
22/03/2025
Taliyaha Guutada 9-aad Glle Dhexe Yoonis Adan Xasan ayaa Qeyb ka ahaa Kormeer ay Masuuliyiinta Maamulka Degmada iyo kan Gobolka ay kutageen Bar kantroolada laga ilaaliyo Amniga Magaalada Xuddur ujeedka Booqashada ayaa ah in la xoojiyo Sugida Amniga iyo ka hortaga Falalka Guracan ee Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dhibaateynayaan Shacabka.
Taliyaha Guutada 9-aad Glle Dhexe Yoonis Adan ayaa Maamulka Iyo Saraakiisha Booliska, Nabadsugida iyo Ciidamada Ethiopia Warbixin ku saabsan Howlaha Amni iyo sida ay usugayaan kasiiyay.
Kormeerka Taliyaha Guutada waxaa ku Wehlinayey Taliyaha Booliska Gobolka, Taliyaha Nabadsugida Degmada, Saraakiisha Ciidamada Ethiopia Iyo Maamulka Gobolka Bakool kan degmada Xudur.