03/07/2026
Shirkadda Anthropic ayaa dib u soo celisay isticmaalka moodellada Claude Fable 5 iyo Claude Mythos 5, kaddib markii h**e loo saaray xannibaad ay ku soo rogtay dowladda Maraykanku sababo la xiriiray walaacyo amni iyo isticmaal qaldan oo la xiriira awoodaha sare ee AI-da, gaar ahaan dhinaca cybersecurity.
Xannibaaddaas ayaa muddo kooban hakisay helitaanka labada moodal, iyadoo laga cabsi qabay in si qaldan loo adeegsado awooddahooda horumarsan. Hase yeeshee, dib-u-eegis dhanka amniga ah oo lagu sameeyey kaddib ayaa dib loo fasaxay.
Labadan AI waxay kamid yihiin kuwa ugu awoodda badan maanta, waxayna door weyn ka ciyaaraan hal-abuurka, cilmi-baarista, qorista, falanqaynta xogta, barnaamij-sameynta iyo waxbarashada.
Sidoo kale, waxay ka caawiyaan suxufiyiinta, ardayda, ganacsatada iyo horumariyeyaasha in ay si dhakhso leh oo tayo leh u qabtaan shaqooyin adag, taas oo sare u qaadaysa waxsoosaarkooda.