Yaxye Soofe

Yaxye Soofe Xog iyo Xaqiiqo Freelance Journalist

14/04/2025
11/04/2025
12/05/2024

Ciidamada ururka 49aad ee fadhigoodu yahay degmada Baardheere oo hawlo Amni sugid iyo u kuurgalid xaalada kajirta deegaano hoos yimaada magaalada.

Waxaa hogaaminaayey

Taliyaha Horinta 3aad shiine Aadan buulle iyo

Taliyaha amniga degmada Axmed fanax

06/05/2024

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sharaxay muhiimadda ay Qaranka u leeyihiin heshiisyadaan is-afgarad

06/05/2024

Khawaarijta Shabaab waxa ay muddooyinkii danbe kordhiyeen beegsiga Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ka,faaiida doonka dhalinta duruufuhu dabreen hadaba sidee looga hortagi karaa?



02/05/2024

Warka Habeen {02 05 2024}
Radio Markabley

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud oo safar shaqo ku jooga magaalada Helsink...
02/05/2024

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud oo safar shaqo ku jooga magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka Finland Sandra Bergqvist.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa guud ahaan labada dal gaar ahaan labada wasaaradood. Labada Wasiir ayaa sidoo kale kulankooda kaga warbixiyay xaaladaha ay ku suganyihiin Dhallinyarada labada dal.

Wasiir Maxamed Bare ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in labada Wasaaradood ay ka wada shaqeeyaan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadaha iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed si ay qeyb kaga noqdaan nidaamka nabad-dhiska dalka maadaama dalka Finland uu yahay dalkii ugu horeeyay ee qorshe howleed qaran u sameeya qaraarka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay (UNSCR 2250).

Ergeyga Wasaaradda Arimaha Dibeda Finland u qaabilsan arimaha nabadda geeska Afrika Md. Suldaan Saciid oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa asagana ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada ay qeyb ka noqdaan arimaha nabadeynta.

Wasiirka Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii kaga mahadceliyay Wasiirka dhigiisa ah wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Soomaaliyeed.

30/04/2024

Beesha Talxe oo Nabadoon kale oo Cusub ku Caleemo saaratey degmada Baardheere(Vedio)

Jifada Maxamed Abookar oo ka mid ah Beelweynta Talxe ee Degta Gobolka Gedo ayaa maanta xaflad Balaaran oo ka dhacdey gudaha degmada Baardheere ayaa waxay Nabadoon Cusub ee Beeshaasi u doorteen,Nabadoon Cali Sahal Guuleed.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey,kuna aadanayd Caleemo saarka Nabadoonka Cusub ayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Odoyaasha Dhaqanka Beelaha degan Baardheere,dhalinyaro ,Haween,Aqoon yahano,Culima'udiin iyo waxgarad kale.

Dhamaan xubnahii ka hadley xaflada ayaa waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Nabadoonka Cusub,waxayna qeybaha kale duwan ee Bulshada ay ugu baaqeen inay la shaqeeyaan Nabadoonka Cusub ee Beesha Maxamed Abuukar ee Talxe Cali Sahal Guuleed.

Address

Baardheere

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yaxye Soofe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yaxye Soofe:

Share