HanuunTube

HanuunTube Ku sali nabigeena suuban ﷺ
nagu soo biir oo Qayb ka noqo faafinta kheyrka adigoo share gareenaya

01/08/2025

QIYAAMAHA IYO XAQAIIQOOYINKA LAYAABKA LEH EE DAD BADAN ILOOBEEN | SHEEKH XUSEEN CALI JABUUTI

30/07/2025

CALAAMADAHA LAGU GARTO QOFKA ILAAHAY UU JECELYAHAY | SH XUSEEN CALI JABUUTI

Gabae Qurux Badan iyo 2 Malag oo Dad Laga Dhigay – Qiso Lama-Filaaan ah | Sh. Maxamed Ismaaciil.
30/06/2025

Gabae Qurux Badan iyo 2 Malag oo Dad Laga Dhigay – Qiso Lama-Filaaan ah | Sh. Maxamed Ismaaciil.

Daawo qisadaan yaabka leh ee uu ka sheekeynayo Sh Maxamed Ismaaciil, taas oo ka hadleysa laba malag oo Binu Adam laga dhigay iyo gabar aad u qurux badan. Waa...

Diin ayuu ku cirraystay❤️Waxa ka sugan Nebi Muxammad Scw inuu yidhi “Qofka Islaamka dhexdiisa ku cirraysta iftiin ayay c...
29/06/2025

Diin ayuu ku cirraystay❤️

Waxa ka sugan Nebi Muxammad Scw inuu yidhi “Qofka Islaamka dhexdiisa ku cirraysta iftiin ayay cirradaasi u noqotaa qiyaamaha” xadiiska riwaayad kale ayaa sheegaysa “Qofka Ilaahay dartii iyo dedaal diineed ku cirraysta wanaag ayaa loo qoraa, danbigana waa laga tiraa, derejooyinna kor ayaa loo qaadaa”

Sh. Mustafe X Ismaaciil Haaruun ma filayo qof Soomaali ah oo aanu saamayn ama dhegaysan inuu jiro. In ka badan 50 sannadood ayuu diin ku baaqayay oo ummadda qalbigeeda iyo caqligeedaba la hadlayay.

Diinta iyo wanaagga maanta qofka kasta oo Soomaali ah ku faanayo dedaalkii halkaas lagu soo gaadhsiiyay ayuu qayb libaax kasoo qaatay, inbadan ayaa loo xidhay oo loo dhibay, inbadan ayuu u safray oo u socday, in badan ayuu af kasta iyo tusaale kasta oo wax lagu fahmi karo uu innala wadaagay.

Sawirkaas markaan arkay axaadiistaas ayaa igu soo dhacday, Ilaahayoow addoomahaagii ayaannu nahay, markhaati waxa aannu ka nahay in Sheekhaas waalidka noo ah oo dedaal diineed ku cirraystay, Ilaahayoow ka abaalmari, Ilaahayoow iftiin qiyaamaha uga yeel, Rabbiyoow jannooyinkaaga derejooyinka u sarreeya ku casuun🤲

Ereygii kuugu saamayn badnaa ereyada Sh Mustafe intaad dhegaysanaysay?

Aniga waxa iigu saamayn badnaa
“Aragtida Diin iyo Maaddi la kala saarayaa waa aragti gumayste ee Aakhiro hal waddo ayuunbaa tagta ama sheekh ahaw, ama Dr ahaw ama Eng ahaw…”

“Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano, Aakhirana yaqaanno, addunkana uu isbeddel muuqda ka samayn karo”.

U duceeya sheekha

#

Waxaa la yiri!Seexashada dhabarka : waa boqortooyada habkey u seexdaan.Seexashada caloosha : waa mida shayaadiinta ay u ...
12/06/2025

Waxaa la yiri!

Seexashada dhabarka : waa boqortooyada habkey u seexdaan.

Seexashada caloosha : waa mida shayaadiinta ay u seexdaan.

Seexashada dhinaca bidix : waa seexashada dadka maal qabeenka ah “ dheregta awgeed”

Seexashada dhinaca midig : waa dariiqada ay u seexan jireen Anbiyada, culimada iyo ahlu taqwana way u seexdaan.

Adiga habkeed caadeysatay inaad u seexatid?

Markii uu Rasuulka ﷺ geeriyooday Bilaal ayaa wuxuu u tagay Abubakar alle haka raali noqdo dhamantood, isaga oo ku leh ya...
08/06/2025

Markii uu Rasuulka ﷺ geeriyooday Bilaal ayaa wuxuu u tagay Abubakar alle haka raali noqdo dhamantood, isaga oo ku leh yaa Khaliifa Rasuulilaah, waxaan maqlay Rasuulka ﷺ isaga oo leh "Camalka ugu wanaagsan ee qofka Mu'minka ahi layimaado waa Jihaadka uu ugalo ilaaheey dartiis" Abubakar ayaa ugu jawaabay Maxaad doneysa Bilaalow?

Bilaal alle haka raali noqdee waxa uu yiri "Waxaa aan doonaya inaan hor ilaahey u aado furunta h**e ilaa inta aan ka shahiidaayo" Abubakar ayaa waxa uu su'aalay Yaa inoo oogi doono aadaanka? Bilaal oo ilmeenaya ayaa waxa uu ku yiri "Cidna uma adimi doono Nabi Muxammed ﷺ Dabadii" Abubakar oo aad u jeclaa in uu Bilaal lasii joogo ayaa ku yiri joog oo noo oog aadaanka Bilaalow.

Bilaal ayaa ugu jawaabay Abubakar "Hadii aad madaxeyga u xoreysay in aad i lahaato, hakuu ahaato sida aad adigu dooneysid, Laakiin hadii aad madaxeyga u xoreysay hor ilaahay dartii ii daay, wixii aad madaxeyga u xoreysay" Abubakar ayaa ku yiri "Haa waxaan madaxaaga u xoreeyey hor ilaahay ee u kac halki aad jeclaatay" Bilaal waxa uu aaday Shaam hadana loo yaqaan Suuriya, halkaa ayuu ku ekaaday isagoo Mujaahid ah.

Bilaal isaga oo naftiisa ka waramaya ayuu yiri "Geeridii Rasuulka ﷺ kadib waxaan hejin waayey in aan sii joogo Magaaladii Rasuulka ﷺ ee AL-Madiina" Bilaal hadii uu damco in uu aadaanka oogo, marka uu gaaro ku dhawaaqa, أشهد أن محمدا رسول الله Waxaa ku dhagi jiray hadalka oo aan ka soo bixi jirin murugo owgeed iyo xasuustii Rasuulka ﷺ waana ta keentay in uu u kicitimo Shaam oo uu ku biiro jihaadka.

Sanado ka dib ayuu Bilaal hurdada riyyo ugu arkay Rasuulka ﷺ oo ku leh "Bilaalow waa maxay adayga intaa le'egi, miyaanay aheyn in aad ina soo booqato"

kadib Bilaal waxa uu galay murugo iyo in uu naftiisa canaanto dib inta uu ugu soo kicitimay Magaaladi Rasuulka ﷺ ayuu yimi qabrigii Rasuulka ﷺ inta uu dul fadhistay oo uu salaamay ayuu is xejin waayey oo ku dul ooyey kadibna waxa uu raadsadey oo uu utegey wiilshii Rasuulku awoowga u ahaa ee Alxassan iyo Alxussen si uu use salaamo kadibna waxa ay ka dalbadeen in uu u oogo aadanka salaada marki uu ubaxay masaajidka Nebiga dushisa ee uu ku dhawaaqay الله أكبر الله أكبر ayay Magaaladi Al-madiina isla kacday xasuusta codki Bilaal iyo xiligi Rasuulka ﷺ marki uu gaarey dhawaaqa eedanka أشهد أن محمداً رسول الله

ayay dumarki iyo caruurti kaso bexeen guryaha Rag iyo Dumarna lama arag maalinta maalin ay Almadinna ka oohin badnayd waayo aadaankii Bilaal waxa uu xasuusiyey Magaalada maalmihi Rasuulka ﷺ iyo Bilaal oo ahaa Mu'adinkisa, Amiir Almuminin Cumar Bin khadaab marki uu booqday Shaam ayay Islaamki halka joogey ka dalbadeen Cumar in uu kala hadlo Bilaal in uu u oogo aadanka salaad keliya, Bilaal wuu ka ogolaaday codsiga Cumar looso maray sidiina wuu ku adimey,

Markii la gaadhey waqtigi salaada Bilaal oo aadanki ku dhex jira ayay Musliminti siiba saxaabada intii soo gaartey Rasuulka oohinta hayn wayeen, waxana la sheega in uu Cumar ugu oohin badnaa maalinta, Bilaal Ilaahay haka raali noqdo marki uu geeriyoodey ayuu Cumar arkay xaaski Bilaal oo ku dul ooyaysa waxa uu ku yiri ha ooyin berri ayaynu la kulmi doona Muxammed iyo intii uu jeclaa اللهم صل وسلم على سيدنا وحبيبنا وقرة أعيننا محمد وعلى آله وصحبه وسلم

Waan ogahay indhahaan quruxda badan ineysan wax la'aan iga tageynin. alle haku sharfo walal.

Xikmadihii laga diiwaan geliyay 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐟𝐞 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay m...
29/05/2025

Xikmadihii laga diiwaan geliyay 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐟𝐞 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

08/04/2025

Safarka Aakhiro | Xaqiiqada Geerida iyo Nolosha Dambe | Sheekh Mustafe

Israa'iil waxay duqayn ku dishay in ka badan 500 oo qof oo Falastiiniyiin ah gudaha   isbitaal ku yaal, walibana Bambaan...
17/10/2023

Israa'iil waxay duqayn ku dishay in ka badan 500 oo qof oo Falastiiniyiin ah gudaha isbitaal ku yaal, walibana Bambaanooyinka kiimikaad ee fosfooraska loo yaqaan.

Duqeymahaasina In ka badan 1000 carruur ah ayaa ku dhimatay.

Adress

Stockholm

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när HanuunTube postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Affären

Skicka ett meddelande till HanuunTube:

Dela