Baidoa post

Baidoa post baidoa post waa wargeys madaxbanaan oo aad ka heli karto warar sugan

Permanently closed.
Kurdiyiinta oo diiday inay YHD iyo mareykanka raacaan.Xafiiska Reysal Wasaaraha maamulka Goboleedka kurdiyiinta ee ciraa...
04/03/2026

Kurdiyiinta oo diiday inay YHD iyo mareykanka raacaan.

Xafiiska Reysal Wasaaraha maamulka Goboleedka kurdiyiinta ee ciraaq ayaa sheegay inuu jirin qof kurdi ama ciraaqi ah oo ka gudbay xuduudka iran ama iskuba dayay.
Mareykanka iyo YHD ayaa kucel celinayay in kumanaan dagaal yahanada kurdiyiinta inay dagaal dhulka ah ku qaadayaan iran.

Dagaalka YHD iyo mareykanka kudoonayan burburinta iran ayay ku tilmaameen mid baadil ah oo an loo baahnayn.

Telefishinka Ingiriiska ka soo baxa ee ITV, ayaa ku warramay ; •Mareykanka iyo Israa’iil inay qorsheynayaan inay kiciyaa...
04/03/2026

Telefishinka Ingiriiska ka soo baxa ee ITV, ayaa ku warramay ;

•Mareykanka iyo Israa’iil inay qorsheynayaan inay kiciyaan kacdoon hubeysan gudaha Iiraan, iyagoo adeegsanaya ciidan Kurdiyiin ah oo hubeysan.

•Ciidankan Kurdiyiinta ah, oo tiradoodu gaareyso kumannaan dagaalyahan, ayaa la sheegay in hub si qarsoodi ah loogu geliyay galbeedka Iiraan tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood ee dhacay 2025.

•Waxaa la filayaa in ciidankan, oo la sheegay inay dhiseen Mareykanka iyo Israa’iil, ay weerarro dhulka ah bilaabaan maalmo gudahood.

•Ciidankan Kurdiyiinta ah ayaa sidoo kale codsaday taageero cirka ah oo ay ka helaan Mareykanka iyo Israa’iil si ay u fuliyaan weerarradooda.Ilaa hadda lama oga in codsigaas la oggolaaday iyo in kale.

•Dhanka kale, ciidamada Iiraan ayaa xoojiyay tallaabooyinka amniga ee ka socda meelaha ay Kurdiyiintu ku badan yihiin.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera, inay Iiraan gantaallo ku weerartay markabka diyaaradaha xambaara ee US...
01/03/2026

Sarkaal Mareykan ah ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera, inay Iiraan gantaallo ku weerartay markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln, isagoo sheegtay inaysan jirin weerarkaa wax khasaaraha oo markabka uu gaarsiiyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Ee Iiraan Abbas Araqchi ayaa yidhi:“Si kasta oo uu awood u leeyahay madaxweynaha dal kale, xaq...
28/02/2026

Wasiirka arrimaha dibadda Ee Iiraan Abbas Araqchi ayaa yidhi:

“Si kasta oo uu awood u leeyahay madaxweynaha dal kale, xaq uma laha inuu go’aan ka gaadho dadka dal kale”

“Waxaan ka barannay casharro dagaalkii hore.”
“Si dhab ah ayaan u bari doonnaa weeraryahannada nagu soo duulay casharka ay mudanyihiin “

“ Uma baahnin caawimaad cidna si aan isu difaacno.
Waxaan leenahay awood aan isku difaaci karno.”

28/02/2026

Qatar ayaa ku dhawaaqday inay soo riday gantaal ka yimid Iiraan, sida ay werisey Al Jazeera oo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda difaaca Qatar.

28/02/2026

Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay Badda Cas ka joojiyeen Maraakiibta US & Telaviv.

Qarax xooggan ayaa laga maqlay meel u dhow xaafadda Marina ee magaalada Dubai, sida ay hadda werisey Reuters.
28/02/2026

Qarax xooggan ayaa laga maqlay meel u dhow xaafadda Marina ee magaalada Dubai, sida ay hadda werisey Reuters.

28/02/2026

AFP ayaa ku sheegtay in Riyadh gantaalo ay la eegtay IRAN~AJ

Qatar ayaa sheegtay inay qabatay gantaallo horleh oo ay Iiraan ku soo weerartay, sida ay werisey Al Jazeera.
28/02/2026

Qatar ayaa sheegtay inay qabatay gantaallo horleh oo ay Iiraan ku soo weerartay, sida ay werisey Al Jazeera.

28/02/2026

Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars , ayaa hadda ku warramaysa ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarreen saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxrayn, iyadoo warbixinta lagu sheegay weerarradaa wali socdaan.

Address

Bay
Baydhabo
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baidoa post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baidoa post:

Shortcuts

Share