15/01/2026
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mud. Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa caawa shir guddoomiyey shir looga hadlay amniga iyo nabadgelyada munaasibadda caleemasaarka.
Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Saraakiil Ciidan iyo Wasiiro iyo masuuliyinka ka tirsan dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga iyo habsami u socodka munaasabadda caleemasaarka madaxda Dawladda Waqooyi Bari.