08/04/2026
Waa arrin aad looga xumaado in xildhibaan Garyaqaan Mahomed Abdulkadir matalaya bulsho dhan uu yimaado deegaan ay dadku muddo dheer sugayeen horumar, dabadeedna waxa uu bulshada u soo bandhigo hadal ku eg: “Halkaan ayuu mari jiray Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud .” Hadalkaas ma aha mid ka tarjumaya rajada iyo baahida dhabta ah ee shacabka reer Jalalaqsi.
Bulshada reer Jalalaqsi waxay muddo dheer sugayeen in codkooda la maqlo, in la keeno adeegyo aasaasi ah sida waddooyin laami ah, isbitaal shaqeeya, biyo nadiif ah, iyo fursado ay dhalinyaradu ku shaqeeyaan. Dadka deegaanka ma sugayn sheekooyin ku saabsan cid mar soo martay ama sawir siyaasadeed oo aan wax natiijo ah lahayn.
Xildhibaan marka uu bulsho hor yimaado waa in uu wataa qorshe cad, waxqabad la taaban karo, iyo warbixin ku saabsan waxa uu u qabtay ama uu u qorsheynayo bulshada uu matalo. Haddii hadalku ku ekaado “halkan ayuu hebel mari jiray,” waxay taasi u muuqan kartaa mid ka fog masuuliyadda iyo xilka uu bulshada u hayo.
Reer Jalalaqsi waa bulsho leh taariikh, karaamo, iyo rajo horumar. Waxay mudan yihiin in la maqlo cabashadooda, la fahmo duruufahooda, lana gaarsiiyo horumar ay muddo dheer sugayeen. Waxaa la joogaa waqtigii siyaasiyiintu ay ka gudbi lahaayeen hadallo iyo sawirro, una gudbi lahaayeen waxqabad dhab ah oo bulshada dareento.
Horumarka dhabta ah waa kan ay shacabka arkaan oo ay noloshooda ku dareemaan—ma aha hadal ku eg meel hebel mar soo maray. Reer Jalalaqsi waxay rabaan mustaqbal ka wanaagsan kii h**e, waxaana waajib ku ah masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan sidii riyadaas loo xaqiijin lahaa.