14/10/2025
Muddo xileedka Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed, waxaa ka dhiman hal sano iyo afar maalmood.
Madaxweynaha Deegaanka soomaalida waxaa xilka u doortay Baarlamaanka Deegaanka 18-kii Oktoobar 2021, waxaana hadda u dhiman hal sano iyo afar maalmood, maadaama muddada xilkiisu ay ahayd shan sano.
Su'aal furan: ?
Tallo noocee ah" ayaad siin lahayd sannadka u haray? Madaxweynaha DDS Mudane Mustafa Omer.
Madaxweynaha waxaa u hadhay wakhti kooban, balse muhiim ah. Sidaas daradeed, aragtideyda talooyinkan soo socda ayaa laga yaabaa in ay waxtar yeeshaan:
1. Dhammeystir qorshayaashii la bilaabay" Sanadku ha noqdo mid lagu xaqiijiyo hirgelinta barnaamijyadii uu h**e u ballan qaaday, gaar ahaan kuwa saameyn toos ah ku leh nolosha shacabka (sida biyaha, shaqo abuurka, caafimaadka iyo waxbarashada).
2. "La xisaabtanka hay’adaha dowliga ah? Maddaxweynuhu ha adkeeyo isla xisaabtanka heerarka hoose ee maamulka si hufnaan loo gaaro.
3. "Wada-tashi ballaaran"
Waxaa muhiim ah in madaxweynuhu la fariisto qaybaha kala duwan ee bulshada Deegaanka si uu u dhageysto talooyinka iyo cabashooyinka, loogana faa’iidaysto wakhtiga yar ee haray.
4. "Xasillooni siyaasadeed" iyo mid bulsho" Madaxweynuhu waa in uu xoogga saaro dejinta khilaafaadka siyaasadeed iyo xoojinta wadajirka bulshada.
khilaafaadyada siyaasaddeed ee deegaanka ka jira, k**a furna xal aanan ka aheyn, wadahadal, isqancin, is-faham iyo turriimo, siyaasadu k**a maaranto, talo-siin isku tanaasul, wada hadal, is qancin iyo is faham bulsho. ma ahan in guusha loo arko cida guulaysata iyo cida laga guuleysto.
Haddii arrimaha la isku hayo lagu furo gogol wada xaajood, waxa dhici kara in la gaaro xal waara oo dadka iyo deegaanka dani ugu jirto.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanka, waxaa laga rabaa inay qaataan kaalintooda taariikhiga ah ee ah in ay noqdaan gar-qaadayaal, xal-doon iyo kuwa ka shaqeeya badbaadada deegaanka. Aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qurbojoogtana waxaa la gudboon inay ka dhiidhiyaan wax walba oo dib u dhigi kara deegaanka.
"Isbeddel ma u baahan yahay deegaanku?"
Haa: is-beddel baaxad leh, ayaa looga baahan yahay.waayo deegaanku wuxuu muddooyinkan Dambe wajahayaa caqabado fara badan oo ay kamid yihiin shaqo la’aanta dhalinyarada, sicir bararka, adeegyada aasaasiga ah oo meelaha qaar liita, iyo maamul-hoosaadyo aan mar walba waxtar muuqda la imaan.
Aragtidaada hoos ku reeb?