13/01/2026
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah, taariikhi ah, isla markaana astaan u ah bisaylka siyaasadeed iyo wadajirka Qaranka JSL la yeeshay Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibedda ee h**e u soo hoggaamiyay Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo hannaanka Diblomaasiyadda Qaranka muddadaa ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo 7 Wasiir oo ka mid ahaa Wasiiraddii h**e ee Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku sifeeyey in ay ahaayeen Mujaahidiintii Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo ilayskii hadh iyo habeenba baadi-goobka ugu jiray Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in qof kasta oo kulanka ka soo qayb galay, kuwa maqan iyo kuwii dhintayba (AHUN) ay juhdi iyo dedaal badan galiyeen qaddiyadda ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu mid mid u akhriyey magacyada iyo taariikhda ay ay xilka hayeen 15-ka Wasiir Arrimo Dibadeed (kuwa nool, maqan ama geeriyooday), oo uu ku jiro Wasiirka haatan xilka haya ee Qaranka u soo shaqeeyey muddadii ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid ku salaysan talo-wadaag Qaran, waayo-aragnimo-wadaag iyo wadatashi la xidhiidha Arrimaha Masiiriga ah ee Qaranka JSL, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si qoto dheer ugu faahfaahiyey marxaladda cusub ee diblomaasiyadeed, tan siyaasadeed iyo ta amni ee uu dalku galay, isaga oo is-dul-taagay in marxaladdan xasaasiga ahi ay u baahan tahay midnimo buuxda, wadajir Qaran iyo in mudnaanta koowaad la siiyo danta guud ee dalka iyo dadka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh u qiray doorka weyn ee ay Wasiiraddii h**e ee Arrimaha Dibaddu ay ku lahaayeen hana-qaadka Siyaasadda Arrimaha Dibedda JSL, waxana uu yidhi:
"Waxa aad isaga soo kala dambayseen shaqo fiican oo sees u noqotay dhismaha Xidhiidhada Arrimaha Dibedda ee Somaliland, waana ta noo fududaysay in aannu sii dhammaystirno oo maanta uu Allah innagu guuleeyey aqoonsigii koowaad, kuwo kalana aynu filayno, waana sababta aan idiinku yeedhay Kulankan-kan mahadnaqa iyo xog-iswareysigaba leh."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ay aqoonsiga u soo mareen jid dheer oo adag iyo dedaal wadareed bulsho, waxana uu yidhi:
"Aqoonsiga Somaliland waa mid ka dhashay dedaallo is-biirsaday oo intiina madashan fadhida uu mid kastaa wax ku darsaday. Taasi ayaannu ku sii kordhinnay dadaalkayaga iyo istaraatjiyaddii diblumaasiyadeed ee sii dhammaystiri lahayd. Alle mahaddiina, way midho dhashay."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u qeexay in Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ay ku dhisan tahay iskaashi, is-tixgelin, iyo dano wadaag. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn dal go'doon ka ah dunida kale, albaabadeeduna u furan yihiin, isla markaana ay soo dhaweynaysa cid kasta oo la macaamilaysa, cid kasta oo rabta in aanu wax wada qabsan karno, iyo cid kasta oo Somaliland niyad samaan kula shaqaysa.
Dhankooda, Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibedda JSL ee kulanka ka soo qayb galay ayaa si qoto dheer ugu mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kulanka wada-tashiga iyo xog-warranka Qaran ah ee uu ugu yeedhay. Waxa ay tilmaameen in tallaabadani aanay h**e caado u ahaan jirin, balse ay caddayn u tahay Hoggaaminta Quman ee Madaxweynaha, bisaylka siyaasadeed iyo jihada saxda ah ee dalku u socdo.
Waxa ay sheegeen in arrintani ay kor u qaadayso midnimada Qaranka, kalsoonida shacabka iyo rejada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxana ay si wadajir ah u muujiyeen garab istaag iyo taageero buuxda oo ay u hayaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.
Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibeddu waxa ay soo jeediyeen talooyin cad iyo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah oo lagama maarmaan u ah hawlaha diblomaasiyadeed ee xilligan iyo marxaladda cusub ee uu dalku galay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Shacabka qiimaha leh ee Somaliland kula dardaarmay in ay ilaashadaan amnigooda, wadajirkooda, cadowgana ay meel uga soo wada jeestaan, isaga oo sheegay in midnimada Qaranku ay tahay hubka ugu culus ee ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ku difaaci karto jiritaankeeda kuna gaadhi karto himilooyinkeeda Qaran.
Kulankan taariikhiga ah ayaa waxa uu ahaa mid farriin cad u diraya shacabka Somaliland gudaha iyo dibaddaba, taasi oo ah in Hoggaanka Qaranka JSL ay ka go’an tahay isu keenidda waayo-aragga, aqoonta iyo garaadka ummadda, mideynta aragtiyaha siyaasiga ah ee marxaladda cusub, iyo xoojinta rajada iyo yididiillada mustaqbalka dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Magacyada Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalmiga ah ee ka soo qayb galay kulanka iyo Wasiirka haatan xilka haya:
1. Gud Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur),
2. Gud Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),
3. Dr. Adna Aadan Ismaaciil,
4. Maxamed Biixi Yoonis,
5. Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
6. Dr. Sacad Cali Shire,
7. Dr. Ciise Kayd Maxamuud,
8. Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝