Sharmaarke Secondary School - Burao

Sharmaarke Secondary School - Burao The Light of Knowledge and the Future

WAR-BIXIN GUULAYSTAHA ORODKA 5000MDugsiga: Sharmake Ali Salah Secondary SchoolGoobta Tartanka: Aargada Koosaar ilaa Dugs...
06/11/2025

WAR-BIXIN GUULAYSTAHA ORODKA 5000M

Dugsiga: Sharmake Ali Salah Secondary School
Goobta Tartanka: Aargada Koosaar ilaa Dugsiga
Taariikh: 06/11/2025
Waqtiga Bilaabashada: 7:00 AM

Waxaa lagu soo gabagabeeyey tartankii orodka 5000 mitir ee ardayda dugsiga maanta loo qabtay Tartankan oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa ka qayb galay 12 arday oo si hufan u orday.

Ka dib orod dheer iyo dadaal adag, waxaa kaalinta koowaad galay:

🏆 Arday: Cabdi Nuur Siciid Muuse

Fasalka: Form 2A

Waqtiga uu ku dhameeyey: 7 daqiiqo

Kaalinta: 1aad

Abaalmarinta: Koobka Guusha + Qadar Lacageed oo dhiirigelin ah

Ardayga Cabdi Nuur Siciid Muuse ayaa muujiyey xoog, adkaysi, iyo tababar sare, taasoo sababtay inuu si sharaf leh ugu guulaysto koobkii orodka 5000m. Maamulka dugsigu waxa uu u dirayaa hambalyo iyo bogaadin rasmi ah, isaga oo dhiirigelinaya ardayda kale inay tusaale ka dhigtaan dadaalka iyo go’aanka uu muujiyey.

06/11/2025
06/11/2025

Kala Soco goor Dhar Natiijada orodka 5000 meter

Waxaan u Rajaynayaa Guul
Ardayga Guulaysta

HANBALYO HANBALYO  🏆 CIYAARTOYGA UGU GOOL-DHALINTA BADNAASharmaarke Secondary School - Burao  – Tartanka Kubadda Cagta 2...
02/11/2025

HANBALYO HANBALYO

🏆 CIYAARTOYGA UGU GOOL-DHALINTA BADNAA

Sharmaarke Secondary School - Burao – Tartanka Kubadda Cagta 2025 ⚽

G/xigeenka W/W/B iyo Sayniska Ee Gobolka Togdheer, Maamulka Dugsiga Sharmaarke Secondary School – Burco
waxay abaalmarin gaar ah guddoonsiiyeen

🥇 CABDICASIIS AXMED JAAMAC

🏫 Fasalka: Form 3A

Isagoo ku guuleystay CIYAARTOYGA UGU GOOL-DHALINTA BADNAA
ee tartanka kubadda cagta ee dugsiga sannad dugsiyeedka 2025/2026
ka dib markii uu si hufan u matalay kooxdiisa, una dhaliyay goolal badan oo muhiim u ahaa guusha kooxda Form 3A.

Ciyaaryahan Cabdicasiis Axmed Jaamac wuxuu muujiyay:
✅ Xirfad sare oo ciyaareed
✅ Dadaal iyo tababar joogto ah
✅ Akhlaaq wanaag iyo ciyaar nadiif ah

Waxaa lagu maamuusay Abaalmarin Ciyaareed
oo uu ku mutaystay dadaal iyo goolal badan oo uu dhaliyay intii uu tartanku socday.

🏅 Dhiirrigelin iyo Abaalmarin 🏅Waxaan si gaar ah ugu bogaadinaynaa Xamse Cabdi Axmed, oo loo aqoonsaday ciyaaryahanka ug...
01/11/2025

🏅 Dhiirrigelin iyo Abaalmarin 🏅

Waxaan si gaar ah ugu bogaadinaynaa Xamse Cabdi Axmed, oo loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu akhlaaqda iyo ciyaarta wanaagsanaa intii uu socday wareegga ciyaaraha dugsiga.
Xamse wuxuu tusaale u yahay ciyaartoyda daacadnimada, ixtiraamka iyo niyad wanaagga ku muujiyay garoonka.
Guushaadu ha noqoto mid kuu sii horseeda heerar ka sarreeya — waa lagugu faanaa, Xamse! 🌟

HanbalyoCiyaartoygii Ugu Akhlaaqda WanaagsanaaWareegga Dugsiga Sharmaarke Secondary School - Burao Akhlaaqda wanaagsan w...
01/11/2025

HanbalyoCiyaartoygii Ugu Akhlaaqda Wanaagsanaa
Wareegga Dugsiga Sharmaarke Secondary School - Burao

Akhlaaqda wanaagsan waa astaanta ugu muhiimsan ee ardayga wanaagsan, gaar ahaan marka uu ku jiro ciyaar ama tartan. Guushu waa muhiim, balse anshaxa, ixtiraamka iyo ciyaar wanaaggu waa wax ka sii qiimo badan.

Marka la qiimeeyay dhammaan ciyaartoydii ka qayb galay tartanka kubadda cagta ee wareegga dugsiga, waxaa si gaar ah loo bogaadinayaa ciyaartoygii muujiyay akhlaaq, is-ixtiraam, dulqaad iyo niyad wanaag, xitaa marka uu ciyaartu adkaato ama guuldarro timaado.

🏅 Abaalmarinta:
“Ciyaartoygii Ugu Akhlaaqda Wanaagsanaa”

Waxaa la guddoonsiiyay ardaygii lagu arkay:

Ixtiraamka macallimiinta, garsoorayaasha iyo ciyaartoyda kale

Ciyaar daacad ah oo aan muran iyo xanaaq lahayn

Dhiirrigelinta asxaabtiisa iyo caddeynta ruux is-hoosaysiin leh

Abaalmarintani waa xusuus iyo dhiirrigelin loogu talagalay ardayda kale si ay ugu daydaan edaabta iyo akhlaaqda wanaagsan ee uu tusaalaha ka dhigay.

Akhlaaqdu waa quruxda qofka, waa furaha guusha, waana astaanta ardayga suuban.
✨ “Nabigu (SCW) wuxuu yidhi: ‘Dadku waxay ugu dhow yihiin Jannada kuwa akhlaaqda wanaagsan leh.’”

31/10/2025

Kelmadii Guddoomiye Ku-xigeenka W/W/B & Sayniska iyo Maamulaha Dugsiga

Ciyaartii Final-ka ee Tartanka Kubadda Cagta ee Dugsiga Sharmaarke Secondary School - Burao , oo shalay lagu qabtay Garoonka Iicug, waxaa si sharaf leh uga soo qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Gobolka Togdheer, Mudane Khadar. Cismaan Xirsi.

Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu ammaanay dadaalka maamulka iyo macalimiinta dugsiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ciyaaraha iyo isboortigu ka qaataan kor u qaadidda caafimaadka, wadajirka, iyo kartida ardayda.

Sidoo kale, wuxuu dhiirrigeliyay ardayda in ay sii wadaan dadaalka iyo isu-soo dhowaanta uu isboortigu abuuro, isla markaana uu dugsigu noqdo tusaale wanaagsan oo lagu daydo.

MAHAD CELIN IYO DHIIRIGELINMaamulka iyo Macalimiinta  Dugsiga Sharmaarke Secondary School – , waxay halkan mahadnaq iyo ...
31/10/2025

MAHAD CELIN IYO DHIIRIGELIN

Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sharmaarke Secondary School – , waxay halkan mahadnaq iyo ammaan gaar ah u soo jeedinayaan Macalin Ahmed Jama Dirie , oo tan iyo bilawgii wareeggii ciyaaraha dugsiga gacanta ku hayey qaban-qaabada, hagidda iyo maamulka tartanka.

Macalin Axmed wuxuu muujiyey dednaan, xilkasnimo, iyo hoggaan dhallinyaro kor u qaadaya, taas oo keentay in ciyaaraha dugsigu si habsami leh u dhacaan una soo afjarmayaan si guul iyo is-faham leh.

Dadaalkiisa joogtada ah, waqtiga uu huray, iyo sida uu u dhiirrigeliyey kooxaha kala duwan ee ardayda, waa mid mudan in la xuso, la qaddariyo, laguna daydo.

Maamulka Dugsiga Sharmaarke wuxuu leeyahay:

> Macalin Axmed, waxaad ahayd tiir-dhexaadkii guusha tartanka. Waxaan kuu rajaynaynaa horumar, caafimaad, iyo guulo waaweyn mustaqbalka.

ALLAA MAHAD LEH.
Maamulka Dugsiga Sharmaarke Secondary School – Burco
Taariikh: 31/10/2025
Sharmaarke Secondary School - Burao

Sawirada Ciyaartii Galabta qaybtii labaad
30/10/2025

Sawirada Ciyaartii Galabta qaybtii labaad

Address

Burco

Opening Hours

Monday 07:00 - 12:00
Tuesday 07:00 - 12:00
Wednesday 07:00 - 12:00
Thursday 07:00 - 12:00
Saturday 07:00 - 12:00
Sunday 07:00 - 12:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sharmaarke Secondary School - Burao posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sharmaarke Secondary School - Burao:

Share