CSG-Somali Tv

CSG-Somali Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from CSG-Somali Tv, Borama.

Ku soo Dhawaw Bogga Rasmigga ah Ee, CSG SOMALI TV,Kala soco Warar,Warbixino,Barnaamijyo, iyo Waxyaabo ku xiiso galiya, nagu soo biir oo Follow iyo Like dhe, Mahadsanid ๐Ÿ“ฝโœŒ.

03/02/2026

Ganacsade Maxamuud Guud Cade Hogaamiyaha umadu Mahadisay See More...

๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐—๐š๐š๐ฅ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š โ€œ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐€๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐š๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐Š๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐‰๐š๐ซ ๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒโ€.Si kasta oo uu caasimadaha dunida u gaaf-wa...
01/02/2026

๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐—๐š๐š๐ฅ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š โ€œ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐€๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐š๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐Š๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐‰๐š๐ซ ๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒโ€.

Si kasta oo uu caasimadaha dunida u gaaf-wareegay, u abaabulay mudaharaadyo iyo banaanbaxyo, una adeegsaday ๐œ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐š๐ฆ๐ฆ๐จ, ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ข๐ฃ๐จ, ๐š๐›๐ฐ๐š๐š๐ง๐ง๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ilaa qaarkood ay aflagaado ku heeseen iyada oo ujeedaddiisu ay tahay in uu Somaliland la dagaallamo.

Xaqiiqada dhabta ah ee hortaallaa waa xaaladda maanta ka taagan Muqdisho ee uu dhex dabaalanayo, shacabkiisuna la daallaa dhacayaan:
โ€ข ๐€๐ซ๐š๐ ๐ญ๐ข ๐ฅ๐šโ€™๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฃ๐š๐ก๐š๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐ก๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ž๐ž๐.
โ€ข ๐Œ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข.
โ€ข ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐ซ๐ข-๐ฐ๐š๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐ฎ๐ฎ๐ช ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐.
โ€ข ๐ˆ๐ฌ-๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ ๐ฅ๐šโ€™๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐ข-๐๐š๐ซ๐ซ๐จ.
โ€ข ๐Š๐š๐ฅ๐š-๐๐š๐š๐๐ฌ๐š๐ง๐š๐š๐ง ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ฆ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ก๐จ๐ซ ๐ข๐ฆ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š.
โ€ข ๐๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š (eeg war-saxafadeed UE ee caawa soo baxay).

Xasanow, intaad Somaliland oo beri h**e tashatay daba ordaysid, xal u hel oo furdaami dhibaatooyinka iyo mushkiladaha siyaasadeed ee aad abuurtay, iimaansona dalkaaga iyo dadkaaga.

๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š-๐ง๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ: ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ฎ ๐ข๐๐ข๐ง๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐ช๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ง โ€œ๐ฆ๐ข๐๐ง๐ข๐ฆ๐จโ€ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ญ๐ž๐ ๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐ ๐š๐š๐๐ก๐š ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ข๐ซ๐ข๐ง ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐๐ก๐š๐ฒ.
Ex wasiir abdiweli suufi

Wasiirka wasaarada waxbarashada  iyo barbaarinta Soomalailand ayaa maanta dib u soo magacaabay gudoomiyaha wasaarada wax...
29/01/2026

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta Soomalailand ayaa maanta dib u soo magacaabay gudoomiyaha wasaarada waxbarashada gobolka Awdal Xuseen Cateeye.

Qolada reer Muqdisho ee ciidanka Ugandese-ka ahi  (Chiristan) ay amnigooda sugayeen muddo 19 sano ah ayaa maanta inooga ...
26/01/2026

Qolada reer Muqdisho ee ciidanka Ugandese-ka ahi (Chiristan) ay amnigooda sugayeen muddo 19 sano ah ayaa maanta inooga sheekaynaya ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ซ๐š๐š๐ง ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐œ๐ข๐ ๐š๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ฅ๐ข๐ง ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ฅ๐š ๐ฆ๐ฎ๐œ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฅ๐จ๐จ๐๐จ.

Tolow Cali Wajiis oo leh ilaalo gaar ah yaa u bedeli ciidamada Ugandes-ka

Siyaasi Dr Abdiweli Suufi

25/01/2026

Xukumadu Waxay Gaabis katahay xaga wacyigalinta Oo wasiradii iyo dadkii magacownaa Bulshadii waxba uma sheegayaan madaxwaynuhuna.. ,,Waraysi Kulul Ex Wasiir Abdiweli Suufi

Qiso Cajiib oo .... Qore  Mouled ErdoganXalaybaa waxan arkay laba wiil oo habrowadaag rumaad ah misana meel kusoo wada k...
25/01/2026

Qiso Cajiib oo .... Qore Mouled Erdogan

Xalaybaa waxan arkay laba wiil oo habrowadaag rumaad ah misana meel kusoo wada koray oo dagaalkii shalay deeganada gubanka ka dhacay ku jiray iyagoo iska soo hor jeeda oo midba beeshiisa la safanyahy, sidaasoy tahay hadana dareenka wada dhalasho ee ka dhexeeya awgii xalay ayay taleefan kuwada hadlayeen si nabad qabkooga ay iskaga waraystaan,,say tiiyoo midba midka kale xogaha xasaasiga ah ee labada ciidan kala qarsanayaan ayay hadana kaftan wada dhalasho wada kaftameen oo waliba midbaa yidhi ""waar bal xoogaa yaroo jaad caato beel an ka dhigto an siisto iisoo tuur bal haday kuugu jirto"" markaasuu kii kalena si niyad samaan ah u yidhi ""waar hye ka eeg"

Markaasuu ninkii inderkay igu yidhi ""ninka an taleefanka iskula hadlaynay mar waa habrawadaagay marna gacalbaanu nahay oo waa xaaskayga inaadeerkeed rumaad""..

Wlhi waan qiirooday oo waxan ka qiirooday dadka intaasoo goor wax isku ah ee hadana niman aany waligood arag waxbana isku ahayni isku dirayaan ee qoriga iskugu dhiibayaan.๐Ÿ˜ข๐Ÿ˜ข

Illaahoow waanu wada dhalanay,oo waanu is dhalnay,oo waanu iskusoo dhex kornay,oo meel kasta waanu is dhex joognaa oo waanu isku tiirsanahy oo hantiyahayagiibaa meel walba is dhex daadsan...iillaahow rabiyoow kuwaan dad isku dhawayn ha isku kaaya itixaamin๐Ÿคฒ

24/01/2026

Musharax Duu'duu oo Maanta La Kulmay Tiktookarada Boorma oo Ku waaniyay in laga Shaqeeyo Nabada.

Golaha Wakiilada Somaliland oo raadinayaa dhaqaalihii gurmadka abaaraha ee Gobolka Awdal loogu deeqay sanadkii aan soodh...
24/01/2026

Golaha Wakiilada Somaliland oo raadinayaa dhaqaalihii gurmadka abaaraha ee Gobolka Awdal loogu deeqay sanadkii aan soodhaafnay

Waxaa la is waydiinayaa dhaqaalahii tirada badnaa ee Dawlada Qatar ugu soo gurmatay dadkayga abaarahu ku dhaceen sanadkii h**e. Waxaa la is waydiinayaa lacagtii 700kun dollar eey soo direen xildhibaanada Awdal ku matala Dawlada Muqdisho iyo halkay ku danbeeyeen. Dhaqaalahii Dawlada Somaliland ay ku deeqday tii ganacsatadu bixisay, lacagta muwadinka reer Somaliland jeebkooda ka bixiyeen iyo cida wax loogu qabtay?

Gobolka Awdal dhaqaalihii badnaa ee abaaraha loogu talagalay in dadkayga jilicdasan wax loogu qabto far baa ku godan! Baadhis iyo ka daba tag ayaa socda. Qorshe iyo nidaam cad baa lagu baadhayaa in dadkayga ay gaadhay iyo in meel dhex ay taalo.
Waa hagaag ta h**e baadhista, dad-waynaha G. Awdal baa ka jawaabi. Hadii ay meel dhaxe taalona waa Ilaahay mahadii, lacagtaana waxaa looga faaiidaysan doonaa waxay dadku mudnaanta kowaad siinayaan dhinaca mashaariicda horumarka, waxayna noqonaysaa xoola madaxood.

Walalayaal, maanta waxay xukumada Madaxwayne Cabdiraxman Macamed Cabdillahi Cirro xooga saraysaa hanaanka dawlad wanaaga iyo isla xisaabtanka, ka gole baarlamaan ahaana waa mabaadiida iyo tiirarka ugu waa wayn shaqada Barlamaan tiir ka mida.
Maanta Abaaraha soo noqnoday iyo biyo laโ€™aanta ayaa kow ah. Barnaamijyada waa wayn ee xukumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Sxbyaal l, waxaa fari ku godantahay Guddida Abaaraha qaranka oo xaladii abaaraha gobolka Awdal waxba kaga qaban dhaqaalihii badnaa ee loogu yaboohay iyo kuwii soogaadhayba.
Walalayaal Gudidda abaaraha oo uu gudoomiye u yahay Maxamed Cali shaqadoodu waa inay noqotaa mid cad oo hufnaan leh, isla xisaabtan iyo xal waara oo dhinaca abuurka calafka xoolaha iyo biyo laโ€™aanta laga baxo ayaa laga rabaa.
Waa muhiim in shilinka sida adag jeebadaha dawladaha caalamka iyo shilinka jeebka muwaadinka kasoobaxaya ee uu walalakiisa tabaalaysan uu hiraayo on si quman loo ilaaliyo weeyi.
Ugu danbayn waxaanu ka gole ahaan soo gole joojinaynaa Gudidda abaahaha iyo gudoomiyahooga si wax looga waydiyo dhaqaalahii balaadhnaa ee 3 million dollar dawlada Qatar ugu deeqday Gobolka Awdal sanadkii h**e, lacagtii Xildhibaanada Awdal ee Muqdisho u soodireen gargaarka iyo gurmadka Abaaraha Awdal, iyo sidoo kale dhaqaalahii balaadhnaa ee Dawlada Somaliland ugu deeqday dadkasi tabaalaysan ee abaaruhu halakeeyeen ee G. Awdal.
Mahadsanidiin
Qore Xildhibaan Ahmedyasin

Beesha Madaxwayna Soomaliland waxay leedahay 12 Agaasime Beelaha Gadarbuusi oo dhana waxay leeyihiin 4 Agaasime.Hoos ka ...
22/01/2026

Beesha Madaxwayna Soomaliland waxay leedahay 12 Agaasime Beelaha Gadarbuusi oo dhana waxay leeyihiin 4 Agaasime.

Hoos ka Arag Xaqiida Sawirada iyo Magacyadooda.

Liiska magacyada Agaasimaayasha beesha Madaxwaynaha,

1. Maxamed Abdirahman xasan Agaasimaha guud W.Arimaha Dibada (Ciidagale,Garxajis)
2. Abdishakur ismaciil xusen Agaasimaha guud ee W.Arimaha Bulshada (Ciidagale, Garxajis)
3. Yaasin jama ahmed (Calase) Agaasimaha guud ee Baanka dhexe (Ciidagale,Garxajis)
4. Ahmed xasan Saleban Agaasimaha guud ee W. Maaliyada (Habaryoonis, Garxajis)
5. Dr Ahmed muxumed jama Zaki Agaasimaha guud W. Caafimadka (Habaryoonis, Garxajis)
6. Maxamed cabdi xaashi Agaasimaha guud ee W. Cadaalada (Habaryoonis, Garxajis)
7. Ahmed cisman jama Agaasimaha guud ee W. X.xoolaha (Garxajis)
8. Abdirahman adan cilmi boodhle Agaasimaha guud ee G.Qandarasada qaranka (Habaryoonis, Garxajis)
9. Maxamud siciid cadaad Agaasimaha fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawlada (Habaryoonis, Garxajis)
10. Abdiqadir ismacil Ahmed jaylani Agaasimaha guud ee Sanduuqa Dhalinyada Somalailand (Habaryoonis, Garxajis)
11. Maxamud cabdi muxumed (qiyas) Agaasimaha guud Ee Komishanka Xakamaynata Aidska (Habaryoonis, Garxajis)
12. Barkahd geedi Aga asimaha wacyigalinta ee Komishanka Aidska (Habaryoonis, Garxajis).

Liiska Magacyada Agaasimayaasha Guud ee Beelaha Gadarbuusi.

1. Abdirashid Abdi jama Agaasimaha guud W. Duulista iyo Hawada ( Bahabar cabdale, Samaron )
2. Liban muuxumed dirie Agaasimaha guud ee W. Kaluumaysiga (Xeebjire ,. Cafaan)
3. Siciid muuse xoosh Agaasimaha guud e Hay,adda shaqaalaha Dawlada (Bahabar celi ,maxadcase)
4. Abdirahman xuseen xirsi Agaasimaha guud ee W. Waxbarashada (Reer nuur, makahil)

Xigasho wariye Wacays Yare

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฏ๐จ๐ฌ: ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐†๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay qaaday ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐จ๐จ ...
22/01/2026

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฏ๐จ๐ฌ: ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐†๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay qaaday ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐จ๐จ ๐๐ข๐›๐ฅ๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐ž๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ก๐ž๐ฅ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก. Kulankii uu xalay ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ magaaladda Davos kula yeeshay Madaxweynaha Israaโ€™iil ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐ˆ๐ฌ๐š๐š๐œ ๐‡๐ž๐ซ๐ณ๐จ๐ , ๐„๐ซ๐ข๐œ ๐“๐ซ๐ฎ๐ฆ๐ฉ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐ญ๐š, kulankani waxa uu muujinayaa in Qaddiyadda Somaliland gaadhay marxalad cusub oo ay dunidu si dhab ah u tixgalinayso.

Diblomaasiyad ahaan, shirka xalay waxa uu dunida u dirayaa fariin cad oo ah: ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฐ๐š๐š ๐๐š๐ฅ ๐ง๐š๐›๐š๐๐จ๐จ๐ง, ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐๐ข ๐š๐ก, ๐ฅ๐ž๐ก ๐ง๐ข๐๐š๐š๐ฆ ๐๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐›๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐š ๐ฎ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ง ๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ๐ฅ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ฆ๐ข๐๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง. waxa uu xoojinayaa in Somaliland si kalsooni leh uga qayb-geli karto shirarka caalamiga ah.

Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Dawladda iyo Shacabka Israaโ€™iil goโ€™aan-kii taariikhiga ahaa ee ay ku aqoonsadeen Somaliland iyo xidhiidh diblomaasiyadeedna ku abuureen.

Shacabka Somaliland waxa an ugu baaqayaa qolqol-joog iyo qurba-joogba adkaynta isku-duubnida, wadajirka iyo midnimadeena: ๐ฌ๐ข ๐š๐ฒ๐ง๐ฎ ๐ฎ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ง๐จ ๐ฌ๐ฎ๐ฆ๐œ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐ž๐ž๐ง๐ฎ ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ, ๐ฎ๐ง๐š ๐ญ๐ฎ๐ฌ๐ง๐จ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐๐š ๐ข๐ง ๐š๐ฒ๐ง๐ฎ ๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐๐š๐ฅ ๐ฎ ๐ช๐š๐ฅ๐ฆ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก.

๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž, ๐ฐ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š๐ก๐š๐๐ง๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐š๐š ๐๐ž๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐š๐š๐ ๐ฐ๐š๐๐๐จ, ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ ๐š๐ซ๐š๐› ๐ญ๐š๐š๐ ๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ค๐š๐ฌ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐š๐š๐ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐จ ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ-๐›๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ข๐๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Waddankeena Somaliland waxa uu galay marxalad cusub oo taariikhi ah, taas oo u baahan in si ka duwan sidii h**e loo fiki...
21/01/2026

Waddankeena Somaliland waxa uu galay marxalad cusub oo taariikhi ah, taas oo u baahan in si ka duwan sidii h**e loo fikiro. Marxaladdan cusub waxa loo baahan yahay in dawladdu iyo shacabkuba si wadajir ah u shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo afar arrimood oo aasaasi ah: xasillooni siyaasadeed, xasillooni amni, mid dhaqaale iyo mid bulsho.

Gobolka Awdal si gaar ah, waxa laga filayaa guud ahaan shacabka ku nool, gaar ahaan haldoorka reer Awdal, inay door muuqda ka qaataan xasilloonida gobolka iyo daganaanshihiisa. Waxa lama huraan ah in la xoojiyo taageerada Somaliland, lana adkeeyo amniga si loo ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Waxa kale oo aan baaq nabadeed u dirayaa degaanka Salal, halkaas oo ay ka taagan tahay colaado beeleed. Waxaan ku boorrinayaa dhinacyada ay khusayso in ay wadahadal iskugu yimaadaan, lagana fogaado dilka, colaadda iyo waxyeellada loo geysanayo dadka rayidka ah iyo kuwa dariiqyada maraya, si loo ilaaliyo nabadgelyada guud iyo badbaadada muwaadiniinta.

Ugu dambayn, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan dadkii ku naf waayey colaadaha, gaar ahaan labadii darawal ee si xaqdarro ah loo laayey. Alle ha u naxariisto, ehelkoodii iyo qaraabadoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Wasiir h**e Axmed muumin seed

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ ๐“๐ˆ๐ˆ๐‘๐€๐€๐๐˜๐Ž ๐‹๐„๐‡. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellaa, qoyska, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxeen labada ...
19/01/2026

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ ๐“๐ˆ๐ˆ๐‘๐€๐€๐๐˜๐Ž ๐‹๐„๐‡.

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellaa, qoyska, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxeen labada Marxuum ee kala ah ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐…๐š๐ซ๐ข๐ข๐ iyo ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐Ÿ๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ ๐…๐š๐š๐ซ๐š๐ฑ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐œ๐š๐ง ๐ค๐š ๐ ๐š๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ข ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ฒ.

Waxa aan Rabbi uga baryayaa labada Marxuum in uu u dambi dhaafo, kuna arsaaqo Jannatul-firdows. Ehelkooda iyo dhammaan bulshada ay ka baxeenna siiyo samir iyo iimaan.

๐ƒ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ง๐จ๐จ๐œ๐š๐ง ๐š๐ก๐ข ๐ฐ๐š๐š ๐๐ก๐š๐œ๐๐จ ๐Ÿ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฑ๐ฎ๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐ข๐๐๐ข ๐ค๐ฎ ๐š๐ก ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ž๐ง๐š ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐›๐š๐ง, ๐๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐ž๐ž๐ง๐š ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง iyo ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š, ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐š๐š๐ฐ๐š๐œ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ง๐š๐›๐š๐-๐ ๐ž๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐๐š๐ฃ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š.

Waxa aan halkan baaqay uga dirayaa xukuumadda gaar ahaan laamaha amniga: ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐๐ž๐ ๐๐ž๐  ๐š๐ก ๐ ๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐š๐ง ๐œ๐ข๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐ฅ๐ค๐š๐ง ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐ฒ, ๐ก๐จ๐ซ-๐ค๐ž๐ž๐ง๐š๐š๐ง๐ง๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ฌ๐ข ๐œ๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐จ.

Waxa aan markale Ilaahay uga baryayaa ๐ข๐ง ๐ฎ๐ฎ ๐ฅ๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฆ ๐ง๐š๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ข ๐ฃ๐š๐ง๐ง๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐จ, ๐ž๐ก๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐ซ๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐š ๐›๐š๐ฑ๐ž๐ž๐ง๐ง๐š ๐ฌ๐š๐ฆ๐ข๐ซ ๐ค๐š ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐จ.

๐€๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ง, ๐€๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ง, ๐€๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ง.

Waxaan si adag ๐ฎ ๐œ๐š๐ฆ๐›๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐ง๐š๐š ๐๐ข๐ฅ๐ค๐š๐ง ๐ฌ๐ข๐๐š ๐ฑ๐š๐ช-๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐š๐ก ee ๐ฅa๐ ๐ฎ ๐›๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฆ ๐ž๐ž ๐ซ๐š๐ฒ๐ข๐๐ค๐š ๐š๐ก.

EX Wasirr Dr absiweli suufi

Address

Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CSG-Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share