Radio Baardheere

Radio  Baardheere kala soco Warar iyo Barnaamijyo ku xiisa galiya

29/10/2025

Qaybta labaad ee Roob doonta Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo

28/10/2025

Sheekh Jaabir Sayid Maxamuud Sayid Warsame Ibnu Jaamac ayaa ka mid ahaa Culumaa'dii salaadii roob doonta ka duceeyay

28/10/2025

Salaad roob doon ah ayaa maanta laga oogay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyadoona ay goob jooga ahaayeen Culuma'udiinka iyo guud ahaan bulshada Magaaladan

📷 Mohamed Alcadaala.

🎤 Tabinta Munasar Jey.

Madaxweyne Saciid Deni oo kala diray   Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdu...
28/10/2025

Madaxweyne Saciid Deni oo kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer - ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland.

2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus

3. Saraakiishii h**e ee Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Radio Baardheere.

Salaad roob doon ah ayaa maanta laga oogay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyadoona  ay goob jooga ahaayeen Culuma...
28/10/2025

Salaad roob doon ah ayaa maanta laga oogay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyadoona ay goob jooga ahaayeen Culuma'udiinka iyo guud ahaan bulshada Magaaladan

Labada dhinac ee Magaaladan Baardheere ayaa maanta dadka u Kala Baxeen daafaha iyo goobaha banaanka ah si Allah loo waydiisto raxmadiisa roobka.

📷 Mohamed Alcadaala.

26/10/2025

Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa deeq garab istaagay ugu deeqay Maktabada guud ee Magaaladan oo qaban-qaabadeeda ka soconayso Magaalada Baardheere

24/10/2025

Dugsiga sare ee Sayid Warsame iskuul ayaa samay-nayo horukac dhanka Waxbarashada ah, isagoona kaalin wayn ka qaatay korarka waxbarasho ee Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo

17/10/2025
17/10/2025

Munaasabad lagu daah-furayay Madarasada imaamu-nawawi ee Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa lagu qabtay Xarunta madarasada ee Xaafada Masawa ee Baardheere

Munaasabad lagu daah-furayay Madarasada imaamu-nawawi ee Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa lagu qabtay Xarunta m...
17/10/2025

Munaasabad lagu daah-furayay Madarasada imaamu-nawawi ee Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa lagu qabtay Xarunta madarasada ee Xaafada Masawa ee Baardheere

Waxaana kasoo qayb-galay Culuma'udiin, wax-garad, waalidiin iyo sidoo kale xirta Cilmiga ee Magaaladan Baardheere.

Madarasada imaamu-nawawi Oo maamule iyo hogaamiye ka yahay sheekh Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu baran doonaa guud ahaan barashada diinteena suuban ee islaamka iyo culuumteeda.

15/10/2025

Shirkada Tanaad Kireeye ayaa kuula diyaar ah nooc-walba oo adeeg-yada kireynta guryaha iyo Xarumaha Ganacsiga

Xabbad-joojinta Qasa ayaa si rasmi ah u dhaqangashay, iyadoo ay soo baxeen sawirro taariikhi ah oo muujinaya dadka Qasa ...
10/10/2025

Xabbad-joojinta Qasa ayaa si rasmi ah u dhaqangashay, iyadoo ay soo baxeen sawirro taariikhi ah oo muujinaya dadka Qasa oo ku laabanaya halkii ay ka soo barakaceen iyo ciidanka Israa|l oo isaga soo baxaya gudaha Qasa.

Address

Baardheere

Telephone

+252615579111

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Baardheere posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Baardheere:

Share