AWD ONE

AWD ONE “Codka Awdal – Warar, Dhaqan, iyo Madadaalo ka soo gaara Awdal ilaa dunida. Raadiyo, TV, iyo Online.

Dagmada Sheekh cali jawhar xalka ugu dhaw Oo Lagu Kala saari karo Wa in Labo wado yeelataa Tii cadiga Oo Basku Ka shaqay...
10/02/2026

Dagmada Sheekh cali jawhar xalka ugu dhaw Oo Lagu Kala saari karo Wa in Labo wado yeelataa Tii cadiga Oo Basku Ka shaqayso Iyo Tu hormarta Safari hotel Oo Sheekh cali halkaa Laga galiyo Labo wado Weeyi xalka ugu dhaw

02/02/2026

شاب من جماعة مقاتلي عيسى المناهضة للسلام، وكان من بين المصابين في القتال الذي وقع صباح اليوم، يقدم المساعدة الطبية لرجل من قبيلة سامارون.
تُظهر هذه الخطوة الإنسانية أنه رغم الصراع الذي أسفر عن خسائر فادحة، إلا أن هناك مسؤولية ورحمة تتجاوز الحرب، وهذا أمر يستحق الذكر.
⚠️ لا يمكن نشر مقاطع فيديو أخرى، بسبب وجود العديد من الجثث في المكان، احترامًا للمتوفين وأسرهم.
هذا الصراع كان بين قبيلتي عيسى وسامارون، وأسفر عن وفاة وإصابة عدد كبير من الأشخاص

02/02/2026

Un garçon membre du groupe rebelle anti-paix de la communauté Ciise, et qui faisait partie des personnes blessées lors du combat de ce matin, apporte une aide médicale à un homme de la communauté Samaroon.
Cette démarche humanitaire montre que, malgré le conflit qui a causé de lourdes pertes, il existe une responsabilité et une compassion qui transcendent la guerre, ce qui mérite d’être souligné.
⚠️ D’autres vidéos ne peuvent pas être diffusées, en raison de la présence de nombreux cadavres sur place, afin de respecter les personnes décédées et leurs familles.
Ce conflit opposait les communautés Ciise et Samaroon, et a entraîné de nombreux morts et blessés.

UPDATE : DAGAALO CULUS OO KA DHACAY GOBOLKA AWDAL. Ku dhawaad Soddon Qof ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay degmada...
01/02/2026

UPDATE : DAGAALO CULUS OO KA DHACAY GOBOLKA AWDAL.

Ku dhawaad Soddon Qof ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay degmada Lughaya ee gobolka Awdal, halka intaa in ka badana ku dhaawacmeen sida Awdal Media u xaqiijiyeen Ilo wareedyo sax oo lagu kalsoonyahay. Dagaalkan oo dhawr goobood ka dhacay Sida Dooxa Faahiye Haroosh, Gargaara barri, Damasha, oo dhamaantood ka tirsan degmada Lughaya. Waxna deegaanka Damasha gacanta ku haya ciidamada deegaanka Lughaya ee Beesha Gadabuursi, halka hada la isku hor fadhiyo deegaanka Osli oo beesha Ciise ka samaystay Talis ciidan oo lagu soo daabulayey ciidamada Nabad diidka ee ka soo duullay magaalada Ayshaca .

Khasaraha dhimashada Jabahada Ayshaca kaso duushay ee Ciise 21 dhimasho, 15 dhawac ah inta la ogaaday, labada dagaal,
Dhinaca Ciidanka deegaanka ee Difaaca Awdal ee Gadarbursi
Dhimashadu waa 6 dhawacuna waa 3.

Deegaanada gobolada galbeedlka, waxa ka Jirta Xasilooni darro Amni, Waxna meesha ka baxday Nidaamkii iyo Kala dambayntii

01/02/2026

Madaxweynaha Jabhadda FRUD (Front pour la Restauration de l’Unité et de la Démocratie), oo ka mid ah mucaaradka xukuumadda Jabuuti, Mudane Maxamed Kadamey, ayaa si xooggan u dhaliilay nidaamka siyaasadeed ee ka jira Jabuuti.
Intii uu ka hadlayay kulan ay casuumeen wakiillo iyo xubno ka tirsan bulshada reer Somaliland, Maxamed Kadamey wuxuu sheegay in Jabuuti muddo 48 sano ah ay soo martay laba madaxweyne oo keliya, kuwaas oo ka soo jeeda qoys isku dhow, arrintaas oo uu ku tilmaamay maamul qabiil iyo hanti-dhawr awoodeed oo is-daba-joog ah.
Sida uu sheegay, nidaamka hadda ka jira Jabuuti ma matalo rabitaanka dhabta ah ee shacabka, balse wuxuu xoog saaray in awooda la xakameeyo oo loo isticmaalo koox yar. Wuxuu cadeeyey in mucaaradka iyo dadweynaha gobolka ay maanta yihiin kuwa matalaya codka dhabta ah ee bulshada.
Mudane Maxamed Kadamey wuxuu sidoo kale bogaadiyey Somaliland, isagoo ku tilmaamay tusaale dhabta ah oo dimuqraadiyadeed oo ka jira Geeska Afrika. Wuxuu xusay in inkastoo aanay weli helin aqoonsi caalami ah, haddana Somaliland ay dhistay nidaam siyaasadeed oo xasiloon, nabad ku dhisan, oo leh hay’ado iyo doorashooyin joogto ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha FRUD wuxuu si adag u cambaareeyey faragelinta, carqaladaynta iyo isku dayada lagu wiiqayo xasilloonida Somaliland, isagoo ku eedeeyey xukuumadda Jabuuti inay kaalin taban ka qaadatay. Wuxuu arrintan ku tilmaamay halis ku ah xasilloonida gobolka.
Mudane Kadamey wuxuu sheegay inay tahay wax layaab leh in dhul awoodiisu caddeysay inay si nabad ah oo dimuqraadiyad ku dhisan isu maamuli karto aan weli la aqoonsan. Sidaas darteed, wuxuu ugu baaqay dalalka deriska ah sida Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, iyo guud ahaan beesha caalamka, inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, maadaama aqoonsigaasi uu la jaanqaadayo rabitaanka cad ee shacabka.
Ugu dambayn, Mudane Maxamed Kadamey wuxuu ku adkeeyey garab istaagga buuxa ee FRUD uu la taagan yahay shacabka Somaliland, isagoo si cad u diiday tallaabo kasta oo lagu wiiqayo xasilloonida, isla markaana xusay in Somaliland ay ku socoto waddo sax ah oo horumarineed.

01/02/2026

Le président du Front pour la Restauration de l’Unité et de la Démocratie (FRUD), mouvement d’opposition au régime djiboutien, M. Mohamed Kadamey, a vivement critiqué le système politique en place à Djibouti.
S’exprimant lors d’une rencontre à laquelle il avait été invité par des représentants et des membres de la communauté du Somaliland, M. Mohamed Kadamey a déclaré que Djibouti n’a connu, en 48 ans, que deux présidents, tous issus de la même famille, qualifiant cette situation de pouvoir clanique et héréditaire.
Selon le président du FRUD, le régime actuel de Djibouti ne reflète pas les véritables aspirations du peuple, mais confisque la volonté populaire au profit d’un cercle restreint. Il a affirmé que les forces d’opposition, ainsi que les peuples de la région, portent aujourd’hui la voix authentique des populations.
M. Mohamed Kadamey a, par ailleurs, salué le Somaliland, qu’il a présenté comme un véritable laboratoire démocratique dans la Corne de l’Afrique. Il a souligné que, malgré l’absence de reconnaissance internationale, le Somaliland a su bâtir un système politique stable, fondé sur la paix, les institutions et des processus électoraux réguliers.
Le président du FRUD a également condamné avec fermeté ce qu’il a qualifié de manœuvres de déstabilisation, d’ingérences et de tentatives de subversion visant le Somaliland. Il a accusé le régime de Djibouti de jouer un rôle négatif dans ces actions, qu’il considère comme une menace pour la stabilité régionale.
Il a estimé paradoxal qu’un territoire ayant démontré sa capacité à se gouverner pacifiquement et démocratiquement ne soit toujours pas reconnu à ce jour. À ce titre, il a appelé les pays voisins, notamment l’Éthiopie, l’Érythrée et la Somalie, ainsi que la communauté internationale, à reconnaître officiellement le Somaliland, affirmant que cette reconnaissance correspond à la volonté claire de son peuple.
En conclusion, M. Mohamed Kadamey a réaffirmé la solidarité totale du FRUD avec le peuple du Somaliland, tout en dénonçant toute tentative de déstabilisation menée par le gouvernement somalien ou d’autres acteurs. Il a enfin souligné que le Somaliland est, selon lui, engagé sur la bonne voie.

31/01/2026

Muqdisho; Tikroker ka caanka ah ee Garyaqaan ayaa xabsiga loo taxaabay. Waxa lagu eedaynayaa kicin dadweyne.

31/01/2026

Mashruuca Tamarta Dabaysha ee Ayshaca 2 ayaa si rasmi ah xadhig looga jaray, waxaana ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale. Mashruucan ayaa soo saari doona in ka badan 120 MW koronto, waxaana la filayaa in laga faa’iidaysto gudaha iyo dalalka dariska ah, iyadoo Dr. Abiy Axmed xusay in Afrika ay leedahay awood wax-soo-saar tamareed oo ballaadhan.

Istaraatiijiyaddayada lagu xaqiijinayo amniga tamarta, mid ka mid ah tiirarka (aasaaska) ugu muhiimsan waa mashruuca kor...
31/01/2026

Istaraatiijiyaddayada lagu xaqiijinayo amniga tamarta, mid ka mid ah tiirarka (aasaaska) ugu muhiimsan waa mashruuca koronto-dhaliyaha dabaysha ee Aysha-2.

31/01/2026

Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Jigjiga -

Sadexda masuul ee wadooyinka jigjiga
31/01/2026

Sadexda masuul ee wadooyinka jigjiga

Abiye Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ismaaciil Cumar Gelle iyo Ugaaska beeshe Ciise ayaa ka dagay magaalada Jigjiga.Madax...
31/01/2026

Abiye Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ismaaciil Cumar Gelle iyo Ugaaska beeshe Ciise ayaa ka dagay magaalada Jigjiga.

Madaxda iyo xubno kale ayaa lagu casuumay ka qaybgalka xafladda xarig jarka mashariiicda dalxiiska Shabeelleey, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Dhanka kale, waxaa ay xogaha la helayo sheegayaan iney madasha ka qaybgalayaan wafdi ka socdo dalka Imaaraadka Carabta. Maalmihii tagay, Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa waday dadaallo la xiriira sidii xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka loo hagaajin lahaa.

Address

Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AWD ONE posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share