Mug-saaf

Mug-saaf Youtube channel Mug-saaf is for the endlessly curious,those captivated by mysteries, whispers of the unexplained, and secrets buried in history. Join us.

We dive deep into Somali legends, global conspiracies, unsolved phenomena, and enigmatic truths, blending rich storytelling with razor-sharp analysis. pull back the veil on the world's strangest stories. Question everything.

Maxaad kala socotaa sheekada fadeexadii qarniga. goor dhaw ka daawo Mug-saaf YouTube channel.Jeffrey Epstein wuxuu ahaa ...
19/09/2025

Maxaad kala socotaa sheekada fadeexadii qarniga.
goor dhaw ka daawo Mug-saaf YouTube channel.

Jeffrey Epstein wuxuu ahaa maalqabeen Mareykan ah oo caan ku ahaa xiriirkiisa dadka awoodda leh, balse magaciisa si weyn ayuu u shifmay kadib markii lagu eedeeyay dambiyo galmo ah oo lagula kacay gabar yar yar. Waxaa la tuhunsanaa inuu shabakad ballaaran oo kufsi iyo ka ganacsiga gabdhaha yaryar ku lug lahaa, isagoo isticmaalaayay xiriirkiisa siyaasadeed iyo lacag si uu uga badbaado caddaaladda.

Epstein waxaa markii ugu dambeysay xabsiga loo taxaabay 2019, waxaana lagu soo oogay eedo cusub oo galmo ah oo lala xiriirinayo in ka badan 30 gabar oo da’doodu yartahay. Intii uu ku jiray xabsiga, ayuu si lama filaan ah ugu dhintay August 2019, waxaana la sheegay inuu isdilay – hase yeeshee, dhimashadiisa waxay dhalisay su’aalo badan iyo tuhunno ah in laga yaabo in la dilay si loo aamusiyo.

Dadka lagu tuhunsanaa ama kiiska si dadban ugu xirmay waxaa ka mid ah:

Ghislaine Maxwell – saaxiibtiisii dhow oo lagu xukumay kaalinta ay ku lahayd shabakadiisa kufsiga.

Prince Andrew – Amiirka UK oo lagu eedeeyay inuu galmo la yeeshay mid kamid ah dhibbanayaasha Epstein (wuxuu iska fogeeyay eedaha, balse si hoose ayuu uga baxay howlaha boqortooyada).

Bill Clinton iyo Donald Trump – in kastoo aysan si rasmi ah eed loo soo jeedin, waxay xiriir dhow la lahaayeen Epstein, taasoo dhalisay su’aalo badan.

Elon Musk, Bill Gates, iyo magacyo kale – Waxaa magacyadooda lagu arkay “Epstein files” ama faylasha maxkamadeed ee soo baxay, balse ma jiro eed rasmi ah oo loo jeediyay inta badan.

Buqa ka dhashay "Epstein Files": Kadib dhimashadiisa iyo xukunka Ghislaine Maxwell, faylal badan oo maxkamadeed ayaa la sii daayay, kuwaas oo muujinaya magacyo caan ah, socdaallo, iyo faahfaahin laga yaabo iney muujinayso xiriir hoose oo lala lahaa shabakadda dambiyeedka Epstein. Dad badan ayaa dalbaday in runta laga sheego, in magacyada dhabta ah ee dambiyada galay la shaaciyo, iyo in aan la aamusin dhibbanayaasha.

16/09/2025

Somali xukun khalad ah lagu daldalay!

16/09/2025

Xasuuqii Jarmalka ay kageysteen Africa.

16/09/2025

Xasuuqii Jarmalka ay kageysteen Africa.
The Forgotten Genocide.

Sheikh uways Al-qaadiri iyo Sayed Maxamed Cabdulle Xasan,  Allaha uwada naxariistee labadaba waxay ahaayeen laba caalim ...
16/09/2025

Sheikh uways Al-qaadiri iyo Sayed Maxamed Cabdulle Xasan, Allaha uwada naxariistee labadaba waxay ahaayeen laba caalim lkn qaabka dacwada ay ufidinayeen ayaa kala duwanaa!

Dagaalkoodii iyo sababtii keentay Muuqaalkan ka daawo.

Description:Discover the epic life of Sheikh Uways al-Barawi (1847-1909) - the Somali mystic whose teachings ignited anti-colonial resistance across Africa. ...

Dhammaadkii qarnigii 19-aad, adduunka ayaa markhaati ka ahaa dalalka Yurub oo si xawli ah u kala boobayeen Afrika. Boqor...
16/09/2025

Dhammaadkii qarnigii 19-aad, adduunka ayaa markhaati ka ahaa dalalka Yurub oo si xawli ah u kala boobayeen Afrika. Boqortooyada Jarmalka, oo ahayd mid ka dambeysay qabsashada dhulka, waxay indhaha ku haysay koonfurta galbeed ee Afrika.

Sanadkii 1884, waxay si rasmi ah u qabsatay dhulka, galbeedka Africa (Namibia)oo ay u bixisay
"Jarmalka Koonfur Galbeed ee Afrika.
Waxayna Jarmalka kageysteen Xasuuqii ugu hireeyay qarnigii 20aad.
Muuqaalkan hoose ka daawo sheekadan oo dhameystiran.

The Forgotten Genocide: Namibia’s Untold Story — A concise, powerful 6:30 exploration of the Herero and Namaqua Genocide, German colonialism in Namibia, the ...

Dadweynaha caalamka ayaa si weyn uga qayliyay weerarkii Israa'iil ku qaadday dalka Qadar, kaas oo lala beegsaday xarun a...
13/09/2025

Dadweynaha caalamka ayaa si weyn uga qayliyay weerarkii Israa'iil ku qaadday dalka Qadar, kaas oo lala beegsaday xarun ay deganaayeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xamaas.
Kulanka degdegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay codsadeen dalalka Qatar, Aljeeriya, Baakistaan iyo Soomaaliya, ayaa lagu cambaareeyay weerarkaas, iyadoo Maraykanka uu taageeray qaraarka ka dhanka ah Israa'iil, arrintaas oo ahayd mid la yaab leh.
Daawo si aad u ogaato mowqifka caalamka iyo sida ay dalalka ula falgaleen dhacdadan.

Dadweynaha caalamka ayaa si weyn uga qayliyay weerarkii Israa'iil ku qaadday dalka Qadar, kaas oo lala beegsaday xarun ay deganaayeen masuuliyiin sar sare oo...

Adress

Stockholm

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Mug-saaf postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Affären

Skicka ett meddelande till Mug-saaf:

Dela