Lama-filaan

Lama-filaan Hooyo, ardayad, qalin-maal iyo qof Alle u gargaaray.

Haddaad guursataan isbuuc kastaba mid cusubaa saaran, carafta iyo cuntada kala nuuca ahna waa u dheeri. Qalbi soo dhaqsa...
13/08/2025

Haddaad guursataan isbuuc kastaba mid cusubaa saaran, carafta iyo cuntada kala nuuca ahna waa u dheeri. Qalbi soo dhaqsana waa lagu lee yahay.

Axyaa nolol, axlaa hurdo macaan.❣️

Waxay Muqdisho aad ugu baahan tahay in isgoys walba laga helo bajaajka la isla raacayo oo lacagta la wadaagayo.Meelaha q...
09/08/2025

Waxay Muqdisho aad ugu baahan tahay in isgoys walba laga helo bajaajka la isla raacayo oo lacagta la wadaagayo.

Meelaha qaar oo la isla raacayo ayaan arkay balse ma badna... Fikradaas waa maskiin u gargaar caadi ah. 😁

Juka

Dharaaraha qaracankaaQol madow dhexdiisiyoQalinkiyo waraaqdiyoFanka qaaligaa iyoHeestaydan qurunkaaWaxay iiga qabataa,Ba...
01/08/2025

Dharaaraha qaracankaa
Qol madow dhexdiisiyo
Qalinkiyo waraaqdiyo
Fanka qaaligaa iyo
Heestaydan qurunkaa
Waxay iiga qabataa,
Bal in ay qaneeciyo
Ku qabowda laabtoo
Qalbiyadan is waayiyo
Isku daawadaan qolo.

Caawana qoraalkiyo
Qasdigayga weedhiyo
Qumanuhu wuxuu yahay,
Qudha labo wadaagtee
Nolol qaayaheediyo
Qurux guur kuwada nool,
Marka ay is qabashiyo
Calafkii is qoomee
Qunyar loogu kala baxo,
Maxaa qiimo beelkiyo
Garashada ka qaadoo
Dhaqankooda qaawiya.

Dadku sow quluub maleh,
Labadii is qabi jiray
Qaddarkaa ku kala dhacay
Kolka looba qiil dayo,
Ehalkiyo qaraabadan
Isu diiddan quruxdiyo
Qolyahaan is nacayee
Kala qaba xanuunadda
Ma wax aan xil qaban baa?

Dadku waa is qoomaa
Noloshuna qardoofaha
Iyadaa u quruxoo
Maalmaha is qabashada
Wax aad qaadataa jira.

Waxse qiimahaagiyo
Dilli kara qofnimaddee
Cirdigaagga qubayaa,
Waa qurun ka sheegiyo
Dhilashadan qasiiskee
Taariikhda kaga qoran
Nin qudhiisa xadayiyo
Gabar aanu xeer qaban.

Labayahoow is qirayaa
Labayahow is quursaday,
Labayahow is qabi jiray
Labahayow qun kala tagay,
Qunsuladda jacaylkiyo
Sawir qiimo badanoo
Qaar daawadaan iyo
Qosykii kalgacalkiyo
Qaayaha islaamkoo
Nolol wada qorsheeyoo
Kala qaaday calafkiyo
Noqda duul qiyaamo leh.

Sade Abdirisak

01/08/2025

Seddex nin nolosha kuma wanaagsana;

Hambeystaha hablaha yar,
Halgaadaha dumarka iyo
Huriwaaga wuxuu haayo.

Sharaxaad: Gaabsadaha aan guurka rabin, gacan qaadaha aan garta qaadan iyo guusaha bakheylka ah.

"Kaalay wadnahayga dhagayso, waxa aad maqli doontaa dhawaqa codkiisa leh xabiibi waa aan ku tabayaa. Dhab u eeg indhahay...
28/07/2025

"Kaalay wadnahayga dhagayso, waxa aad maqli doontaa dhawaqa codkiisa leh xabiibi waa aan ku tabayaa. Dhab u eeg indhahayga waxa aad ka dhex arki doontaa rejada iyo naawilaadda dhankaaga, dhuux oo dhugmo u yeelo farriimahayga waxa aad qiri doontaa rabitaanka qalbigayga."

Ina keen gacanta i qabso.

Naf-qaybsi

24/07/2025

Hadaad kala fogaaneesaan is cafiya 😭💔
Waxaan fariin ku arkay barta Facebook waxay ahayd tacsi Tacsi loogu baroordiiqayo qof aanan si fudud u illoobi karin qof qalbigayga qayb ka ahayd Leyla Qalbigeyga ayaa gilgilmay indhahaygana waxay ka akhriyeen erayo aanan weligay filayn in aan maqli doono

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun Walaasheen Leyla waxay ku geeriyootay dalka Hindiya halkaas oo ay u joogtay daaweyn

Markaasaan is iri Ma Leyla Ma dhimatay Ma dhimatay iyadoo aanan ka raalli galin Ma dhimatay iyadoo aanan aqoonin xanuunkeeda Ma dhimatay anigoo careysan oo aanan ogayn halka ay joogto

Intaan xusuustay waxay ahayd in aan kala careynay Waan is khilaafnay waa run Waan is dhaafnay waana qirtay Waan hadal xumeeyay balse igama ahayn inaan nacay Maya waan jeclaa

Waxaan kala maqneyn muddo ku dhow laba bilood Waxba iskama ogayn mana aysan iga raadin anigana niyad jab iyo kibir igu jiray ayaan iska aamusay Xiriirkeenii wuxuu bilaabay inuu si tartiib tartiib ah u sii lumo ilaa uu mar qura dhammaaday Waan dareemayay in ay jirto xaalad laakiin qalbigayga qalafsanaa ma uusan doonayn inuu codsado cafis balse hadda cafis mar dambe waxba ma tarayo.

Leyla waxay ahayd gabadh aan ku bartay xilliyo wanaagsan waqtigii aan rabay inaan qof la wadaago noloshayda riyadayda iyo damacyadayda Waxay ahayd dabeecad fiican farxad ayey faafin jirtay Indhaheeda waxay ahaayeen kuwa xambaarsan kalgacayl iyo naxariis aan la qiyaasi karin Hadalkeedu wuxuu lahaa degenaasho qosolkeedana wuxuu lahaa bogsiin.

Markii aan is baranay maalin kasta oo cusub waxay igu dhalin jirtay rajo cusub Waxaan is weydaarsanay ballanqaadyo sawirro erayo kalgacal xambaarsan intii aan wada joogno waxay ahayd sida adduunyadu uusan jirin wax ka xun Waan qosli jirnay waan fikirna jirnay waxaana ku haminay mustaqbal Laakiin jaceylka sidii caadada u ahayd wuxuu la kulmaa tijaabooyin.

Dhib ayaa dhacay Hadal qalafsan ayaan iri Waxay iga ahayd xanaaq degdeg ah balse waxay qaaday dhaawac aan laheyn dawo Waxay iga tagtay iyadoo qarracan iyo ciil ay la tacaaleyso Isma aanan cafin isna ma aysan soo celin Waqtigu wuu socday laba bilood ayaa naga dhaxaysay oo aan eray is dhaafsan

Qiyaas in qof aad jeclayd uu dhinto adigoo uusan kaaga maqneyn masaafo keliya balse uu kaaga maqanyahay xagga qalbiga Qiyaas in ay dhinto iyadoo xanuunsaneyd u baahan caawimo u baahan codkaaga u baahan inaad tiraahdo Waan kuu imid waan kuu garab taaganahay.

Markii aan ogaaday in ay dhimatay bil kadib waxaan dareemay culays iga qarxay laabta Ilmo si toos ah ayuu indhaha uga qubanayay gacmahayguna waxay gariirayeen Waxaan mooday in qalbigayga la gooyay Waxaan qiyaasi waayay sida ay ku dhimatay Miyey ahayd bukaan sariir jiif ah Miyey ahayd tii igu taamaysay in aan u yimaado balse aanan imaanin.

Qalbigayga wuxuu la gubtay ciil Waxaan dareemay in aan qayaamay Maya waan qayaamay Waxaan iska ilaaway cid aan jeclaa Waxaan laabta ka qariyay qaladkeygii Ma qiran mana dalban cafis Waan ku kacsanaa balse anigaa khaldanaa.

Xusuus baa igu soo dhacday Isla qolkii aan Leyla la fariisan jiray Kuraastii aan isku dhownaan jirnay Mugdigii aan la jeclaan jirnay Codkeeda macaan hadalkeeda deggan Wax walba igu soo maaxday sidii filim dib loo daawanayo

Waxaan ku laabtay fariimaha aan isku dirnay Waxaan arkay fariintii ugu dambeysay ee ay ii dirtay.

(“Haddii aan mar uun kaa maqnaado ogow in qalbigeyga weli ku jiro Ha igu ciqaabin aamusnaan waan kuu baahanahay”)

Ilmo iga qubtey Codkeedaas fariintaas waxaan dareemay culays ay leedahay Waxaan fahmay in ay igu sii jeedday balse anigu aan is muujiyay qof aan dan ka lahayn Waxaan rabay in aan mar qudha u iraahdo Waan kaa xumahay Leyla iga raalli noqo Laakiin hadda codkaygu waa danbeeyay waqtiguna waa naga hor maray.

Maanta waxaan la noolahay murugo Wax kasta waxay ila yihiin mugdi Noloshu way socotaa laakiin qalbigayga wuxuu raacay Leyla Waxaan ogaaday in jaceylku uusan ku dhamaan caraysi iyo aamusnaan Waxaan ogaaday in qof aad jeceshahay mar walba la xasuusto xitaa markii aad ka carooto.

23/07/2025

Labiskaagu, waa qeyb ka mida quruxdaada iyo qaddarinta naftaada.

20/07/2025

"Faro dufan lahaa wax duuga"

18/07/2025

La'aantaa ma noolaan karo, waa qiyaal qurux badan oo si uun qalbigaaga u taabanaya.

16/07/2025

Ninkasta oo calool leh islaan/islaamo u roon oo habeenkii dhaylo iyo bariis siiyo buu qabaa, calashaan naxariis iyo nafaqeysi bay ka tahay.

FG: Kii ku guursaday isaga oo leh iyo kuwa gacantooda isla ogaaday kuma jiraan mashruuca.

Roonaan baa rag leysay.🤣

Xaliya waxa uu oran jiray, Go to gym awoowe.🙈

13/07/2025

Sidee dumar la'aantii dunidani ahaan laheyd?

12/07/2025

Waxwayn baa kaa dhiman haddaan lagu oran Xabiibi/xabiibti ma ii soo nabad kacday?

Address

Mogadishu
Banadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lama-filaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share