Bustaale channel

Bustaale channel Page Kala Soco Warar Iyo Sheekooyin Xiiso Gaara Xambaarsan Guud Ahaan Dhulka Somalida Oo nugu soobir

11/08/2025

Markii dadka oo dhan lacagtooda ay ku qaateen telefoonnada oo la waayay dalka Shiinaha , wax lacag sita, waxaa isla tiknoolajiyadii uu lacagta ku waayay adeegsaday macbadka Lingyin ee ku yaalla magaalada Hangzhou ee dalka Shiinaha , kaasoo dhisay nidaam kaliya la saarayo telefoonnada oo QR ah, qof kasta oo halkaa telefoonka saarana waxaa ka go’aysa lacagta uu oggolaado — dadkana iyagoo loo sheegay in haddii ay sidaa sameeyaan nasiibkooda uu wanaagsanaan doono ayay halkaa lacagta ku bixinayaan.

11/08/2025

Wasiirka difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto ayaa maanta yiri: “Israa’iil waxay luminaysay caqligii iyo bini’aadantinimadeedii….Waa in aan helnaa hab aan ku qasbno Netanyahu inuu si maskax fiyow u fikiro, ee aan kaliya lagu joogsan cambaarayn.”

11/08/2025

Ruushka ayaa xadka caadiga ah ka bixinaya dagaallada, wuxuuna soo bandhigay hannaan cusub oo dagaal oo khatar badan, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed uu ku xiray miinooyinka lidka taangiyada oo ay ku tuurayaan waddooyinka, taa oo ay ka dhalanaysa inaysan ciddi adeegsan karin waddooyinka. Miinada waxay dhulka gaaraysa iyadoo aan qarxin, balse cid kasta oo waddadaa iskudayga inay adeegsato waxay la kulmaysa qaraxyo aan laga baxsan karin..! Sida ay sheegeen ciidanka Ruushka , tani waa habka uu Ruushku doonayo in ay ku fuliyaan weerarro ka dhan ah waddooyinka dadweynaha iyo go’doominta magaalooyin aysan cidna gali karin, lagana soo bixi karin. Waa in khasaare badan uu Ruushku geysanayo isagoo aan lumin askar iyo qalab kale oo milatari.

11/08/2025

Labo markab oo ay leeyihiin ciidanka badda Shiinaha ayaa isku dhacay , xilli mid ka mid ah maraakiibta uu cayrsanayay doon ay leeyihiin ciidanka kormeerka badda ee Philippines, meel ku dhow galbeedka Philippines. Muuqaallada la soo bandhigay ayaa muujiyay dhaawac gaaray markabka DDG-164 ee ciidanka badda Shiinaha oo uu ku dhacay markabka isla ciidanka ilaalada xeebaha Shiinaha ee CCG-3104.

11/08/2025

Shiinaha ayaa billaabay inuu hub badan u daabulo Ruushka, iyadoo hadda labada dal ay iska indhaha tireen cunaqabateynta ay saareen reer galbeedka — warshadaha hubka iyo shirkadaha labada dal ayaana fulinaya is dhaafsiga agabka milatari, sida ay sheegtay Reuters.

10/08/2025

Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay ka hortagi doonto iyadoo taageerro ka helaysa Ruushka ama kaligeed; Mareykanka inuu ciidankiisa keeno xadka ay la wadaagto Armenia, isagoo ku andacoonaya inuu ilaalinayo marinka Zangezur Corridor ee isku xiraya Azerbaijan, Armenia iyo Turkiga , balse wuxuu marinkan go’doominaya Iiraan, halka Mareykanka uu helayo dhul ku yaalla xadka Iiraan oo uu ku cadaadin karo ama weerarro ka dhan ah Iiraan ka abaabulo.

Cali Akbar Velayati, oo ah la-taliyaha sare ee hoggaamiyaha Iiraan, oo soo bandhigay go’aanka Iiraan , ayaa ku sheegay qorshaha mid khatar galinaya xasilloonida oo aysan aqbali doonin Iiraan.

10/08/2025

Wariyaha bariga dhexe u qaabilsan telefishinka Israa’iil ee afafka kala duwan ku baxa ee i24NEWS, ayaa iyadoo ka falcelinaysa booqashadii uu shalay Qaahira ku tagay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan oo la kulmay madaxweynaha Masar, waxay muujisay suragalnimada in ajandaha wadahadallada lagu soo daray arrimaha Somaliland , iyadoo ka hadlaysa sababta qasab ka dhigaysa in laga hadlo waqtigan Somaliland , waxay tiri ; “ Kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay inuu ka fiirsanayo aqoonsiga madaxbannaanida qaran istiraatiji ah ,isla markaana dimuqraadi ah ee ku yaal badda cas.”

10/08/2025

Shirkadda Shiinaha ee Geely oo baabuurta soo saarta , ayaa hawada u dirtay dayax-gacmeed ay shaqadiisa noqonayso in laga hago nidaamyada gaadiidka ay soo saarto oo ay shirkaddan doonayso inay noqdaan kuwa iyaga is wada oo aan loo baahneyn darawal. Geely, waxay doonaysa inta ka dhiman sannadkan inay gaaraan dayax-gacmeedyada hawada sare u yaalla 64 dayax-gacmeed.

07/08/2025

Ruushka, ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo kale oo dharbaxo ku ah Mareykanka , iyadoo ergayga Mareykanka uu ku sugnaa Moscow — waxay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay garaaceen xarun kayd u ah agabka milatari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine oo ku taalla koonfurta dalkaa, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda tamarta ee Ukraine.

05/08/2025

Shiinaha ayaa soo saaray tiknoolajiyad cusub oo leh awooddo isku dhafan, waa diyaaraan aan duuliye lahayn, balse ku socon karta dhulka ,kuna quusi karta badda, waxaa ku xiran hub fudud iyo qaraxyo, waxase cusub waa inay leedahay hannaan ay ku suuxin karta askarta ku sugan qolalka howlgallada iyo goobaha difaaca, iyadoo ku dhufanaysa goobahaa sun awood u leh İnay miyir beeliso qof kasta oo goobta ku sugan..!

04/08/2025

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa ku warramay inuu Trump u oggolaaday Netanyahu inuu duullaankii u sarreeya ku qaado Qasa, si marinka Qasa uu u noqdo dhul ay la wareegto Israa’iil.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ka soo baxa , ayaa isagana sarkaal sare oo milatari ka soo xigtay in amar lagu siiyay ciidanka inay si dhammeystiran ula wareegaan marinka Qasa oo weerarradooda dib u billaabaan, isagoo yiri ; "Go’aanka waa la gaaray; waxaan si degdeg ah u qabsaneynaa marinka Qasa."

02/08/2025

Suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa 24 saac ee u dambeysay khasaaray $1.1 tiriliyan, kaddib markii Trump uu dib usoo celiyay canshuuraha uu wax soosaarka dibadda saaray iyo hoos u dhac yimid tirada shaqaaleysiinta, sida ay werisay AP.

Address

Mogadishu
Banadir

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bustaale channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bustaale channel:

Share