16/03/2025
Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Gobolka Faafan oo lasoo gabagabeeyay
Maanta ayaa lagu soo gabagabeeyay tartanka Qur’aanka Kariimka ee ka dhacay gobolka Faafan, kaasoo loo qabtay tartamayaal ka kala yimid marakista (dugsiyada) degmooyinka gobolka. Tartankan ayaa lagu tartamay xifdiga Qur’aanka Kariimka iyo qaybo kala duwan oo ka kooban 30 Juz, 20 Juz, iyo 10 Juz.
Tartanka waxaa ka qeyb galay tartamayaal matalayay degmada Babili, kuwaas oo guulo muhiim ah ka soo hooyay.
Fatxi Maxamed C/ayi wuxuu galay kaalinta koowaad ee qeybta 30-ka Juz, isagoo ka socda degmada Babili, waxna ka bartay Shakh ismacil Shaam ismacil.
C/raxmaan Jaabir Ismaaciil ayaa isna kaalinta koowaad ka galay qeybta 20-ka Juz, isagoo ka socda degmada Babili, waxna ka bartay Shakh Ismaaciil Shaam.
Sidoo kale, waxaa jira tartame kale oo naga mid ah oo galay kaalinta labaad ee 10-ka Juz.
Mas'uuliyiinta ka soo qeyb gashay ayaa bogaadiyey qabanqaabiyeyaasha tartanka, iyagoo xusay in munaasabaddani ay xambaarsan tahay farriin muhiim ah oo ku saabsan kor u qaadidda aqoonta diimeed iyo barbaarinta jiilasha soo koraya. Tartankan Qur’aanka Kariimka ah ayaa noqonaya mid xasuus gaar ah reeba, maadaama uu muujiyey doorka ay culimada iyo waxgaradku ku leeyihiin kobcinta aqoonta diimeed ee bulshada.
Halkaas oo lagu siyey Abaalmarino 3
kaso gudbey 30 Juz iyo ardey kaso gudbey 20 Juz iyo Ardey oo kaso gudbey 10 Juz ardey loogu Abaalmariyey waxaana Abaalmarinta gudoonsiyey Guddoomiyaha gobolka Faafan mudane Kader Ahmednur .
Tartanka Qur’aanka Kariimka ee gobolka Faafan ayaa si rasmi ah loo soo xiray, iyadoo la bogaadiyay dadaalka ardayda iyo marakista ka qeyb galay. Degmada Babili ayaa markale muujisay dadaalkeeda ku aaddan barashada Qur’aanka Kariimka, iyada oo guulo la taaban karo ka keentay tartanka sanadkan.
Somali Prosperity Party-ብልጽግና
Cabdi Caydid
Farjano media
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida