Radio Baardheere

Radio  Baardheere kala soco Warar iyo Barnaamijyo ku xiisa galiya

29/08/2026

GODEY OO LAGU QABTAY BANAAN-BAX LAGU XUSAYAY DHALASHADA NABIGEENNA MUXAMED ﷺ

26/08/2026

Munaasabadda Xuska Mowliidka Nabiga ﷺ oo Lagu Qabtay Deegaan diimeedka Sarinley

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay dhalashada Nabi Muxammad ﷺ ayaa lagu qabtay xarunta Jamaacadda Sayid Warsame Jaamac ee Deegaan diimeedka Sarinley.

16/08/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo lagu tababaray Xananbuure

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Somaliland waxay leedahay:“Gargaarka bani’aadannimo waan taageersannahay, laakiin wafdiyada caalamiga ah ee tegaya Laasc...
16/08/2026

Somaliland waxay leedahay:

“Gargaarka bani’aadannimo waan taageersannahay, laakiin wafdiyada caalamiga ah ee tegaya Laascaanood waa inay maraan habraacyada iyo isku-xirka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ku doodayso.”

Arrintani waxay ku soo aadaysaa iyadoo Laascaanood iyo Sool ay weli yihiin meel siyaasaddeedu muran ka taagan yahay, iyadoo magaalada ay hadda maamusho SSC-Khaatumo, halka Somaliland ay sheegato dhulkaas.

03/08/2026

Xisbiga Tawfiiq ayaa si rasmi ah u diiday natiijada doorashada, isagoo ku tilmaamay in geeddi-socodka doorashadu uusan ku dhisnayn hufnaan, daahfurnaan iyo caddaalad. Hoggaanka xisbigu wuxuu sheegay in ay jiraan tabashooyin la xiriira habkii loo maamulay codbixinta iyo tirinta codadka, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo natiijada la shaaciyey.

Sidoo kale, xisbigu wuxuu ugu baaqay hay’adaha ay khusayso in ay si madax-bannaan u baaraan cabashooyinka la soo gudbiyey, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashooyinka.

02/08/2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

02/08/2026

Degmada Baardheere waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu dhiirrigelinayay laguna guddoonsiinayay shahaadooyin arday dhammaystiray barashada Qur’aanka Kariimka ah, gaar ahaan cilmiga Qiraa’aadka, kuwaas oo wax ku bartay Madarasada Xayaatul Islaam ee degmada Baardheere

Degmada Baardheere waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu dhiirrigelinayay laguna ...
30/07/2026

Degmada Baardheere waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu dhiirrigelinayay laguna guddoonsiinayay shahaadooyin arday dhammaystiray barashada Qur’aanka Kariimka ah, gaar ahaan cilmiga Qiraa’aadka, kuwaas oo wax ku bartay Madarasada Xayaatul Islaam ee degmada Baardheere.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay culimo, waalidiin, macallimiin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo hambalyo iyo dardaaran u jeediyey ardayda guusha gaadhay. Culimada ayaa ku boorrisay ardayda inay sii xoojiyaan barashada cilmiga diinta islaamka, isla markaana ay bulshada uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.

Maamulka madarasada ayaa sheegay in ujeeddada xafladdan ay ahayd dhiirrigelinta ardayda iyo kor u qaadista dadaalka ay ku bixiyeen barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo cilmiga Qiraa’aadka.

Ugu dambayntii, ardayda ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarinno lagu maamuusayo dedaalkooda, iyadoo munaasabadduna ay ku soo dhammaatay jawi farxad iyo duco leh.

Madarasada Xayaatul Islaam ayaa ka mid ah xarumaha diimeed ee sida weyn uga shaqeeya faafinta barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta islaamka ee degmada Baardheere.

30/07/2026

Culimada Sarinley oo Baaq u Diray Bulshada si Looga Qayb Qaato Dhismaha Madarasada Muxamadiyah ee Deegaan diimeedka Sarinley ee Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo

Address

Baardheere

Telephone

+252615579111

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Baardheere posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Baardheere:

Shortcuts

Share