Economics and Political Students Network at AMOUD

Economics and Political Students Network at AMOUD THE YOUNG SOMALI ECONOMISTS INITIATIVE

this page belongs to economic students at amoud university.......this is about the connecting the young economists into one place.............................................this is about the memorail days in our life................................we r going to be united................the unity of our classmates...............

In 7 days, the   will increase once again to make sure Canadian families have the support they need the raise their chil...
13/07/2020

In 7 days, the will increase once again to make sure Canadian families have the support they need the raise their children! 👏🏾 This means 9 out of 10 families will see more money in their pockets.

🇨🇦🎉
Hon Ahmed Hassan

22/11/2019
Dal baaxad ahaan kayar gobolka Sanaag, tirada dadkiisuna ay ka yaryihiin dadka kunool caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, hada...
22/09/2019

Dal baaxad ahaan kayar gobolka Sanaag, tirada dadkiisuna ay ka yaryihiin dadka kunool caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, hadana ah dal haysta dhaqaale, hanti, tiknoolajiyad iyo aqoonta ugu sarraysa dunida.

Switzerland waa dal yar oo dhaca inta u dhaxaysa koonfurta, galbeedka iyo badhtamaha qaaradda Yurub. Baaxad ahaan waxa uu ku fadhiyaa 41kun oo km oo wareegsan. Hal gobol oo Soomaliya ah, ayaa ka weyn wadankaas. Waxaana kunool 8milyan oo qof.

Dalkaaas sidaas u yar malaha wax bad ah. Sidoo kale badankiisa ama kala badh wax kabadan dhulkiisu waa buuro iyo harooyin. Buurahaas ayaa sababay in cimilo ahaan uu yahay mid qabow badani kajiro. Waa dal saamayntiisa bay'adeed ay aad u yartahay.

Sidoo kale waa dal ay kunool yihiin ummado kala duwan. Waxa looga hadlaa luuqado badan. Afar luuqadood ayaa rasmi ah. Waa Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka iyo Romanshiga. Waa dal Federal ah (Confederation) 26 ismaamul oo leh awood ka badan tan dawladda dhexe ayuu ka kooban yahay.

Ismaamul walba isaga ayaa maamusha hawlihiisa. Dalku malaha madaxweyne ah hogaamiyaha dalka. Balse gole ka kooban todobo xubnood ayaa dalka u ah hogaamiyaha wadanka (Head of State). Todobadaas qof ayaa doorta madxweynaha dalka balse qofkaasi maaha hogaamiyaha dalka oo malaha awooddaas xilkana waxa uu hayaa hal sano.

Switzerland maanta waa mid kamida wadamada horumaray kuwooda ugu horreeya. Heerka hormarka aadanaha (HDI) ee wadankaas waa kan booska labaad kaga jira guud ahaan dunida. Waa dalka loo arko kan ugu amnisan oo falal dambiyeedku uu kuyaryahay.

Waa dal hormuud u ah, ganacsiga iyo waxsoosaarka dunida. Waxyaabaha ay soo saaran waxa kamida Dawooyinka, qalabka la isku qurxiyo, noocyada saacadaha, shukulaatooyinka, agabka tiknoolajiyadda, iyo agab kale. Sidoo kale Swissku waa kuwo caan ku ah, hormarna ka gaadhay nidaamka Bangiyada.

Dalxiiska ayaa kamida isha dhaqaalaha wadanka. Dakhliga soo gala qofka Swisska ah, waa $80,000kun in kabadan. Waa mid kamida dalalka ugu sarreeya dunida. Caasimadda dalku waa Bern, halka Magaalada u weyn ay tahay Zurich ay iyada iyo inta kuxeeran ay kunool yihiin ku dhawaad laba milyan. Waxaana ay hoy u tahay in kabadan 150kun oo shirkadood.

Switzerland waxa ay hoy u tahay qaybaha ugu waweyn xarumaha qaramada midoobay iyo ururrada kale caalamiga ah. Waa mid kamida dalalka leh ganacsiga xorta ah ee dunida. Waa dal dadka kunool aysan dawarsan oo aan laga helayn darbi jiif iyo dawarsade.

Waxyaabaha layaabka leh waxa kamida in Bangiyada kuyaal Switzerland ay ka badan yihiin Dantiistayaasha (goobaha ilkaha lagu daweeyo) ee kuyaal wadanka. Dalal badan, shirkado badan iyo shakhsiyaaad badan ayaa wadankaas kuleh kaydad hantiyeed oo ballaadhan.

Waa dalka soo saara saacadaha ugu badan uguna qaalisan dunida. Ahna dalkii ugu horreeyay ee saacad aan biyuhu galin hindisa. Sidoo kale Shukulaatada ayuu caan kuyahay oo Swissku waa dadka ugu badan ee cuna shukulaatada caalamka.

K**a mid aha midowga Yurub, se waa dal baahi kasta iyo xidhiidh kasta oo ay u baahnaayeen dhamaystirtay. Wadankaas buuraleyda ah, haddii caalamka uu ka bilowdo dagaal la isu adeegsado Nuclear waxa ay diyaarsadeen meelo looga badbaado oo ay kagalaan oo qaada dadka kunool guud ahaan dalkaas!.

Waxbarashadooda iyo caafimaadkooda ayaa ah, kuwo aad u sarreeya. Baasaboorka dalkaas waa mid kamida kuwa ugu xoogan dunida. Magaalooyinka Zurich iyo Geneve ayaa kamida magaalooyinka ugu nolosha wanaagsan dunida. Ragga Swiss-ka ah waa kuwa ugu cimriga dheer dunida celcelis ahaan oo waxa ay gaadhaan 81sano.

Waa dad yar oo uu istaagay dhulkooda xidhan sidii ay u nimcaysan lahaayeen. Kana dhabeeyay waxqabadkoodii. Dhaqaalaha wadankan waa kan 19aad ee dunida ugu weyn. In kabadan $700Billion ayaa lagu qiyaasa GDP-ga Switzerland.

Dalka sidaas qaniga u ah shuruuc ayaa isku haysa oo qoloba qolada kale ayay ka afkaaro duwan tahay. Ismaamul ayaa shaksi iyaga ka dhashay looga arkaa halyeey halka mid kale looga arko dambiile, sidaas oo ay tahay nidaam iyo sharci aysan isku xad gudbayn ayaa isku haya dadkaas kala afka, dhaqanka iyo jinsiyadda duwan.

Madaxweynahoodu waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaata lacag ka badan $440kun. Sidaas oo ay tahayna maaha mid awoodo badan leh.

Haddii aad xogtan ka heshay, lawadaag saaxibadaa. mahadsanid.

Qore:khadar weli

Sawirka: Zurich, Switzerland.

Congratulations Ahmed Moumin
29/06/2019

Congratulations
Ahmed Moumin

21/06/2019

.

Address

Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Economics and Political Students Network at AMOUD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category