Xeebta NEWs

Xeebta NEWs Saylac garbo-dadar lughaya geerisa boon etc…

19/05/2023
Deg Deg__Hal Qof Oo Beeralay Ah Oo Lagu Magacaabo Axmad Cismaan Jaamac Ayaa Ku Dhaawacmay Shaqaaqo Kadhacday Dooxa Qabri...
05/11/2022

Deg Deg__Hal Qof Oo Beeralay Ah Oo Lagu Magacaabo Axmad Cismaan Jaamac Ayaa Ku Dhaawacmay Shaqaaqo Kadhacday Dooxa Qabri Baxar Gaar Ahaan Mashruuca Beeraha Balley Ee Ka Tirsan Degmada Lughaya Ee Gobolka Awdal.
Shaqaalaha Xarunta Caafimadka Degmada Garbo Dadar Oo Hada Lasoo Gaadhsiiyay Qofkaasi Dhawacmay Oo Kamid Ahaa Dadka Beeralayda Ah Ee Qota Mashruuca Beeraha Ee Balley Ayaa Noo Xaqiiyay In Xabadu Kaga Dhacday Labada Miskood Oo Ay Dhex Fadhido Waxana Ay Intaasi Ku Dareen In Ayna Waxba U Qaban Karin Waxana Dhawacas Loo Sii Gudbiyay Boorama.

Isku Soo Wada Duuboo Shaqaaqadan Oo Ka Dhalatay Biyaha Dooxa Qabri Baxar Ee Ay Beeruhu Ku Cabaan Ayaa Waxa Dhawacay Qofkaasi Askari Katirsan Qayb Kamid Ah Ciidamada Minateryga Ee Taliska Geerisa Oo Ku Sugan Deegaankaasi Balse Wax Faahfaahin Ah Lagma Hayo Ilaa Iyo Hada Sababta Ciidankaasi U Xabadeeyeen Shacabka Beero Falatada Ah Ee Ku Nool Deegaankaasi.

Wariye Mustafe Garbo

Dowlada canada 🇨🇦 ayaa sheegty inay sanadkasta qaadan doonto boqolaal kunoo qaxootiya oo xirfadlayaal ah ilaa 2025ka
02/11/2022

Dowlada canada 🇨🇦 ayaa sheegty inay sanadkasta qaadan doonto boqolaal kunoo qaxootiya oo xirfadlayaal ah ilaa 2025ka

Sudaan Cismaan Ducaale Oo Hadhimo Sharafeed ku Maamuusay Suldaan Samatar Iyo madaxda Jabuuti Qaarkood.(Sawiro)Suldaanka ...
01/11/2022

Sudaan Cismaan Ducaale Oo Hadhimo Sharafeed ku Maamuusay Suldaan Samatar Iyo madaxda Jabuuti Qaarkood.(Sawiro)

Suldaanka Beesha Abrayn suldaan Cisman Duale Dirir ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay Suldaanka guud ee beelaha Maxad-case Suldaan Samatar Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.

Martiqaadkan ayaa maanta ka qabsoomay Golden Hotel ee dalka Jabuuti, waxaana Suldaan Cisman Duale Dirir oo martiqaadka lahaa kala soo qayb-galay Suldaan Xaamud, Taliyaha Booliska Jamahuuriyada Djibouti mud. Abdirahman Ali Kaahin Madaxa ilaalda xeebaha Djibouti mudane Wacays Cumar Boqoreha, Wasiir Beeraha Kaluumaysiga Jabuuti Mud. Mahamed Cumar Awale Safiir h**e Shay, Agaasimaha maamulka Hawada Jibouti Maxamed Faarax, iyo Ganacsade Hashim Abdi.

Suldaan Cismaan Ducaale iyo Madaxda ciidamada Jabuuti iyo Wasiir Maxamed Cawaale oo hadalka iska-daba qaatay ayaa suldaanka da'da-yar Suldaan Samatar la dardaarmay, islamarkaana Alle uga baryay inuu xilkaa loo cimaamaday ku asturo.

Suldaan Samatar Suldaan Ibraahin ayaa ugu denbaytii ka mahad-celiyay dhawaynta balaaran ee uu kala kulmay madaxda Jabuuti iyo marti-qaadka maanta loo fidiyay, waxuuna halkaasi ka jeediyay hadalo u badan duco.

Sidoo kale Suldaan Samatar Suldaan Ibraahin ayaa intaasi kadin kulan la qaaday Xildhibaanada beelaha Maxad-case ku matasha Baarlamaanka Jabuuti Xildhinaan Shukri Ali, iyadoo sheegtay in ay suldaanka kala hadashay midnimada beesha iyo sidii jidka horumarka loogu jeexi lahaa mustaqbalka dhalinyarada iyo deegaanada beelahaasi degaan.

Xigasho

Bilibili Media

01/11/2022

Waxaad naga heli doonta
Warar sugan oo ku saabsan
Xeebaha somaliland
Iyada oon iskudayi doono
Inaan daboolno baahida looqabo
Saxaafada xeebaha
Welcome every time

Address

Boorama
Borama
MAHDI1$1

Telephone

+252636957527

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xeebta NEWs posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xeebta NEWs:

Share