10/06/2026
Guddoomiyaha Gobolka Raas-casayr Mudane Muuse Saalax Guuleed ayaa magaalada Baargaal kulan muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaasha Degmooyinka Baargaal iyo Gumbax.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkaynta wada shaqaynta maamulka gobolka iyo degmooyinka, dardargelinta adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo qorsheyaasha horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada gobolka.
Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda howlaha maamulka, kor u qaadidda adeegyada shacabka, iyo dedejinta mashaariicda wax-ku-oolka u ah bulshada, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka iyo xasilloonida Gobolka Raas-casayr. :