29/10/2025
Booliiska Brazil ayaa ka fuliyay magaalada Rio de Janeiro, howlgalkii ugu dhimashada badnaa oo lagu dilay 64 qof , inta uu socday qab qabashada kooxaha falalka abaabulan iyo dambiyada geysta , waxaana lagu sheegay howlgalkan in lagu xaqiijinayo ammaanka, xilli Brazil ay ku diyaarinayso martigelinta shirka cimilada adduunka ee COP30 oo toddobaadka u horreeya bisha November ka furmaya magaalada Belem.