Dr Asad Kibaar

Dr Asad Kibaar Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Asad Kibaar, Digital creator, Borama.

Buugan waxa laga qoray dagaalkii ruushku uu ku qaaday jeejniya .qoraagu waa faransiisWuxuu saadalinayaa in reer galbeedk...
05/05/2026

Buugan waxa laga qoray dagaalkii ruushku uu ku qaaday jeejniya .qoraagu waa faransiis
Wuxuu saadalinayaa in reer galbeedku jab wayn uu ku dhici doono.
Waxaa lagu turjumay af carebi

John Carey wasiirkii arimaha dibadda ee xiligii Obama oo fashiliyay inkaar qabaha koofiyad yarta raaisal wasaaraha u ah ...
10/04/2026

John Carey wasiirkii arimaha dibadda ee xiligii Obama oo fashiliyay inkaar qabaha koofiyad yarta raaisal wasaaraha u ah ileen xiligii Bush xiligii Obama xiligii beydhan wuxuu markasta madaxdaa ka codsanayay in iiraan dagaal lagu qaado oo lagu xadgudbo intaba way diideen ninkan waalan ee meesha yimid baa ka yeelay
Dhibtu halkaa Bay ka timid.
Waa nin ganacsi ku jiray oon weligii xafiis fariisan Bay meesha keeneen dhibtaas waxaa usabab ah cidà dooratay
Ninkan dheer ee indhaha cadcad ee dadkoo dhan caayaya ee kelidii isla quman.

27/03/2026

Ha u ooyin sidii dumarka boqortooyo aad udifaacan weeyday
Sidii Ragga.
Waxaa tidhi hooyo Caaisha Al xorah
Waxay ku laheeyd inankeega Amiir cabdalla Asaqiir oo dayacay boqortooyadii aabayaashii uu ka dhaxlay ee xukumeysay Granaado oo ka tirsaneyd dhulka Al Andulus ee muslimiinta ay deganaayeen xiligaa.
Boqor cabdalla wuxuu Dan biday inuu isku dhiibo boqoradda kiristanka ee Andulus xooga ku xukumayay.
Ninka Ragga ihi haduu diintiisa iyo akhlaaqda islaamiga uu ka tago cadowgiisa ayuu ujabi doonaa waxaanu ku dambeeyn doonaa inuu ooyo xili aanay oohini wax uqaban doonin.
Aynu aqrisano taariikhihii h**e ee muslimiinta.

Taariikh murugo badanBoqorkii Muslimiinta ee Granada (dhulka Andalus), Amiir Cabdalla As-Saqiir ayaa is-dhiibay, furayaa...
27/03/2026

Taariikh murugo badan

Boqorkii Muslimiinta ee Granada (dhulka Andalus), Amiir Cabdalla As-Saqiir ayaa is-dhiibay, furayaashii qasrigiisa quruxda badnaana ku wareejiyay boqorkii Kiristaanka ee xilligaas, Fernando II iyo boqoraddiisii Isabella I.

Boqor Cabdalla Maxamed, kii 12-aad ee boqortooyadii Nasriyiinta oo loo yaqaanay Malik Cabdalla As-Saqiir ayaa ciidamadiisa lagu jebiyay dagaalkii Lucena sannadkii 1483-dii miilaadiga.

Kadib wuxuu heshiis is-dhiibid ah la galay boqorkii Kiristaanka, Fernando II. Heshiiskaas ayaana ugu dambeyntii lagaga qabsaday magaalada Granada, kadibna lagala wareegay qasrigiisii quruxda badnaa.

Wuxuu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee boqortooyadii Nuseyriyiinta, arrintaas oo dhacday sannadkii 1492, isagoo ooyaya oo faras fuushan ayuu magaalada ka baxay.

Hooyadii, oo la oran jiray Caa’isha Al-Xorra, oo aad u caqli badneyd, ayaa canaanatay markii uu ooyay. Waxay ku tiri kelmad ay qoreen kutubta taariikhda, oo ahayd:

“U ooy sidii dumarka boqortooyo aad u ilaalin weyday sidii ragga.” Waa kelmad taariikhda gashay.

Alla maxaa rag madax ahaa oo la qiyaaneeyay ay ciil u dhinteen. Aynu akhrino taariikhda oo wax badan aynu ka baranno.

27/03/2026

Address

Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Asad Kibaar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share