kaliya ee aan usoo jeeday si bal aan u eego habka loogu gurmanayo Wiikaasi Soomaaliyeed qaybna uga noqdo, sidoo kalana qiimeeyo bal in hadalkooda la qaadanayo kuwo leh Wiilkaasi yaan waxba la siin waa reer hebel’e.