27/07/2025
Calaamooyinkii oday lahaa caasha idin saarye
Qorax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
kuwaanu isku ciidamis ahayn caadna laga waaye
Hadba waxan calool doonayaa curufadaydiiye
Cindigaan hurdada fiiriyaa caam intaan jiraye
Naf cankuurka loo yimi Rabbaa caaqibuu garanne
Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne
Cidla yuurur bay dilay sidii cawsha debadeede
Caad iyo kancaan iyo Namruud cadawyadii diinta
Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey
Callaaq baa la sudhay reer Cimaad cadho daraadeede
Beryo wuxu cantoobsaday markii Ceejad laga waayey
Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye
Cuqdud Eebbeheen geli wuxuu cudud lahaa xooge
Caqlow dhimoe Cooj-bini-Cunuuq ciidda lagu awdye
Cirkaa lagaga soo degey markay caamileen kibire
Ninkii Cabbasa ogi Eebbe waw toobad celiyaaye
Cama nin Akhristaa jeer danbuu ku cimri qaataaye
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne
Caddad mal leh rijal ladan intay calal ku duubene
Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene
Marka inuu cidhiidhyamay waqtigu waa caddaan dhabahe
Ciyoonba haatan laysugu dhawaaq Calanki Suurkiiye
Maalintaan Curyaan wada nahee Caaddilka hor joogno
Qofba Culuqu laasimay markii lagu cashuuraayo
Isagoo Cadshaan qaba intuu Ciriqna maansheeyo
Limmaa-Tacuddu Alif-Caam haddaan cidi jawaab siinin
Ninkastoo Caniidaba markay talo ku ceeryoonto
Ifka nimad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye
Camalkaaga mooyee halkaan hiil casabo joogin
Halkii adan Cashiiro u lahayn cuudna bixinaynin
Rasuulkii Cirshiga loo sakhiray Carajadii leylka
Isagaa Cibaadada anfaca Caaddilka hortiise
Codkii Maxamed(SCW)lagu caawimaan ka codsan doonaaye.