Qansaxdhere Civilians activist TV

Qansaxdhere Civilians activist TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qansaxdhere Civilians activist TV, TV Channel, wadajir Street baidoa, Baydhabo.

Shib iska dhex
20/02/2026

Shib iska dhex

20/02/2026

BAAQ KU SAABSAN DULMIGA IYO EEXDA KA JIRTA KOONFUR GALBEED
Maanta waxaa si guud uga taagan deegaannada Koonfur Galbeed cabashooyin la xiriira dulmi, eex, iyo xukun-jeceel siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay kalsoonidii shacabka.
Dadka deegaanka waxay ka cabanayaan:
In awoodda loo adeegsado dano gaar ah halkii ay ka ahaan lahayd mid u adeegta bulshada.
In eex qaraabo iyo kooxaysi lagu maamulo xilalka iyo fursadaha.
In codkii shacabka la cabburiyo marka ay ka dhiidhiyaan xaq-darrooyinka jira.
In mas’uuliyad la’aan iyo isla xisaabtan la’aan ay sii xoogeysatay.
Maamulka iyo hoggaanka waxaa saaran waajib ah in ay xaqiijiyaan cadaalad, sinaan, iyo dowladnimo ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan. Shacabka Koonfur Galbeed ma mudna in lagu aamusiiyo cabashadooda, mana habboona in xukunka loo arko hanti gaar ah.
Waxaa lagama maarmaan ah in la helo:
Maamul daah-furan.
Garsoor madax-bannaan.
Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Iyo in la joojiyo cabsi-gelinta iyo eexda.
Qof walba oo wax qori kara, wax qaban kara, ama cod leh—waa in uu ka dhiidhiya dulmiga, si loo helo mustaqbal ku dhisan cadaalad iyo midnimo.

20/02/2026

“Qof walba oo nool, qof walba oo wax qori kara ama wax sameyn kara—maanta waa in uu ka hadlaa.
Aamusnaantu xal ma aha. Qalinku waa hub, codkuna waa awood.
Haddii aan maanta ka dhiidhinno dulmiga iyo gefafka jira, berri waxaan waayi doonnaa fursaddii aan ku sixi lahayn khaladaadka.
Mas’uuliyad ayaa naga saaran bulshadeenna, jiilka soo koraya, iyo mustaqbalka dalkeenna.
Haddaba, qof walba kaalintiisa ha qaato.”

11/02/2026

Warqad Xasuusin iyo Digniin Ku Socota Beesha Xareen iyo Hoggaanka Koonfur Galbeed
Waxaan warqaddan idiinku soo gudbinayaa dareen walaac, xasuusin iyo talo ku saleysan mas’uuliyad, walaaltinimo iyo dan guud.
Beesha Xareen ma ma illoowdeen dhaqankeennnii suubanaa, wada-dhalashadeenna, is-jaceylkeennii iyo wada-noolaanshaheennii?
Ma ma illoowdeen taariikhdeennii Digil iyo Mirifle iyo sida aynu ugu suntannayn edeb, dulqaad iyo wada-tashi?
Waxaan si gaar ah u waydiinayaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo hoggaamiyeyaasha beesha:
Ma u taagan tihiin ilaalinta midnimada iyo sharafta beesha, mise waxaad moodaysaan in xil iyo awood si joogto ah loo haysan karo?
Wallahi, xilku waa mid guurto ah, mana aha wax lagu faano ama lagu dulmiyo dadka kale.
Xasuusin Taariikhi ah oo Ku Socota Beesha Xareen
Beesha Xareen ha dib u fiiriso taariikhdeeda.
Qofkii ugu horreeyey ee xil sare ka qabta maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ahaa Shata Gaduud,
waxaana lagu soo doortay Koon-Umbuud, oo ay leedahay beesha Yantaar.
Arrintaas waxay caddeyneysaa doorka weyn ee beesha Yantaar ku lahayd dhismaha iyo aasaaska maamulka Koonfur Galbeed.
Waa xaqiiqo aan la dafiri karin, mana habboona in la illoobo ama la yareeyo.
Xasuusin Ku Socota Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta-Gareen
Waxaan mar kale xasuusinayaa in beesha Yantaar ay ahayd:
Kuwii badbaadiyey naftaada xilligii burburka,
Kuwii kuu furtay waddadii hoggaanka,
Kuwii garab istaagay markii aad nuglayd.
Maanta in la takooro ama la dulmiyo waa arrin ka hor imaaneysa taariikhdaas iyo walaaltinimada.
Gunaanad
Wixii maanta dhacaya, berri ayay saameyntoodu muuqan doontaa.
Xilka maanta lagu faanayo, berri qof kale ayaa la siin doonaa.
Sidaas darteed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada:
In la ilaaliyo taariikhda,
In la dhowro walaaltinimada,
In la dhiso caddaalad iyo sinaan.
Allaha nagu hanuuniyo jidka saxda ah.

25/01/2026

TO: His Excellency President Abdiaziz Hassan Mohamed (Lafta-Gareen)
Subject: Constitutionally grounded request regarding the situation in Qansaxdheere District
Your Excellency,
First and foremost, please accept our respectful greetings. In reference to the obligations set forth in the Constitution of the South West State and the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia—particularly the provisions that mandate the protection of citizens’ lives, dignity, and fundamental rights—we hereby submit this formal complaint and request based on constitutional and legal grounds.
Your Excellency, the country is currently experiencing severe drought, extreme heat, and harsh climatic conditions that pose a serious threat to both human life and livestock. Under the Constitution, the responsibility for disaster response, emergency relief, and the protection of citizens during such crises lies with the government leadership. As the highest executive authority of the South West State, this responsibility ultimately rests with your office.
Qansaxdheere District, one of the historic districts of the South West State, is presently facing a critical humanitarian emergency that requires immediate and lawful intervention. There is widespread water scarcity, food shortages, and a deteriorating health situation, disproportionately affecting children, women, the elderly, and pastoralist communities. Consequently, the residents of Qansaxdheere District are in urgent need of immediate, lawful, and government-led emergency assistance.
Furthermore, in accordance with the constitutional principles of accountability, equality before the law, and good governance, any district administration that fails to fulfill its legal and constitutional duties—particularly in responding to urgent public needs—must be subject to review and corrective legal action. In this regard, we respectfully and firmly request that a new, lawful district administration be established in Qansaxdheere, comparable to those operating in other districts of the South West State, so that the people of Qansaxdheere may receive equal access to governance, public services, and justice.
Accordingly, we respectfully request that Your Excellency:
Order the immediate delivery of humanitarian and emergency assistance to Qansaxdheere District;
Take appropriate legal measures to review, rectify, and replace the current district administration, and establish a new administration in compliance with the law;
Guarantee the protection of the fundamental rights of the residents of Qansaxdheere District and ensure that the district is governed and serviced on an equal footing with other districts of the South West State.
Your Excellency, this request is grounded in constitutional rights and civic duty. It is neither personal nor partisan in nature. We trust in your constitutional responsibility and leadership to take timely and lawful action that prioritizes justice, human dignity, and the welfare of the people of Qansaxdheere District.
Thank you for your attention and service.
Respectfully,
May God guide you toward justice, accountability, and the fulfillment of your constitutional mandate.

25/01/2026

Ku: Mudane Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)
Ujeeddo: Codsi sharci iyo dastuur ku saleysan oo ku saabsan xaaladda Degmada Qansaxdheere
Asc Mudane Madaxweyne,
Marka h**e, fadlan naga guddoon salaam xushmad iyo ixtiraam xambaarsan. Anagoo tixraacayna waajibaadka Dastuurka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada dhigaya in dowladdu mas’uul ka tahay ilaalinta nolosha, karaamada iyo badbaadada muwaadiniinta, waxaan si rasmi ah kuugu soo gudbineynaa cabasho iyo codsi ku saleysan xaq sharci.
Mudane Madaxweyne, xilligan waxaa dalka ka jira abaar, kulayl daran iyo xaalad cimilo oo khatar ku ah nolosha dadka iyo duunyada labadaba. Sida uu dhigayo dastuurka, mas’uuliyadda ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, gurmadka degdegga ah iyo badbaadinta shacabka waxay si toos ah u saaran tahay hoggaanka sare ee dowladda, adiga ayaana ah masuulka ugu sarreeya ee Koonfur Galbeed.
Degmada Qansaxdheere, oo ka mid ah degmooyinka fac weyn ee Koonfur Galbeed, waxay maanta ku jirtaa xaalad degdeg ah oo u baahan faragelin rasmi ah. Waxaa jira biyo la’aan baahsan, cunto yari iyo xaalad caafimaad oo sii xumaaneysa, taas oo si toos ah u saameyneysa carruurta, haweenka, waayeelka iyo xoolo-dhaqatada. Sidaas darteed, shacabka degmadaasi waxay si cad ugu jiraan xaalad u baahan gurmad degdeg ah oo sharci ah, kana yimid hay’adaha ay khusayso.
Mudane Madaxweyne, sidoo kale waxaan ku xusuusineynaa in sida uu dhigayo nidaamka maamul-daadejinta, maamul degmo oo fashilma ama ku guuldarreysta gudashada waajibaadkiisa sharci uu u baahan yahay dib-u-eegis, isla xisaabtan iyo tallaabo waafaqsan sharciga. Sidaas awgeed, codsigeennu wuxuu ku saleysan yahay in aad:
Amarto in gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah la gaarsiiyo Degmada Qansaxdheere;
Faragelin sharci ah ku sameyso maamulka degmada si loo hubiyo in mas’uuliyadaha dastuuriga ah la fulinayo;
Dammaanad qaaddo in xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka degmada la ilaaliyo, lana helo maamul u adeegaya danta guud.
Ugu dambeyn, Mudane Madaxweyne, codsigan waa mid ku saleysan xaq muwaadinimo, dastuur iyo sharciga dalka, mana aha mid siyaasadeed ama shakhsi ah. Waxaan ku kalsoonahay in aad ka jawaabi doonto waajibaadkaaga dastuuriga ah, adigoo mudnaan siinaya badbaadada iyo karaamada shacabka Degmada Qansaxdheere.
Mahadsanid,
Ilaahayna ha ku waafajiyo xaq, caddaalad iyo mas’uuliyad gudasho.

23/01/2026

Madaxweyne h**e Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii kudhaa Jubaland.

"Waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Alshabaab deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa. Dowladda Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha h**e ee dagaalka. Ayuu yiri Farmaajo

23/01/2026

Peaceful protests against the Qansaxdheere district administration have taken place several times before. Despite these demonstrations, no meaningful change has occurred in the district. What is deeply heartbreaking is that all civilian protesters who marched peacefully were rounded up and imprisoned. There is no government or official who has spoken out against these acts of repression, abduction, and collective punishment

Aden Hassan Mohed
21/12/2025

Aden Hassan Mohed

Organization
Hilac Youth Organization Development Agency (HYODA)
Short Description:
Hilac Youth Organization Development Agency is a humanitarian and youth-led organization committed to supporting vulnerable communities through water supply, emergency relief, and community development initiatives.
Suggested Motto / Slogan (optional):
“Empowering Youth, Supporting Communities”
“Humanity, Development, Hope”
“Together for a Better Future”
,

OrganizationHilac Youth Organization Development Agency (HYODA)Short Description:Hilac Youth Organization Development Ag...
21/12/2025

Organization
Hilac Youth Organization Development Agency (HYODA)
Short Description:
Hilac Youth Organization Development Agency is a humanitarian and youth-led organization committed to supporting vulnerable communities through water supply, emergency relief, and community development initiatives.
Suggested Motto / Slogan (optional):
“Empowering Youth, Supporting Communities”
“Humanity, Development, Hope”
“Together for a Better Future”
,

Address

Wadajir Street Baidoa
Baydhabo
002552

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qansaxdhere Civilians activist TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category