13/07/2026
Hambalyo iyo Bogaadin............................
Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Mudane waziir Abdirizak Malak Hussein , Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.........
Mudane Wasiir, waxaad tahay hoggaamiye dhalinyaro ah oo isku darsaday aqoon, karti, hufnaan, daacadnimo iyo howlkarimo.
Waxaad tusaale nool u tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaadan karaan hoggaaminta iyo horumarinta dowladnimada. Waxaa laguugu yaqaannaa galgal siyaasadeed, adeeg bulsho iyo dadaal joogto ah oo ku wajahan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka bulshada.
Waxaad sharaf weyn iyo magac wanaagsan u soo hoysay Haraaw, adigoo noqday astaan lagu faano, kuna dayasho mudan jiilka soo koraya.
Guushaada iyo kaalintaada qaran waxay dhiirrigelin u yihiin dhammaan dhalinyarada aqoonta leh ee hiigsanaya inay dalkooda iyo dadkooda u adeegaan.
Sidoo kale, waxaan bogaadin iyo mahadnaq gaar ah u jeedinayaa Lataliyaha ahna Xoghayaha Wasiirka, Alhaaji Hassan Hussein Nunow , oo ah shaqsi lagu yaqaan waayo-aragnimo, daacadnimo, aqoon iyo iskuxir siyaasadeed. Waa rug-caddaa siyaasadeed oo fac weyn, isla markaana ah Guddoomiyaha Dhalinyarada Beesha Haraaw, kanaalin muhiim ah ka qaatay dhisitaanka waziirka iskuxirka maamulka koonfur galbeed iyo siyaasiinta beesha mideynta bulshada, kobcinta dhalinyarada iyo horumarinta wadajirka bulshada.
-Xaaji Xasan Xuseen Nuunow waa haldoor ay bulshadu ku faanto, kana muuqata xikmad, dulqaad iyo hoggaan wanaagsan. Doorkiisa hagidda bulshada iyo dhiirrigelinta jiilka cusub wuxuu mudan yahay qaddarin iyo maamuus.
dambeyn, waxaan Alle uga baryayaa Mudane Wasiir # Cabdirisaaq Xuseen Aadan iyo Al-Xaaji Xasan Xuseen Nuunow inuu ku asturo caafimaad, cimri dheer, guul iyo kheyr badan, kana dhigo kuwo mar walba u adeega dalkooda, dadkooda iyo diintooda si daacadnimo iyo caddaalad ku dheehan tahay.
Midowga dhalanyarada beesha haraaw
Maamulka Degmada Goof Gaduud Buurey
Midowga dhalanyarada Goof gaduud Boqorka Buurey Haraaw
Alhaaji Hassan Hussein Nunow
Xasan Cali Shire
Xasan Isxaaq