Bosaso News

Bosaso News Bosaso News Waxaad Ka Heli Kartaa Warar Deg Deg Ah

12/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay bulshada degmada Goldogob, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo haweenka degmada.

Bosaso News FOLLOW PAGE_KA

WAR-SAXAAFADEEDGaalkacyo, Agoosto 10, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaa...
10/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

Gaalkacyo, Agoosto 10, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda.

Intii uu socday hawlgalku, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska.

Soo afjaridda wejigan koowaad waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta awoodda hay’adaha amniga, mideynta taliska iyo xaqiijinta in awoodda hubaysan ay ku hoos shaqeyso hay’adaha dowliga ah ee sharciga ah.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu adkeynayaa in hawlgallada amni loo fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta hantida iyo xasilloonida guud.

Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka Gobolka Mudug wada-shaqeyntooda iyo taageerada ay u fidiyeen hay’adaha amniga, waxayna ku boorrinaysaa inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.

— DHAMMAAD —

Raysal wasaare Xamse ayaa caawa booqasho ugu tegey Madaxweyne h**e Farmaajo, iyaga oo ka wada-hadlaya xaaladda-siyaasade...
09/08/2026

Raysal wasaare Xamse ayaa caawa booqasho ugu tegey Madaxweyne h**e Farmaajo, iyaga oo ka wada-hadlaya xaaladda-siyaasadeed ee dalka & doorashooyinka federaalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli dhawaan lagu wado in DFS iyo Mucaaridka ay dib u bilaabaan wada-hadallada doorashada federaalka, iyada oo Beesha-caalamka oo dhinacyada isu soodhoweysey ay arrinta ku soo xoorisey; Doorasho toos ah oo leh hal guddi doorasho oo iskudhaf ah, waxa la filayaa in todobaadyadan la sameeyo Guddi-isku-dhaf ah oo keena heshiis, ka dibna ay kulan yeeshaan madaxda-sare oo ka kooban MW Xasan, Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland iyo Madxweynayaal h**e Farmaajo & Shariif.

Bosaso News

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ka hadlaya Gaalkacayo ayaa sheegey in aanu mar kale musharrax u ahayn Puntland, is...
09/08/2026

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ka hadlaya Gaalkacayo ayaa sheegey in aanu mar kale musharrax u ahayn Puntland, isla markaasna uu dhisayo qofka xisbiga xukuumadda ee Kaah sharraxo.

"Dastuurku laba jeer ayuu ii oggol yajay hoggaanka PL, labadii jeerna waan lay doortay, laba sanno ayaa ii hadhay, ninka doonaya xilka ha iskeeno doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeenna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseynaa."

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya, hadal-hayn ka taagnayd furista Dastuurka Puntland, iyada oo mucaaridka ay ka weleelsanaayeen in mar saddexaad uu xilka ku soo laaban karo Deni.

Waxa la wada filayaa in Madaxweyne Deni uu u taagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa se goorh**eba bilaaban doona loolanka cidda Deni u dhisi doono Puntland, 2029-ka.

Bosaso News FOLLOW PAGE_KA

07/08/2026

Horumarka kasocda Gobolka Sanaag Magalada Badhan Meelu kasocdo majir Somalia Duqa Magaalada Badhan Cawada cali Xiirey

Bosaso News
Aamin

06/08/2026

Deg Deg
Maamulka Iyo Shacabka Magaalada Badhan Waxaa laga Rabaa Shaqada Baaxada leh Ee ka Dhiman dhameystirka . Laamiga magaalada iney fuliyaan
Garaad Mohamud Ahmed Kullan

Bosaso News FOLLOW PAGE_KA
XIGASHO BOSASO TV

06/08/2026

Mohamed Saliiq oo Fariin Udiry Jaaliyadaha Reer Sanaag

Waqooyi Bari oo ka qaybgashay Shirwaynaha Badda Soomaaliya Somali Maritime Conference (SMC2026) oo maanta ka furmay maga...
04/08/2026

Waqooyi Bari oo ka qaybgashay Shirwaynaha Badda Soomaaliya Somali Maritime Conference (SMC2026) oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Waxaana shirkan ka qaybgalay Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda Waqooyi Bari Abdiqadir Maxamud Ducale.

Bosaso News FOLLOW PAGE_KA

01/08/2026

Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

Bosaso News FOLLOW PAGE_KA

Address

Bosaso

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bosaso News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share