Gerdiile Media

Gerdiile Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gerdiile Media, Media/News Company, Mogadisho, Banaadir.

Gerdiile Media waxay idiin soo gudbinaysaa wararka gudaha iyo caalamka, falanqaynta dhacdooyinka muhiimka ah, iyo xog la hubiyay oo ku salaysan hufnaan iyo mas’uuliyad warbaahineed.

Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay u diidday Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya inuu soo galo...
26/07/2026

Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay u diidday Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya inuu soo galo magaalada Nairobi.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa gudbiyay codsi rasmi ah oo ku socda Golaha Wakiil...
25/07/2026

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa gudbiyay codsi rasmi ah oo ku socda Golaha Wakiillada, kaas oo lagu dalbanayo in xasaanadda laga qaado shan xildhibaan si loogu oggolaado in maxkamad la horgeeyo.

Warqadda oo ku taariikhaysan 23 Luulyo 2026 ayaa magacyada xildhibaannada lagu sheegay:

Makhtal Siciid Maxamed
Cabdisalaan Cabdillaahi Maxamed
Sidiiq Jaamac Muuse
Axmed Cali Maxamed
Axmed Caabi Shire

Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu sheegay in codsiga uu ku saleysan yahay qodobbada 50aad iyo 51aad ee Dastuurka Dowladda Waqooyi Bari, iyo sidoo kale qodobbada 184, 218 iyo 221 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, si maxkamad awood u leh ay u qaaddo dacwadaha loo haysto xubnahan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka haray tarta...
25/07/2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka haray tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaam ayaa go'aankan qaatay kaddib cadaadisyo siyaasadeed oo la sheegay in lasaaray, Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay isku mowqif ka noqdeen inaan la taageerin musharraxnimadiisa.

23/07/2026

Taliye shub

23/07/2026

Siyaasaddu waa goob isbeddel joogto ah, Maanta waxaa la arkaa kuwo shalay garab wada ahaa oo kala aragti duwanaada, halka berri laga yaabo inay mar kale isu soo dhowaadaan.

Xidhiidhka u dhexeeyay Madaxweynihii h**e ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Musharrax Maxamed Kaahin Axmed ayaa noqday mowduuc ay dad badan ka falanqeeyaan, Waxaa la is weydiinayaa in wada-shaqayntoodii h**e ay dib u soo laaban karto, mise kala duwanaanshaha siyaasadeed uu sii jiri doono.

Hadalka "Gacanta miyaadan ii dhiibayn?" waxaa dad badani u fasirteen inuu astaan u yahay baaq wada-hadal, dib-u-heshiisiin, ama isu soo dhowaansho siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Gerdiile Media, Ibraahim Kalaay oo h**e u soo noqday Guddoomiyaha Deegaanka Awdiinle isla markaana lagu ...
22/07/2026

Sida ay ogaatay Gerdiile Media, Ibraahim Kalaay oo h**e u soo noqday Guddoomiyaha Deegaanka Awdiinle isla markaana lagu yaqaanay inuu ka tirsanaa saraakiishii taageersanayd Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa la qorsheynayaa in loo magacaabo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo.

Wararka aanu helnay waxay sidoo kale sheegayaan in Ibraahim Kalaay uu maanta isu soo dhiibay ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed, Kalaay ayaa ka mid ahaa saraakiishii sida weyn ugu dhaaratay daacadnimada Madaxweyne Laftagareen.

Taliye h**e Aamin Mad Daruur ayaa Gerdiile Media u xaqiijiyay inuu weli ku sugan yahay duurka, isla markaana uusan ka ta...
22/07/2026

Taliye h**e Aamin Mad Daruur ayaa Gerdiile Media u xaqiijiyay inuu weli ku sugan yahay duurka, isla markaana uusan ka tanaasulin aragtidii iyo mowqifkii uu horay u aaminsanaa.

Wuxuu sheegay in go'aankiisa iyo fikirkiisu aysan isbeddelin, islamarkaana uu weli ku taagan yahay mabda'a uu h**e u qaatay.

19/07/2026

Duleedka Qabri-bayax ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) waxaa ka dhacay dhacdo murugo leh kaddib markii shil baabuur ay ku dhinteen in ka badan toban qof.

Intii lagu guda jiray diyaarinta aas-wadareedka dadka ku dhintay shilkaas, godkii xabaasha ayaa dumay, waxaana la soo sheegay in dad kale ay ku dhinteen, halka qaar kalena ay weli ku hoos jiraan.

Dhacdadan ayaa sii kordhisay murugada qoysaska iyo bulshada deegaanka, iyadoo Qabri-bayax iyo nawaaxigeeda ay muddooyinkii dambe soo noqnoqdeen shilalka gaadiidka.

Address

Mogadisho
Banaadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gerdiile Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share