AM TV

AM TV AM TV waa warbaahin casri ah oo bixisa warar, barnaamijyo wacyigelin, madadaalo iyo muuqaallo tayo sare leh.

Ujeedadayadu waa inaan bulshada gaadhsiino xog sugan, wacyigelin iyo barnaamijyo xiiso leh oo waxtar u leh bulshada.

Dhinacyada Iran iyo Maraykanka ayaa dedaal ugu jira in raq iyo ruux mid uun lagu soo helo duuliyaha wadey diyaarad maali...
04/04/2026

Dhinacyada Iran iyo Maraykanka ayaa dedaal ugu jira in raq iyo ruux mid uun lagu soo helo duuliyaha wadey diyaarad maalintii shalay Iran ku soo riday gudaha dalkaas kaas oo aan ilaa hadda laga haynin wax xog ah oo sugan.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa wada hawl gal ay ku gaala bixinayaan hawada Iran, halka Tehran dadkeeda u dirtay buuraha la tuhunsan yahay in duuliyahani uu ku dhuumanayo duuliyahan oo haddii Iran gacanta ku dhigto noqon doonta fadeexad ay la kulmayso xukuumadda Washington.

Donald Trump oo wax laga waydiiyey masiirka duuliyahan la baadi goobayo ayaa sheegay in ay go'aad adag qaadan doonaan haddii Iran gacanta ku dhigto duuliyahan oo ilaa hadda la raadinayo.

AM TV

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo xooggan laga maqlay aagga warshadaha kiimikada ee Mahshahr, oo ku taalla gob...
04/04/2026

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo xooggan laga maqlay aagga warshadaha kiimikada ee Mahshahr, oo ku taalla gobolka Khuzestan ee koonfurta dalka.

Wakaaladda Fars ayaa warisay in qiiq madow laga arkay xarunta, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin halka saxda ah ee la beegsaday iyo baaxadda khasaaraha ka dhashay.

Wararkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan duqeymaha iyo xiisadda ka jirta gudaha Iiraan, taasoo sare u qaadaysa walaaca ku saabsan amniga kaabeyaasha tamarta ee dalka.

AM TV

Madaxweynaha Woqooyi-bari ayaa si weyn u soo dhoweeyey wax-ka-beddelka Dastuurka JFS, isaga oo sheegey in ay qabanayaan ...
04/04/2026

Madaxweynaha Woqooyi-bari ayaa si weyn u soo dhoweeyey wax-ka-beddelka Dastuurka JFS, isaga oo sheegey in ay qabanayaan doorasho qof & cod ah.

“Waxaan soo dhoweynaynaa Dastuurka wax laga beddelay, waxaana si dhab ah uga shaqaynaynaa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.” — Firdhiye.

AM TV

Dawlada Imaaradka Carabta oo ka hadlaysay deeq ay soo gaadhsiyeen Somaliland ayaa si toos u isticmaashay qoraal rasmi ah...
04/04/2026

Dawlada Imaaradka Carabta oo ka hadlaysay deeq ay soo gaadhsiyeen Somaliland ayaa si toos u isticmaashay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay magaca Republic of Somaliland, (Jamhuuriyada Somaliland), Imaaradka ayaa ka mid ah dalalka Somaliland saxiibka dhow la ah, Iskaashiguna ka dhaxeeyo.

AM TV

Baraha bulshada waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku faafay muuqaalka Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo amraya masuul...
31/03/2026

Baraha bulshada waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku faafay muuqaalka Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo amraya masuuliyiin dowladiisa ka mid ah iney istaagaan, kadib markii ay ku luloodeen khudbad uu u jeedinayay.

Madaxweyne Kagame oo khudbad ka jeedinayay akadamiyada milatariga dalkaasi ee Gako, ayaa hal mar joojiyay khudbadiisii isagoo amray madaxdii goobta fadhidey iney dhamaantood istaagaan, wuxuuna ku canaantay in qaar ka mid ah ay iska gam'een isagoo khudbad muhiim ah u jeedinaya.

Dhacdadan oo dhacday maalmo ka hor, ayaa si weyn ugu faaftay baraha bulshada isla markaana dhalisay hadal hayn weyn.

AM TV

Dowlada Iiraan ayaa deldeshay laba qof oo lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen hawlo ka dhacay gudaha Magaalada Tehran oo ...
31/03/2026

Dowlada Iiraan ayaa deldeshay laba qof oo lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen hawlo ka dhacay gudaha Magaalada Tehran oo ay la lahaayeen Urur Mucaarad ah oo dalkaasi laga mamnuucay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee ISNA.

Kooxdan kiiskooda loo diley labada nin ayaa ahayd koox awood badan oo fulisay ololeyaal duqayn ah oo ka dhan ahaa dowladii shah iyo bartilmaameedyadii Mareykanka sannadihii 1970-meeyadii, sidoo kale waxay ahayd kooxdii u horeysay ee si cad u shaacisa sannadkii 2002 in Iiraan ay leedahay barnaamij qarsoodi ah oo lagu kobciyo uranium-ka.

AM TV

"Jeebkaygan ka bixiyay oo hantitaydan ku dhisay Xafiiskan xidhiidhka kubada cagta markii aan la wareegay Sharaxaadiisa i...
31/03/2026

"Jeebkaygan ka bixiyay oo hantitaydan ku dhisay Xafiiskan xidhiidhka kubada cagta markii aan la wareegay Sharaxaadiisa iyo qalabayntiisaba, Dawladayda ayaan ku darsaday Shaambad xita ugumaan iman." Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Somaliland.

"Qiro oo ka laabo". Lafta Gareen wuxuu waqtigaan ku sugan Madaxtooyada, Ciidanka dowladduna waxey joogaan irida Madaxtoo...
30/03/2026

"Qiro oo ka laabo".

Lafta Gareen wuxuu waqtigaan ku sugan Madaxtooyada, Ciidanka dowladduna waxey joogaan irida Madaxtooyada.

Amar kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu joojiyay in ciidanka aysan gudaha u galin Madaxtooyada ilaa amar dambe.

Warar aan si hoose u helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu amray in Lafta Gareen uu hadlo kedibna uu qirto inuu ka laabtay Doorashadii caana shubka ee uu qabsaday.

Wixii soo kordha halkaan isha kuhaay.

AM TV

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa ku sugan xaalad adag ka dib markii ciidmaada Soomaliya ay kala wareegen gacan ku haynt...
30/03/2026

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa ku sugan xaalad adag ka dib markii ciidmaada Soomaliya ay kala wareegen gacan ku haynta magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa qarka u saaran inuu Baydhabo diyaarad kaga baxsado iyo inuu isu dhiibo Ciidamada Soomaliya.

Laftgareen ayaa maalmo ka hor ku qabsaday Doorashooyin isa saaran hal maalin oo kaliya kuwaas oo kala ahaa doorashada Madaxweynaha, doorashada Xildhibaanada barlamaanka iyo shirgudoonka golahaba.

AM TV

Wasaaradda qoyska ee dalka Turkiga ayaa kor u qaaday xaddiga lacagta ee dawladda dalkaasi amaahiso dhallinyarada guur do...
29/03/2026

Wasaaradda qoyska ee dalka Turkiga ayaa kor u qaaday xaddiga lacagta ee dawladda dalkaasi amaahiso dhallinyarada guur doonka ah.

Lacagta la amaahinayo ayaa laga dhigay Qadar dhan 5552 oo Dollar ama 250 kun oo lacagta Liirada ee dalkaas ah. Lagamana rabo in ay ku soo daraan wax dulsaar ah ama faa'iido ah marka ay soo celinayaan iyaga oo iska soo celin doona muddo laba sano ah.

Dhallinyarada guurdoonka ah ee lacagtan la amaahinayo waa in ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 29 sano taas oo macne ahaan noqonaysa in 30 jir wixii ka weyn ee Iskaabulo ah aan hawshan loo ogolaan doonin.

Ma jeclaan lahayd in dalkaaga laga bilaabo barmaamijkan oo kale?

AM TV

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta xeer madaxweyne ku aasaasay Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Cii...
29/03/2026

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta xeer madaxweyne ku aasaasay Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Ciidammada Qaranka.

Madaxweyne Cirro ayaa sanduuq gaar ah u sameeyay xaqsiinta ciidamada hawlgabay iyo kuwa naafoobay.
H**e ciidamada Somaliland ma jirin qaab loo maamulo ciidamada gaadhay da’da hawlgalbka iyo xaqsiintooda.

AM TV

Maxkamad ku taalla dalka Shiinaha ay xukun dil ah ku riday Tan Ruisong oo ahaa maamuulihii shirkadda diyaaradaha Mileter...
29/03/2026

Maxkamad ku taalla dalka Shiinaha ay xukun dil ah ku riday Tan Ruisong oo ahaa maamuulihii shirkadda diyaaradaha Mileteriga ee dalka Shiinaha kaas oo lagu helay in uu musuq maasuqay 100 Milyan oo Dollar.

Xukunka ninkan lagu riday ayaa qayb ka ah dagaal adag oo Shiinuhu uu la galay dadka xatooyada ku sameeya xoolaha dadweynaha sida kuwa lacagaha lunsada, kuwa guryaha ka dhista hantida dadka ka dhaxaysa iyo kuwa si kale u adeegsada cashuurta dadweynaha laga soo ururiyey.

AM TV

Address

Xalane
Borama
2522

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AM TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category