
02/09/2024
AL-WALIID IBNUL MUGHIIRA (Lacanahul-Laah)
Al-Waliid ibnul Mughiira Al-Makhzuumi (95 Hijrada kahor - 1 Hijrada) waxa uu ahaa hoggaamiyaha reer Banii Makhzuum, ahaana ninka Quraysh oo dhan ugu hanti badan. Waxa lagu naanaysi jiray “Waxiidu Quraysh = Keligiis Taajir”, maxaa yeelay Kacbada sanad keligiis baa marashayn jiray sanadna Quraysh inteeda kale.
Qurayshi markii ay damacday inay Kacbada dayactirto, keligiis buu afarteeda koone mid kamid ah dayactiray, Qurayshina saddexdii koone ee kale ayay isugu tagtay.
Xilliga Xajka, afartan maalmood buu maalin walba 10 halaad oo geel ah xujayda u qali jiray. Waxaa la yiri qaafiladiisa safarka ahe badeecadu ku raran tahay oo boqolaal rati ka koobnayd, kolka ay Makka soo gasho, hal irid k**a aanay geli jirin, hase yeeshee irdaha oo dhan bay isu qaybin jirtay, si hal waqti rarka looga wada dejiyo.
Al-Waliid ibnul Mughiira waxa uu ahaa qofkii Quraysh ugu horreeyay ee khamri xaaraan ka dhigay.
Markii Nabi Muxammad “SCW” la soo diray Al-Waliid waa uu diiday in uu islaamo. Waxa uu u qaadan waayay in isagoo odaygii Quraysh ah diinta lagu soo dejin waayay. Waxa uu yiri: “Ma Muxammad baa lagu soo dejinayaa aniga oo odayga Quraysh ah iyo Abuu-Mascuud Camr ibnu Cumayr Al-Thaqafi oo odayga Thawiif ahna waa la inaga tegayaa, annagoo ah odayaasha labada magaalo?”
Waxa markaas ku soo degtay Aayadda:
“Waxay dheheen Qur’aankaan maxaa nin labada magaalo kamid ahoo weyn loogu soo dejin waayay” (Suuratul Zukhruf: 31).
Al-Waliid ibnul Mughiira ayaa maalin Kacbada ugu soo galay Nabiga oo aqrinayaa: “Xaamiim (1) Waa Qur’aan laga soo dejiyay xagga Allaha abuurkiisa ka deeqtoon wax walbana og (2) Waa Alle dembiga dhaafa, tawbada aqbala, ciqaabtiisu daran tahay, wax ka fakanayaa aanay jirin, isaga mooyee Alle kale aanu jirin, isaga xaggiisana loo noqonayo (3)” (Suuratu Ghaafir: 1-3).
Nabigu “SCW” markii uu arkay in Al-Waliid uu dhegeysanayo, ayuu aqrintii ku celiyay. Markaas, Al-Waliid inta uu baxay buu fadhigii tolkiis tegay, kuna yiri: “Ilaah baan ku dhaartaye waxan goor dhowayd Muxammad kasoo maqlay hadal aan Insi hadalkiis iyo Jinni hadalkiis midna ahayn, waana hadal kor iyo hoos iyo dhinac kastood ka eegtid macaan badan, isaga ayaana sarraynaya ee lagama sarraynayo”.
Duqaydii waxay dheheen: “Abal-Waliidow, miyaad leexatay, maxaa kugu dhacay? War ninka haddaynaan meel iska saarin, dadka oo dhan waa uu leexsan doonaa. Aan dacaayad ka faafinno”.
Al-Waliid waxa uu duqaydii ku yiri: “Hal talo isku raaca hana is khilaafina si aanu qarkiin qaarka kale u beenin, warkiinnuna isu burrin”.
Waxay dheheen “Adigu talo keen”.
Waxa uu yiri: "Mayee adinku wax sheega waan idin dhegaysanayaaye".
Waxay dheheen: "Aan dhahno waa Waxsheeg".
Waliid wuxuu yiri: "Maya, Ilaah baan ku dhaartaye ma aha Waxsheeg, waanan aragnay kuwa waxsheegta iyo warkooda".
Waxay dheheen: “Haddaba aan dhahno wuu waalan yahay".
Waxa uu yiri: "Ma waalna, waanan naqaan waallida iyo waswaaskeeda iyo isku dhex yaaceeda".
Waxay dheheen: “Aan dhahno waa sixirroole".
Waxa uu yiri: "Ma aha sixirroole, waanan naqaan sixirrooleyaasha iyo qaabkay wax u sixraan".
Waxay dheheen: “Haddaba aan dhahno waa gabyaa".
Waxa uu yiri: "Ma aha gabyaa, waanan naqaan gabayga qaybihiisa kala duwan".
Waxay dheheen: "Maxaynu haddaba dhahnaa?".
Waxa uu yiri: "Warkiisu dhan kastood ka eegtaba waa macaan yahay, wax kastood tiraahdaanna waa la fahmayaa in aanay waxba ka jirin, ee bal muddo i siiya aan kaga soo fekero”.
Muddadii kaddib ayuu soo laabtay waxana uu yiri: "Sixirroole ayaa ugu dhow", taas baana markaas la go'aansaday oo la isku raacay.
Ninkaas fekerkiisaas, go’aankiisaas, gaalnimadiisaas iyo in Naarta Saqara ah la gelin doono, waxaa ka hadashay Suuratdda Al-Muddathir, laga billaabo Aayadda 11aad ilaa Aayadda 30aad.
Alle waxa uu yiri: (Isu kaaya daa “Nabiyoow aniga iyo” mid aan keligiis abuuray “Uurka hooyadiis ku abuuray ama Waxiidu Quraysh ahaa oo dad, duunyo iyo sharaf Quraysh ugu badnaa”. Maal fara badanna aan siiyay. Iyo wiilal goobaha ka tilmaaman. Una fidiyay “da’, maal iyo madaxnimo” fidin. Kaddibna doonaya in aan u kordhiyo. Maya “wax dambe ugu dari maayo, maxaa yeelay” Aayaadkeennii buu ku dhega aydaygay. Sacuud “Buur Naarta ku dhex taal” baan ku daalin doonaa. Wuu fekeray “Nabiga iyo Qur’aanka wixii uu ku duri lahaa buu ku fekeray” waanu jaangooyay “Hadalka”. Ha la dilee sidee buu wax u qiyaasay. Haddana ha la dilee sidee buu wax u qiyaasay. Dabadeedna waa uu fiiriyay “Qur’aanka wixii uu ku duri lahaa”. Dabadeedna Wejiguu kaduudiyay waanu foorarsaday “waa is murjiyay”. Dabadeedna waa uu jeestay “Xaqii buu ka jeestay” waanu is kibriyay. Waxa uu yiri kani sixir lasoo uruuriyay “dadyoowgii h**e laga soo uruuriyay” mooyee wax kale ma aha. Dad hadalkiis mooyee wax kale ma aha. Waxaan gelin doonaa (Naarta) Saqara “Naar Naaraha kamid ah”. Maxaad ka ogtahay Saqara. Waxba ma hambayso waxna k**a tagto. Dadka ayay u muuqataa “meel dheer bay dadka uga muuqanaysaa. Macna kale: Jirka dadka ayay diirataa”. Waxaana “Saqara” dul jooga sagaal iyo toban “Malag”) (Suuratul Mudathir: 11-30).
Al-Waliid ibnul Mughiira hanqawga (qoobka ama gomodda) waxa uga yaallay dhaawac fudud oo sanado kahor ku dhacay oo biskooday. Malakul Jibriil baa halkii uu dhaawacu ka boskooday tilmaamay, markaas buu ku soo laba kacleeyay, isaguuna u dhintay.
Dhaawacaasi waxa uu kula dhacay: Isagoo hoos-gunti uu lugaha ka hoos ku geystay jiidaya ayuu soo maray nin reer Khuzaaca ah oo gammuunno (fallaaro) samaynaya. Gammuunnadii mid kamid ah baa maradii uu jiidayay inta uu qabsaday, markii uu dhaqaaq is lahaa qoobka ka hoos ka xagtay, xagasho yar oon micno sidaas ah lahaynna gaarsiiyay. Al-Waliid ninkii inta uu ku booday, buu dilay.
Al-Waliid ibnul Mughiira waxa uu ku dhintay da’da shan iyo sagaashan jirka, hijradii Nabiga “SCW” saddex bilood keddib, waxana lagu aasay duleedka Makka, halka la yiraahdo Xajuun, oo hadda ay ku yaallaan qabuuraha Al-Mucallah.
Al-Waliid carruurtii uu ka tegay waxa ka islaamay Al-Waliid ibnul Waliid, Hishaam ibnul Waliid, Khaalid ibnul Waliid iyo Camaara ibnul Waliid oo isagu in uu islaamay iyo in kale muran uu ka jiro.
———————————————————————
Fiiro gaar ah:
Sababta aan gaalkaan uga sheekaynayaa waxa weeye in aan hordhac uga dhigo qiso dhawr qaybood ka kooban oon kaga sheekayn doono, haddii Alle idmo, wiil uu dhalay, waa Khaalid ibnul Waliid (Seeftii Alle ee galka ka baxsanayd).
Sabriye Musse
[email protected]