23/08/2026
WAR DEGDEG AH | DAGAAL KA SOCDA DEEGAANKA OSOLI
Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Osoli ee galbeedka Somaliland, gobolka Awdal, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan dhinacyada dagaallamaya iyo khasaaraha ka dhashay. Ilaa hadda ma jiraan xog rasmi ah oo dhammaystiran oo xaqiijinaysa tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Aragti Media waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxaana idiin soo gudbin doonaa wixii warar cusub iyo xog la xaqiijiyey ah ee kasoo kordha.
Ilaahay nabad ha ku soo dabaalo shacabka iyo guud ahaan deegaannada galbeedka Somaliland.
Aragti Media