Sahan News

Sahan News Sahan News – Warbaahin baadi-goob iyo xog uruurin dhab ah sameysa,

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
09/06/2025

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

"Argagixiso badan oo Lagu Khaarijiyay Duqeyn Bartilmaameed Ah"Xalay saqdii dhexe, iyadoo inta badan dadku hurudayaan, ay...
31/05/2025

"Argagixiso badan oo Lagu Khaarijiyay Duqeyn Bartilmaameed Ah"

Xalay saqdii dhexe, iyadoo inta badan dadku hurudayaan, ayaa dhulka laga maqlay jug iyo haddiig si lama filaan ah u gilgishay deegaanno badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha khawaarijta ee AS. Ma ahayn duqeyn caadi ah – waxay ahayd duqeyn bartilmaameed ah, oo si xeel dheer loo qorsheeyay, laguna beegsaday saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda AS ku lahaayeen gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka mid ah kuwa ugu casrisan dunida ayaa hawada sare ka arkay meel kasta oo khawaarijtu isku halleynayeen. Duqeyntaas waxaa lagu khaarijiyay amiirro katirsan kooxda AS, kuwaas oo muddaba ku xarakoonayay xasuuqa shacabka iyo ka hor imaatinka dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loo beegsaday degmooyinka Jilib, Sablaale, Kuntuwaareey iyo goobo kale,

Sablaale, waxa ay ka tirsan tahay gobolka Shabeellaha Hoose, waxay ahayd xarun muhiim ah oo lagu farsameeyo qaraxyada iyo miinooyinka lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Habeenkii xalay wuxuu Sablaale noqday goob cidlaysan, xaruntii qaraxyadana waxaa laga dhigay bohol madow– dhulka ayaa lala simay. Argagixiso fara badan ayaa ku naf waayay halkaas, waxaana meesha ku bas-beelay agabkii qaraxyada,
Duqeynta ayaa sidoo kale ka dhacday deegaanka Haawaay, halkaas oo lagu dilay Khawaarij magaciisu ahaa Shaakir, kaas oo kooxda AS u qaabilsanaa dhaqaalaha gobolka Shabeellaha Hoose. Shaakir wuxuu ahaa ninkii maamulayay sanduuqa dhaqaale, balse Maaliyaddii uu gacanta ku hayay waxa ay la gubteen naftiisa.

waxaa kale oo si toos ah loo khaarijiyay Abuu Yuunis, oo ahaa madaxii guud ee maaliyadda ururka Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin si hoose u maamuli jiray dhaqaalaha ururka, lana xiriiri jiray xarumo lacageed oo dibedda iyo gudaha ah. Balse xalay, isagana badbaado lama siin, waxaana si cad loo xaqiijiyay in uu ku dhintay duqeymahaas.

fariinta ugu weyn ee weerarkaasi gudbinayo ayaa ah meel aad ku dhuuman karto ma jirto, haddii aad dhiiga shacabka wajiga ku dhaqato. Idinkaa cir roob ku og! caddaaladdu se, ma hurdi doonto.

29/05/2025

Magaciisu waa Xasan Cabdille Xirsi, loona yaqaanno Xasan-Turki. Waa nin si qoto dheer loo xasuusto Halbowlana u ahaa ururka argagixisada AS. Inkasta oo uu lahaa muuqaal odaynimo iyo magac shareecadeed, haddana dhab ahaan wuxuu ahaa maskaxdii u fatwoonjirtay dilka, qaraxyada, iyo dhiiga-daadintiisa la baneystay.
Maarso 27, 2015, maalin Arbaca ah ayuu Xasan-Turki ku geeriyooday dhulka Gosha ee Jubada Dhexe, isagoo halkaas muddo xanuun ba'an oo baarka ka galay, la jiifay.
Xasan-Turki wuxuu ahaa nin da’ weyn, wuxuuna Qarnigii tagay ku soo biiray dunida. Waxa uu ku dhashay degmada Qabridahare ee dhulka Soomaali Galbeed. Sanadkii 1942, Waxbarasho ayuu u soo aaday magaalada Muqdisho, Jaamacadna wuxuu u aaday dalka Sacuudiga halkaas oo uu ku soo bartay Shareecada Islaamka—waase, barasho uu dan u siiyey si uu ugu adeegsado fikir jihaadi ah oo lagu laynayo dadkiisa.
Waxa uu ahaa aas-aasihii mucaskarka Raas-Kaambooni, halkaas oo dhalinyarada Soomaaliyeed lagu gubay maskax ahaan, looguna carbiyay fikirka xagjirka ah.
Xasan-Turki wuxuu safar u galay Afghanistan, halkaas oo uu kula kulmay Osama Bin Laden, hogaamiyihii ururka Al-Qaacidda ee la dilay. Inkasta oo kulankaasi dhacay,hadane fikirka xagjirka ah wuxuu Xasan Turki rumaysnaa markii h**e iyo danba.
Raaskambooni ayuu kusoo noqday oo aheyd xudunta hawlihiisa. Waxaa halkaas ugu yaallay xerooyin uu isagu lahaa, oo lagu tababari jiray dhalinyarada doonaysa jihaadka Xerooyinkaas waxaa ka baxay inta badan argagixisada magaca diin ku dagaalanta ee Soomaaliya laga yaqaan laga bilaabo Al-Itixaad, Maxaakiimtii, ilaa khawaarijta AS.
Inkastoo dagaallo uu waday ilaa sagaashameeyadii, sannadkii 2002 ayuu si dhab ah u soo caan baxay, xilligaas oo dowladda Mareykanka ay ku dartay liiska argagixisada. Toban sano kaddib, sannadkii 2012, Mareykanka wuxuu dul dhigay madaxiisa abaalmarin dhan $3 milyan. Xasan-Turki wuxuu la jaanqaaday liiska madow ee ay ku jireen hoggaamiyeyaasha sida Axmed Godane oo isna la dilay.
Horaantii sagaashamaadkii, wuxuu ka tirsanaa ururka Al-Itixaad, oo Itoobiya kula dagaalay gobolka Gedo. Markii dambena wuxuu Muqdisho la soo galay ciidan ballaaran oo ka tirsan ururkiisa Raaskambooni, isagoo ka qeyb galay dagaalladii hoggaamiye kooxeedyadii samaystay Isbahaysiga argagixisada la dirirka.
Febraayo 18, 2006: Sagaal wasiir oo ka tirsanaa dowladdii KMG aheyd ayaa aas-aasay isbahaysigii la dagaalanka argagixisada. Wax yar kadib, 28-kii Febraayo, waxaa lagu dhawaaqay golihii loo bixiyay Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka. Xasan Turki waxa uu sheegay in uu ugu biiray Maxaakiimta si uu isagu difaaco khatarta uu dareemay Waxa uu sidoo kale ku xusay wareysi uu siiyey Al-Jazeera in uu BBC-da ka dhageystay dood dhexmartay Sheekh Xasan Daahir aweys iyo Bashiir Raagge Shiiraar, taas oo Bashiir ku sheegay Xasan-Turki "argagixiso"—arrintaas oo sababtay in uu Muqdisho yimaado si uu ula dagaalamo.
Sannadkii 2008, Agoosto 20-keedii, argagixisada AS iyo ururkii Raaskambooni waxay si wadajir ah u qabsadeen magaalada Kismaayo. Laakiin khilaaf ba'an ayaa ka dhex qarxay isaga iyo Axmed Madoobe, kaasoo sababay dagaal culus 1-dii Oktoobar, 2009, dhexmaray labada garab. Dagaalkaas oo socday saddex maalmood, wuxuu ku dhammaaday in AS si buuxda ula wareegaan magaalada Kismaayo.
Garabkii Xasan Turki wuxuu si toos ah ugu biiray argagixisada AS. Waxaa laga dhigay hogaamiye ruuxi ah oo qeybta fatwada u xilsaaran. Ma uusan qaban xil muuqda, balse wuxuu ahaa maskaxda dilaaga ah ee sharciyeysay dhiig-daadinta, dadka aan waxba galabsan isaga oo fatwooyin ku banneeyey xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Turki wuxuu ahaa nin magaca “sheekh” lagu suntay, balse dhab ahaantii ahaa feker-xambaarsade khatar ah. Wuxuu isugu daray cilmi, cuqdad, iyo fikir qalloocan oo sabab u noqday in kumannaan Soomaali ah la laayo, la barakiciyo, laguna dhibaateeyo gudaha dalkooda. Wuxuu ahaa codka u micneeya wax aan diintu oggolayn, una bixinaya magaca fatwo, si loogu daboosho danaha ururka argagixisada AS.
Taariikhdu wey qortay—laakiin looma xusi doono wanaag. Xasan Turki wuxuu kamid yahay kuwa taariikhada mugdiga leh kuwa ka ganacsaday diinta, oo dhiigga muslimka u arkay biyo bannaan. Dhaxalkiisuna waa masiibo ay Soomaali inteeda badan weli la daalaa-dhaceyso.

29/05/2025

Qisadii saxaabigii thaabit ibnu qeys ila dhageysta.

17/03/2025

"Argagixisada AS: Geedkii Jilicsanaa oo Dabeyshu Ridday!"

Adress

Stockholm

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Sahan News postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Affären

Skicka ett meddelande till Sahan News:

Dela