15/10/2023
Wiilka ama gabadha dhalinyarada ah ee ka Kafaraya qoraal uu Facebook soo dhigay yaa ka faalooday, faalo uu qoraal qof kale ka bixi yaa kasoo jawaabay ama qosol kuu saaray. Sawirkii shalay aad soodhigtay imisa love saartay ama makuu kala kacay. Waqtiga intaas kasoo hartayna kulminaya TikTok. Markii uu Meherada ama Meel lagu qaxwaynayo yimaadana hebel waa siyaasi fiican iyo reer hebel weeye ninkaasu kasheekaynaya hadana aaminsan dadka inta kale inay khaldan yihiin isna isu haysta aqoonyahan iyo qof muhiim u ah bulshada.
Dhalinyarada maanta ee Soomaaliyeed waa dad la qabatimay baraha bulshada (social media adductors) wayna ku adag tahay saacad ama labo inay moogaadaan facebook, whatsapp ama TikTok waana sababta aqoonteena, ikhtiraaceena, fahamkeena dunida iyo wax soo saarkeena hoos u dhigtay.
Jiilkii naga horeeyay waxay ahaayeen dad aan haysan aaladaha maanta dunida wareeriyay ee aan waqtigeenii, awoodeenii iyo maskaxdeenii kuluminay. Waana sababta keentay inay inoo reebaan Kayd aqooneed oo isugu jira riwaayado, gabayo, taariikh, heeso xigmadaysan iyo waanooyin nololeed.
Maanta dunida waxaa kajira tartan aqooneed, Mid tiknoolajiyadeed, Mid afkaareed iyo Mid siyaasadeed intaas midna qayb k**a nihin anagu hadaan Soomaali nahay. Wiilkii ama gabartii ka baxday Jaamacada ama dugsiga sare waa kan waa qab qable reereed, waa kan waa facebook ka qayliye, waa kan waa tiktoker, waa kan reer hebel iyo reer hebel ku haya waakanoo maalintuu shahaadada qaatay ayaa ugu danbaysay inuu waxbaaro, wax akhriyo, wax qoro ama daraasad yar sameeyo.
Dalkaan marka laga soo tago siyaasi muufaysta ah, dhiigyacab ah ama xoolaha ummada ka noolaaday waxaa meesha k**aqan dhalinyaro ka kori karta afkaarta reernimada, tuulanimada ama gobolnimada oo dunida Waxa ka socda qayb ka noqon karta. Waxaan u baahanay in jaamacada, iskuulada iyo kuleejyada dadka maskaxdooda lagu kariyo garaadkooda lagu dhiso oo aqoonta la tayeeyo.
Macalimiinteena waxaa k**aqan inay ardayda in ardaygu garaadsan karo laakiin ardayda waxaa wax loo baraa imtixaanka ha dhaafo maadadaadu yaysan noqon tii lagu dhaco si aan shaqada lagaaga cayrin.
Bishaar Farax