25/07/2025
Waa maxay Maamul magaalo?
Maxay tahay Awoodiisu?
Tusaale !!!!
Maamul magaalo waa hay'ad ama nidaam dawlad hoose ah oo mas'uul ka ah maamulka iyo horumarinta magaalo gaar ah. Waxay leedahay awoodaha iyo waajibaadka maamulka ee la xiriira adeegyada dadweynaha, sharci dejinta heerka magaalo, iyo horumarinta deegaanka magaaladaas.
Qodobo Muhiim ah oo ku saabsan maamul magaalo:
1. Awoodaha Maamulka: Waxaa ka mid ah maamulka nadaafadda, biyaha, korontada, jidadka, xakameynta dhismaha, iyo adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada hoose.
2. Hoggaan: Waxaa hogaamiya duqa magaalada (mayor) waxaana caadi ahaan la shaqeeya gole deegaan oo laga soo doorto bulshada magaalada.
3. Xeer-dejin: Maamulka magaaladu wuxuu dejin karaa xeerar u gaar ah magaalada si loo habeeyo nolosha dadka ku nool, sida xeerka ganacsiga, gaadiidka, iyo dhismaha.
4. Miisaaniyadda: Maamulku wuxuu leeyahay miisaaniyad uu gaar u maamulo adeegyada magaalada. Dhaqaalahaas wuxuu ka imaan karaa cashuuraha deegaanka, rukhsadaha ganacsiga, iyo taageero ka timaadda dawladda dhexe ama dawlad goboleedka.
5: Waxay ka mid noqotaa magaaladaasi deegaanada u tirsan Dowladda Fadaraalka ah oo waxaa laga hirgaliyaah mashaariicda dalku wada leeyahay qaybteeda sida Hada Goday iyo Dhagaxbuur oo kale,Waxay leeyihiin Matalaad Xildhibaano ah oo u khaas ah kuwaas oo aan ahayn kuwii degmada horay u matali jiray, ka dib marka heer fadaraal laga Aqbalo.
5. Ujeeddo: Ujeeddada maamul magaalo waa in si gaar ah loogu adeego baahiyaha dadka magaalada ku nool si ka hufan, maadaama magaalooyinka ay leeyihiin dhibaatooyin iyo baahiyo gaar ah oo ka duwan kuwa miyiga ama tuulooyinka.
Tusaale hadii magaalada wardheer laga dhigo maamul magaalo xarunta degmada waa laga rari doonaa oo waxaa lagayn doontaa santarada kale maadaama magaaladaasu yeelatay maamul u gaara