30/09/2022
"Naftu wayska oydaa
Marka aamuskeedii
Cunto loogu iibshoo,
Waxay eersi badataa
Markay iimo badatoo,
Fadhigaa arradiyoo
Baryadaa awaadhee,
Haddaan aano loo hayn
Anafada masayrka ah
Cidi kuma irdheysoo,
Kol hadday asturan tahay
Cidi k**a adkaatee,
Halka aayaheediyo
Awaydeedu yaalliin,
Alamtara fogaatiyo
Abataqan ha kaga dhigin.
Alkun laga warqaatiyo
Murti lagu ul goostiyo
Waa adduun sarbeebo ah,
Waa abuur wacdaro badan
Waa astaanta hirashada
Waa abbaarta xilashada
Waa ilayska barashada
Waa aqoonta gudashada
Waa ammaan-ku-sugashada
Waa Ilaah-ku-garashada
Nafta lagaga eed baxo.
Asli weeye raarridan
Waana amarro-weyn tahay,
Orgobaynta hororkiyo
Gudmo lagu ugaadhsado
Adyad looma soo rogin.
Idan bay ku joogtaa,
Duluc iyo ujeeddiyo
Ahab bay ku tahay duni,
Eray bay ku timi qudha,
Misna lama astayn karo
Erayadu ma koobaan
Allaheeda mooyee
Af tirshaana maba jiro.
Sirta unugyadeediyo
Alifkiyo Ya'deedaa
Hadba sii ekaadoo
Dadbanaa aloolkiyo
Abjedkeeda dahan baa
Marba adag gashanayoo
Ibaheeda sudan baa
Marba aasan dhalayoo
Waxa aadmi garan karo
Ibir madhan ka dhigayoo
Indha-daalis weeyaan.
Taxanaha arooriyo
Udbaheeda saantaa
Wax aqooni hubisiyo
Waxay eegmo baratiyo
Ino way ka badan tahay.
Nin ku ayni dhaafiyo
Qof ayaamo milicsaday
Oommanuu ka joogaa.
Orod laguma jiidhee
Axadhkay ku tahay samo.
Ifafaale mooyee
Kol haddaan oddorosyada
Berri alabbadeediyo
Runta lama awaalka ah
Sina lagu ogaan karin.
Wax aqoolka taladiyo
Fulintiyo awoodaha
Ta ahaata weligeed
Cidi oollin karin taas.
Way ka ood shishaysaa
Ardaygeeda waagiyo
Nin aroorta sugayoo,
Nin aflaxay tin k**a jarin
Nin irmaanta qaadiyo
Axad jiraba waa been
Afartiisa weedhood.
Isa siinta taadiyo
Anigiyo anaa huba
Runtu kuma idlaatoo,
Ikhtiyaarka gaarka ah
Cidi kuma ahaatoo,
Qof iskii is mahadshaa
Maba jiro adduunkee,
Asalkeeda garashada
Ha ka dhigin ogaalkaa." — AFKUSIRAN | 1997.