29/06/2024
BAAJUUNTU MA JAREER BAA ???
———————————————————
Kadib markii social media ha beryahaan beesha jareer weyne eey sheegteen inuu cabdi xaafid jareer yahay , waxaan rabaa soomaalida aan aqoonta uleheen dadkaan baajuunta la dhaho oo ku wereerey inaan maanta baro yeey yihiin dadkaan inteese degaan asalloodii yeey yihiin iyo wixii lamid ah.
Ereyga ( baajuun ) waa af carabi oo mihneheedu tahay cunuga juun ama wiilka juun , yuu yahay ( juun bin xaarith ) ? juun bin xaarith waa abaha dhaley baajuun taariikhdu wexey sheegeysaa asalkiisa inuu ka imaadey cumaan uuna xeebaha geeska Africa eey ku imaadeen doon shiraac asaga iyo qoyskiisa iyagoo u imaadey fidinta diinta islaamka qarnigii shanaad .
Inteese degaan??
Wexey degaan xeebaha iyo jasiiradaha ka bilaabataa kismaayo illaa iyo mombasa oo waagaas la isku dhihi jirey ( BAJUNI LAND ) wexey na ku hadlaan af baajuun oo ah hooyada dhashey af ( swaaxiliga ) oo maanta qaarada Africa badankeeda eey katahay ( second language ) ,kadib markii 1883 qaarada Africa gumeeystaha uu xuduudyada u sameeynaayey ayeey qaar wexey ku goeen kenya ka bilaabataa Mombasa illaa iyo kiyunga wexey noqdeen kenyati halka kuwa kale na ka bilaabataa kismaayo illaa iyo raas keymboni eey ku goeen soomaaliya oo maantana eey soomaali.
Sida soomaalida kale beey iyaguna u leeyihiin mid timo adag iyo mid timo jilicsan iyo mid madoow iyo mid maariin iyo cadaan ah , waana dadka keliya aad ka heli kartid nin iyo naag oo isqaba ama qoys oo todobada caruur eey ka dhaleen kala midab yihiin eey isugu jiraan mid cad mid madoow mid timo adag iyo timo jilicsan eeyn isku aabo isku hooyo yihiin.
Weliba waxaan nahay dadka keliya oo is guursada qabiilada kale oodhan,
Anigoo ugafeeynin beesha baaxada weyn ee sharafta badan walaaleheena ah beesha jareer weyne aan waxaan rabaa inaan usheego baajuuntu jareer ma ahan sida soomaalida kuwoodii timaha adag oo madoow eeysan jareer unoqon karin beeyna baajuuntu jareer unoqon karin ,keliya waxaan isaga mid nahay howl karnimada, waxaad tihiin beeraleey anagana waxaan nahay kaluumeeysato iyo muslinimada, iyo soomaalinimada.
Isku deegaan manihin, isku luqad manihin, xitaa isku dhaqan manihin. waana ku mahadsantihiin sida aad ugu hiiliseen uguna garab istaagteen waan isku leenahay 🙏🏽,
Cabdi xafiid na laacibnimo iyo caanimo darteed hadii loo jareesiin rabo baajuun weligeed beey caan iyo laacbiin ahaayeen , aawey Jusephe , aawey cabdoow pele, aawey diili mahaadi, aawey kizungu, aawey cumaari faruure, aawey hamaadi bakaari, aawey saalim mbiili, aawey cumaari kiyaabo, aawey cabdalla saliimu, aawey cabdillaahi goon, aawey maxamed baana,aawey xuseen baajuuni Iyo Caasho cabdoow hobolada waa beri aawey ( BHALO ) weligeena ma maqlin jareer dhahaayo dadkaan waa jareer.
Cabdi xaafidna waa wiil baajuun ah oo weliba dhalad ah sawirkaasna waa asaga iyo aabihiisa, dhinaca aabihiisa waa reer Lali dhinaca hooyadiisa waa reer mahaadi,
Hala sheer gereeyo si eey dadka aan baajuunta aqoonta u leheen ubartaan dadka eey yihiin iyo meesha eey kasoo jeedaan asalkooda iyo meelaha eey degaan.
VIVO KISIMA Xigasho
🏆;