03/12/2024
Xasan Shiikh Maxamuud oo fiidnimadii 15 May 2022 loo doortay inuu dalka madaxweyne ka noqdo wuxuu saakay qaaday weerarkiisii 57-aad ee la xariira dhul-boob iyo maato-qixin.
Halkaan waa dhulkii kalluunka loo yaqaannay oo ay daganaan jireen shaqaalihii kallumeeysiga dowladdii dhexe iyo shacab danyar ah iyaga oo bil-kasta qasnadda dowladda ku shubi jiray kirada.
Maarso 2020, ayay ganacsato soomaaliyeed dowladdii xilligaas jirtay u keeneen soojeedin ah;
1. In dowladda la siiyo 13 malyuun oo dollar,
2. Shacabka goobta daganna dhul la dajiyo
3. In Muddo 40 sano ku simanna dhulkaan lugu wareejiyo shirkadda weeyn.
Waloow soojeedintaas qaar madaxda ah markii h**e lagu qanciyay hadana madaxweynihii xilkigaasi si adag ayuu gaashaanka ugu daruuray dhinac-kasta oo laga tusayna waa lagu qancin waayay.
4 Sannadood kadib Xasan ayaa maanta barakiciyay.
Barakicinta maanta Xasan dadkaas ku sameeyay labo meelood ayay soo jiidasho gaar ah ka leedahay;
1. Saraha dhaadheer ee aan calaamadda cas saaray isla Xasan shiikh ayaa shacabka soomaaliyeed ee daganaa ka barakiciyay 2014, isaga oo sheegay in dan-guud loo adeegsanayo, kadibna shaqsiyaad ayuu siiyay isaguna 41 boos ayuu saami ahaan u qaatay isaga oo ku qortay magaca (Abdirahman Aden) oo xilligaas kaaliyihiisa ahaa intii aanay aakhirkii isla arrin dhulkaas la xariirta ku kala tagin.
2. Shacabka sidaas loo ihaaneeysanayo lixda guri ee dhinacyada ka kala xigta waxaa kala daggan;
1. Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame
2. Xildhibaan Saabir Shuuriye Lugeey
3. Xildhibaan Abdirahman Odawaa
4. Mahad Maxamed Salad (Maahir)
5. Axmed Kaariye Qoorqoor
6. Senator Abdi Dhuxuloow dhagdheer
7. Senator Dhageey Gelle
8. Ra'isalwasaare h**e Roobe B
iyo Xubno kale, waxaana xusid mudan in iyada oo xaalka dadkii ay matalayeen uu sidaan yahay, dowladdii shalay shacabkaas difaacday ay iyagu gacantooda ku rideen, in nasiib darro hadana aanu midkoodna maanta Xasan ka dhicin karin, gacan gurmad u sameeyn dadkii ay atalayeen oo ay xilligaan maqlayaan guuxa baabuurta dagaalka ee barakicineeysa iyo baroorta caruurta, cirroolaha iyo haweenka ay iyagu matalaan.
MAXAAN FAA'IIDNAY INAAN DHOHO MA II BANAAN TAHAY MAANTA OO KALE?