03/12/2022
Maxaa ku qarsoon kulankii Adisababa ku dhex maray Deni, Lafta Gareen iyo Fahad Yasin?
Xogo lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa sheegaya in kulan 3 geesood ah oo dhexmaray Deni ,Laftagareen iyo Fahad la isku afgartay arrima dhawra oo lagu wiiqayo xukuumadda RW Xamsa .
Qodobada la isku afgartay waxaa ka mida :
1- In Deni , Lafta Gareen iyo Fahad iska kaashadaan sidii loo soo abaabuli lahaa mooshino ka bilaama golaha shacabka oo marka h**e ku wajahan gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiyo Salaad . Deni ayaa ka xanaaqsan fashilinta iyo is hortaaga XSM ku hayo mooshin uu Deni dabada ka riixayo oo lagu ridayo Sacdiyo. Laftagreen iyo Fahad ayaa Deni u ballan qaaday inay kutlooyinka daacadda u ah ee golaha shacabka ku jira ay ku biirin doonaan kutlada kooban ee reer PL ee Deni wali daacadda u ah si loo rido Sacdiyo.
2- In Deni sii wado fududayta soo gaarsiinta Laftagareen ee hubka uu u baahanyahay iyada oo Dhawan hub Yemen laga soo iibshay uu MW Deni diyaarad ku gaarsiiyay Laftagareen. Waxaa kordhay culayska XSM saarayo Laftagareen ka gadaal markii ciidankii dowaldda federaalka si ula kac ah looga saaray aaga Goof gaduud iyo Daynuulay si loogu baneeyo kooxda AS , tana waa mid markiiba keentay in AS qabsadaan goobahaas oo laga difaaco Baydhabo balse Laftagareen ayaa diyaarsaday ciidan daraawish oo asagu qortay mushaarka ays siinayaan dawlada qatar hubka yemen loo mariyay qaybna Ethiopia balse walo waa qaraoodi mana soo bixin xogaha ciidanka gaarka ah ee loo qoray Laftagareen.
3- In Deni gabi joojiyo wada shaqayn wayn oo uu la yeesho RW Xamse iyada oo uu baajiyay kulan uu XSM ku imaan lahaa Bossaso ka dib markiuii Deni ka xanaaqay in Rooble loo wado safiirka UAE , halka jagada taliyaha booliiskana loo wado sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Axmed Cabdullahi Shiikh oo ay isxigaan Assad Diyaano , uuna si wayn Deni u diidanyahay deni in laga dhigo.
Xogtaan waxaa sii xaqiijinaya hadalo canbaarayn ah oo MW Deni u sheegay golohiisa wasiirada shirkii khamiista ee ugu dameeyay. Deni wuxuu amar ku siiyay wasiiradiisa in aanay wax wada shaqayn ama shirar ah la yeelan Karin dhigooda federaalka . Wuxuu ku eedeeyay in XSM uu shirkii ugu dameeyay ee Xamar loo keenay ajanda qarsoonaa oo aan markii h**e wax laga waydiin. Deni wuxuu usheegay wasiirada in wadadii ay PL kula dagaalantay Farmaajo mid la mida ama ka gurracan uu XSM wado , ayna iska difaaci doonaan .
Kala wareega Deni iyo weerarka uu qaaday XSM ayaa loo arkaa mid ka dhashay arrimo la xiriira jagooyin uu doonayay in loo magacaabo dad uuw ato iyo qaraabadiisa oo XSM ka caga jiidayo iyo ka hortag uu Deni kaga hortagayo qorshaha wiiqidda maamulka Laftagareen oo kooxda Damul Jadiid guda galeen. Deni wuuxu Laftagareen u arkaa mid hadda u taagan dheeli tir maadaama uu waayay Axmed Madobe , loona baahanyahay ilaalinta maamulkaas si aan PL ugu kaliyoobin iska caabinta Damul Jadiid.
UPD ayaa durba shalay maalgalisay kooxda Midowga mucaaradka koonfur galbeed si dagaalka lala gali doono Mamaulkaas loo huwiyo shaati bessha raxawayn ah lagana rabo in la keeno qof Gobolka shabeelda hoose ka jara Koonfur Galbeed ama madaxweyne ku xigeen siiya bessha haiwye.
Laftagareen Gareen ayaa dhowaan magacabaya madaxwayne ka soo jeeda beesha garre oo ka mod ah beelaha u badan shabeelada hoose kana mid ah digilka.
Amin guled