12/11/2025
DHALINYARNIMADAADA HAKU CAYAARIN !!
Hadii aad ku jirta da,da 20 ilaa 30ka u dhaxaysa , waxaad haysataa fursadii ugu muhiimsanayd noloshaada. Dad badan way luminayaan xata ma oga inay luminayaan ,waxay leeyihiin wakhti ayaan haysanaa wali , waxay u malaynayaan in guusha iyo horumarku ay si sixir dhabtooda ugu soo dhacayso oo ay soo toosayaan iyagoo ay u kala kacsan tahay .
Laakiin sidaad moodeen dhalinyarow maahan, caadooyinkaaga iyo dhaqamada aad maanta dhisto ayaa mustaqbalkaaga go,aaminaya . Ama way dhisi doonaan oo horumar ayay kuu horseedi doonaan ama way burburin doonaan oo daal iyo rafaad ayay lixdan jirkaaga kugu qasbi doonaan.
Da,dani waa :-
Wakhti aad shaqsiyad cusub aad horumarin lahayd
Qiimo isku yeeli lahayd
Xirfad cusub dhisan lahayd
Qaab fakarkaaga aad qaaban lahayd .
Waa xiliga aas -aaska noloshaada , waa xiliya aad xidhiidh maskaxdaada la yeelan lahayd. Hadii aad si caqliyaysan uga faaidaysato da,dan 50 -60jirkaaga wakhtiga ayaa ku abaal marin doona , hadaad ku cayaartana mustaqbalkaagu waa daal iyo qoomamo.
wakhtigiina ka faaidaysta