Dheeh Media

Dheeh Media kalasoco wararka

 : Isimadda dhaqanka gobolka Bari qaybtood oo shir uga socday Boosaaso, ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalada Puntland...
24/10/2025

: Isimadda dhaqanka gobolka Bari qaybtood oo shir uga socday Boosaaso, ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalada Puntland, hoos ka akhriso.

PUNTLAND IYO YEMEN OO KA SHIRAY ISKAASHIGA FURSADAHA MAALGASHI IYO GANACSISawiro:Boosaaso: 23 October 2025: Wasiirka Was...
23/10/2025

PUNTLAND IYO YEMEN OO KA SHIRAY ISKAASHIGA FURSADAHA MAALGASHI IYO GANACSI

Sawiro:Boosaaso: 23 October 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dawladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa, oo ay wehliyaan Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo maalgashiga, Axmed Shire Siciid, Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga, Hon Mohamoud M. Ali Gabax iyo Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda dalka Yemen Xaamid Cabdalla Siciid iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga fursadaha maalgashi, dhaqaale iyo ganacsi ee dowladda Puntland iyo dowladda Yemen.

Wafdiga dowladda Yemen oo isugu jira ganacsato, madax ka socda hay'adda UNDP iyo iskaashatooyinka kalluumaysiga dalkaasi iyo saraakiisha dawladda Puntland ayaa kulanka ku wadaagay xogo kala duwan oo ku saabsan dhismaha dhinacyada maalgashiga iyo ganacsiga .

Sidoo kale, waxaa kulanka kasoo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Ganacsiga Puntland, Madaxa Hay'adda UNDP ee Xafiiska Puntland iyo masuuliyiin kale.

Somaliland oo u hanjabtay Shirkadaha Diyaaradaha ee u hogaansama amarka dowladda Soomaaliya ee E-VISA.
22/10/2025

Somaliland oo u hanjabtay Shirkadaha Diyaaradaha ee u hogaansama amarka dowladda Soomaaliya ee E-VISA.

Go'aan Ka Soo Baxay Wasaarada Duulista iyo Madaarada Somaliland !! Maxay Tahay Talaabada Laga Qaadaayo Cidii U Hogaansam...
22/10/2025

Go'aan Ka Soo Baxay Wasaarada Duulista iyo Madaarada Somaliland !! Maxay Tahay Talaabada Laga Qaadaayo Cidii U Hogaansami-weyda Sharcigan ??

Akhriso war-saxaafad ka soo baxay wasaarada oo uu ku sexeexanyahay wasiirka wasaarada duulista iyo madaarada Somaliland Fu'aad Axmed Nuux

Kismaayo:-Madaxwaynaha jubaland axmed madoobe ayaa xadhiga ka jaray xarun sirdoon oo ay yeelanayso haayadda sirdoonka ju...
20/10/2025

Kismaayo:-Madaxwaynaha jubaland axmed madoobe ayaa xadhiga ka jaray xarun sirdoon oo ay yeelanayso haayadda sirdoonka jubaland Ee Jisa.

Xaruntan ayaa ah xarun nooceedu ku cusub yahay dawlad goboleedada iyadoona gaadiid iyo ciidan diyaarsan halka lagu soo bandhigay.

Madaxwaynaha jubaland ayaana si rasmiya xadhiga uga jaray.

20/10/2025

Akhri oo Hadda Ogow Beelaha ay kasoo jeedaan Golaha Wasiirada Maamulka Woqooyi-bari ee Madaxweyne Firdhiye magacaabay.

1- Wasiirka Cadaalada & Arrimaha Diinta; Yusuf Maxamed Cali. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Barkad.

2- Wasiirka Arrimaha Gudaha; Ahmed Cali Yakhle. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bah-ogayslabe.

3- Wasiirka Maaliyadda; Cabdiqani Xuseen Hiirad. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Naaleeye Axmed, Reer Aadan.

4- Wasiirka Caafimaadka; Dr Adam Jaamac Muuse Hayb ahaan waa Dhulbahante, Xasan Ugaas.

5- Wasaaradda Qorsheynta; Cali Dhakaawe Warsame; Hayb ahaan waa Dhulbahante, Bah-hararsame

6- Wasaaradda Amniga; Cabdirisaaq Faarax Warsame Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bihidoor.

7- Wasaaradda Tamarta & Biyaha; Cabdi Xasan Maxamed. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cumar Waceys.

8- Wasaaradda Macdanta & Batroolka; Mustafe Cabdinaasir Cismaan. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubeys.

9- Wasiiradda Waxbarashada; Daahir Cabdirisaaq Axmed. hayb ahaan waa Dhulbahante, Khaalid.

10- Wasiiradda Kaluumaysiga; Ismaacil Shiikh Saalax. Hayb ahaan waa Warsangeli, Warlabe.

11- Wasaaradda Arrimaha Qoyska; Saynab Calwaash. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Yaxye.

12- Wasaaradda Deegaanka; Siciid Maxamed Abdirahman. Hayb ahaan waa Warsangeli, Aadan Siciid.

13- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha; Mahad Siciid. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubays.

14- Wasaaradda Hawlaha Guud; Jaamac Faarax. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Reer Hagar.

15- Wasaaradda Duulista; Axmed C. Shire; Hayb ahaan waa Warsangeli, Reer Xaaji.

16- Wasaaradda Ganacsiga; Abdiweli Xuseen. Hayb ahaan waa Jibraahil, Ogaadeen.

17- Wasaaradda Warfaafinta; Axmed Abdirasaq Diiriye. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Qayaad.

18- Wasaaradda Beeraha; Cabdikarin Maxamuud Cabdi. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cali-geri.

19- Wasaaradda Gargaarka; Maxamed Diiriye Faarax Shariif. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Nuur Axmed.

20- Wasaaradda Ciyaaraha; Ibraahin Reygal. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Hayaag.

21- Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda; Cabdulqadir M. Ducaale. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Nuux Cumar.

Shir looga hadlayey Xalada Gargaar ee dadkii ka so Barakacay Calmiskaad ayaa wuxuu ka dhacay Xarunta Gobalka Bari Shirka...
20/10/2025

Shir looga hadlayey Xalada Gargaar ee dadkii ka so Barakacay Calmiskaad ayaa wuxuu ka dhacay Xarunta Gobalka Bari Shirkaas oo ay isugu yimadeen Dawladda iyo Hey”addaha ka hawlgala Gobalka Bari .

Waxaa Shirka Hogaminyey wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gargaarka Axmed Sixiid Qaloombi, guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisaaq Cali Siciid Shahdoon , gudoomiye degmada Boosaaso Bashiir Farax Siciid.

Shirka waxa looga hadlay Sidii dadka Dagaalka Calmiskaad ka so Barakacay intii aan wax la Gaarsiin sidii wax loo Gaarsiin laha iyo Dadka hada soo Barakacay Sidii wax loo gaarsiin lahaa.

Arag Qiyaasaha Deeqaha & Mashaariicda Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya: Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maaliyadd...
20/10/2025

Arag Qiyaasaha Deeqaha & Mashaariicda Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya: Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maaliyadda, Howlaha-guud & Beeraha ayaa heleya mashaariic ugu waa weyn maamulka, sida ay odoroska innala wadaageen khabiirro ka tirsan DFs & Hey'adaha Samafalka.

18/10/2025

Maxay diintu ka qantaa in laga qayb galo tacsida qof aan muslim ahayn.

18/10/2025

Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Mudug oo la amray saacado in ay ku soogalaan Garowe.

Madaxda maamulka gobolka Mudug Puntland iyo kuwa degmada Galkacyo, ayaa la faray berri oo Axad ah in ay tagaan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo uu ka dhacayo shir degdeg ah.

Warqadda amar ee u yeeridda masuuliyiinta gobolka Mudug iyo kuwa degmada Galkacyo, ayaa ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Qoraalka u yeeritaan ee ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Puntland oo nuqul ka mid ah ay heshay warbaahinta Daljir, ayaa lagu dalbay guddoomiyaha gobolka, guddoomiyaha golaha deegaanka, ahna duqa degmada Galkacyo, guddoomiyayaasha maxkamadaha darajada koowaad iyo racfaanka, taliyaha qaybta booliska iyo dhammaan iskuduwayaasha wasaaradaha dawladda ee gobolka Mudug.

Amarkaan u yeeritaan ee madaxda maamulka gobolka Mudug iyo kuwa degmada Galkacyo, ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkii dambe xaalka amni ee gobolku uu sii xumaanayeen, ayna dhacayeen falal isdabajoog ah oo la xiriira aanooyin xagga qabiilka ah.

Falalkaas ayaan badankooda lagu guulaysan in wax laga qabto, iyadoo eedaysanayaashii geystay falalkaasina ay baxsadeen, inkastoo meelaha qaar ay jireen kuwo la qabtay.

Dhinaca shalay oo Jimce ahayd, badanka masaajidda magaalada Galkacyo waxaa looga hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo dhibaatooyinka aano ee soo laalaabanaya, waxaana madaxda gobolka loo soo jeediyey in ay kuraasta banneeyaan haddii ay xakamayn waayeen xaalka ammaan ee gobolka.

Isla shalay, shir iskuduwayaasha gobolka ee wasaaradaha Puntland ay lahaayeen waxaa ka soo baxay talooyin isla arrimahaas daarrran, iyagoo sheegay madaxda gobolku in ay gabeen masuuluyaddii loo igmaday, sidaas darteena loo baahanyahay is baddel gobolka ka taabbagala.

Dheeh Media.

Soomaaliya waxay noqotey dalka kaliya ee hogaankii ugu sareeyay uu tacsidii Raila Odigna ka qaybgalo, halka dalalka kale...
18/10/2025

Soomaaliya waxay noqotey dalka kaliya ee hogaankii ugu sareeyay uu tacsidii Raila Odigna ka qaybgalo, halka dalalka kale ay tacsidaa u dirreen masuuliyiin kala duwan. Itoobiya waxay dirtey Madaxweynaha, Koonfurta Suudaan waxay dirtey Madaxweyne Ku-xigeenka, Tanzania waxaa uga qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka, halka Rwanda ay dirtey Wasiirka Arrimaha gudaha.

Address

Maka Al Mukarama Road
Bosaso
BR99999

Telephone

+252905724841

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dheeh Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dheeh Media:

Share